Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Video:-Islaan Bashiir islaan Cabdille Oo qado sharaf usameeyay waftigii Madaxweyne Farmaajo
    Somalia

    Video:-Islaan Bashiir islaan Cabdille Oo qado sharaf usameeyay waftigii Madaxweyne Farmaajo

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.January 15, 2018No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Madaxwaynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo Madaxwaynaha dawladda DF ee Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa maanta 14 january 2018 waxaa qada sharaf ugu  sameeyay Magaalada Gaalkacayo Islaan Bashiir Islaan Cabdulle Islaan Faarax.

    Munaasabada hadhimo sharafeedka ayaa waxaa kasoo qayb galay golayaashada dawladda Puntland, golayaasha Dawladda Faderaalka Soomaaliya,  qaar kamid ah saraakiisha Madaxtooyada dawladda Puntland iyo marti sharaf kale.

    Munaasabadaan ayaa waxaa ku maamuusay madaxda dawladda Puntland iyo madaxda dawladda Federaalka ee Soomaaliya Islaan Bashiir Islaan Cabdule, waxaana ay ahayd munaasabad lagu soo dhawynayo Madaxwaynaha DF Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo iyo wefdiga balaadhan ee uu hogaaminayo oo booqsho ku jooga Puntland.

    Madaxwaynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas  iyo madaxwaynaha dawladda federaalka ee soomaaliya ayaa si wadajir ah ugu mahad celiyay Islaan Bashiir Islaan Cabdule iyo dhammaan Isimaadii kaqayb qaatay Munaasabadan qada sharafta ahayd.

    Dhinaca Kale Islaan Bashiir Islaan Cabdile oo Kalamado Kooban Madasha Ka Jeediyay Ayaa  Waxa Uu Shegay In Bur burkii Dawladii Dhexe Ay saameyn Wayn U gaysatay gobolkan .loona baahan yahay in xal waara laga aro waxana u kaloo Sheegay In gogol nabdaeed taalo.

    Sidoo kale Madaxweynha DF Soomaaliya oo ka mahad celiyey qada sharafta ayaa sheegay in gobolku u baahan yahay dib u heshiisiin buuxda, loona diyaariyo caasimada ganacsiga gobolada dhexe, sidoo kale madaxweyne farmaajo wuxuu sheegay in dadka gobolkan daga ay yihiin walaalo aan kala maarmin loona baahan yahay in nabada gobolkaan  laga wada shaqeeyo.

    Ugu danbayn Madaxweynaha Dawlada Puntland Dr.Cabdiwali Maxmed Cali Gaas oo hadal kooban ka jeediyay munasabda ayaa uga mahad naqay islaanka qada sharftan iyo maamuskan loo sameeyay madaxweynha DF Soomaliya Iyo dhamaan marti sharfta kale ee ka soo qayb gashay, isla mar ahaantana sheegay in xafladani soo geba gabeysay socdaalki madaxweynaha DF Soomaaliya,hoos ak daawo muuqaalka.

     

     

     

     

    Halkan hoose ka daawo muuqaalka

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Wararkii ugu danbeeyay dagaalka Baallade Ee Calmiskaad

    August 24, 2025

    Puntland oo Ciidamo cusub gelisay hawlgalka Calmiskaad

    August 24, 2025

    Warbixin:-Kobaca dhaqaale Muwaadinka Somaliyed 5-tii Sano udanbaysay

    August 24, 2025
    Latest Posts

    Wararkii ugu danbeeyay dagaalka Baallade Ee Calmiskaad

    Puntland oo Ciidamo cusub gelisay hawlgalka Calmiskaad

    Warbixin:-Kobaca dhaqaale Muwaadinka Somaliyed 5-tii Sano udanbaysay

    Faallo:-Beesha Sool Bari oo markale siriq Siyaasadeed iyo Juquraafi isgelisay

    Faallo:-Puntland miyaa la diciifin karaa saamaynteeda Siyaasadeed?

    Xarunta Daaweynta iyo Dhaqida Kalyaha oo laga hirgeliyay isbitaalka Garowe

    Waxbadan ka ogow Dagalakii Shalay ka dhacay Godka Yucrin,Maragade iyo naf hurnimada ay muujiyeen CDPL

    Maraykanka oo si dadban ugu digay Xasan Shiikh

    CDPL iyo firxadkii argagixisada oo isku helay Toga Baallade

    Dhexdhexaadintii Kenya Ee Axmed iyo Xasan oo fashilantay

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.