Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Video:-Jaamacada Muqdisho faraceeda Bosaso oo magacii laga badalay iyo 127-Arday oo ka qalanjabisay
    Somalia

    Video:-Jaamacada Muqdisho faraceeda Bosaso oo magacii laga badalay iyo 127-Arday oo ka qalanjabisay

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyFebruary 16, 2017Updated:February 16, 2017No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Madaxweyne ku xigeenka Dawladda Puntland ahna ku simaha Madaxweynaha Eng. Cabdixakiin Xaaji Cabdullaahi Cumar Camey ayaa maanta 16  February, 2017  ka qayb galay xafladda qalin jebinta dufcaddii 5-aad ee ka baxday  jaamacada Muqdisho faraceeda magaalada Boosaaso.

    Ka qayb galka xalfada qalin jebinta ardayda jaamacada Muqdisho faraceeda magaalada Boosaaso ayaa waxaa madaxweyne ku xigeenka ku wehelinaayey masuuliyiin ka tirsan goloyaasha Dawladda Puntland, maamulka degmada Boosaaso, kan gobolka Bari iyo saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Dawladda Puntland.

    Madaxweyne ku xigeenka Dawladda Puntland ahna ku simaha Madaxweynaha Eng. Cabdixakiin Xaaji Cabdulaahi Cumar Camey ayaa u hambalyeeyey ardayda ka qalin jebisey Jaamacada Muqdisho faraceeda magaalada Boosaaso, waxaana uu madaxweynuhu maamulka jaamacadda iyo waalidiinta ardayda mahad balaaran uga jeediyey sida ay ula garab istaageen ardayda dedaal iyo maalba, isla markaana ay ka mira dhaliyeen hiigsiga mustaqabalka ardayga.

    Sidoo kale Madaxweyne ku xigeenka  Dawladda Puntland ahna ku simaha madaxweynaha ayaa ku booriyey ardayda ka qalin jebisey jaamacada Muqdisho ee magaalada Boosaaso inay dhamaystaan waxbarashadooda inta u dhiman, isla markaana ay dhabaystaan inay yihiin madaxdda mustaqbalka dhow ee Dalka.

    Wasiirka wasaarada waxbarasha iyo tacliinta sare ee Dawladda Puntland Mudane. Abshir
    Aw-yuusuf Ciise ayaa isna dhan kiisa wax lagu farxo ku tilmaamay ardayda ka qalin jebisey Jaamacada Muqdisho faraceeda magaalada Boosaaso kuwaas oo tiradoodu dhantahay 127 arday, isla markaana isugu jiray arday ka qalin jebisey 7 dufcadood oo ka mida Faculty-yada lagu barto Jaamacada.

    Sidoo kale Wasiirka Wasaarada waxbarasha ayaa timaamay in jaamacada Muqdisho ay ka mid tahay Jaamacadaha ugu tayada wanaagsan ee ka jira Puntland iyo guud ahaan Soomaaliya.

    Dr. Cali Shiikh Axmed oo kamida guddiga sare ee Jaamacada Muqdisho ayaa ku dheeraaday marxaladaha kala duwan ee ay Soo martay Jaamacadu,waxaana uu sheegay in Jaamacada Muqdisho faraceeda magaalada Boosaaso ay doorwayn ka qaateen dhismaheeda iyo tayeynteeda xukuumadihii kala duwanaa ee soo maray Puntland tan iyo intii dhidibada loo taagey.

    Ugu danbayn, Madaxweyne ku xigeenka Dawladda Puntland ahna ku simaha madaxweynaha  ayaa daah furay magac cusub oo lagu bedelay faraca jaamacadda muqdisho ee magaalada Boosaaso, waxaana loo bedelay magac cusub oo noqonaya Redsea University ama Jaamacadda Badda Cas ee magaalada Boosaaso.

    Labada Jaamacadood ayaa qorshe ahaan isku mid ah balse ku kala duwan magaca iyo nidaamka ay u shaqaynayaan, waxaana ka dhaxayn doonta wada shaqayn ballaadhan oo ku salaysan horumarinta tacliinta iyo wixii la mid ah,hoos ka daawo muuqaalka.

    –DHAMMAAD–

     

     

    Halkan ka daawo muuqaalka

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Ugu danbayn Xabad joojin Maraykanku amray,ayay Israa’iil iyo Iran wada qaateen

    June 24, 2025

    Faallo:-Socdaalka Madaxweyne Axmed Madoobe Ee Garowe

    June 23, 2025

    Iran oo Gantaalo ku weerartay Saldhiga Maraykanka Ee Qatar

    June 23, 2025
    Latest Posts

    Ugu danbayn Xabad joojin Maraykanku amray,ayay Israa’iil iyo Iran wada qaateen

    Faallo:-Socdaalka Madaxweyne Axmed Madoobe Ee Garowe

    Iran oo Gantaalo ku weerartay Saldhiga Maraykanka Ee Qatar

    What we know about Iran’s attack on US base in Qatar

    Axmed Madoobe iyo weftigiisii oo gaaray Garowe ugu danbayn

    Faallo:-Miyaa la burburiyay Hubkii Niyukleerka Iran?

    Shir muhiim u ah Puntland oo Maanta ka furmay Garowe

    Ciidamada PL oo ku dhow in ay soo gabagabeeyaan hawlgalkii Cal-miskaad

    Maraykanka oo dukheeyay Xarumaha Niyukleerka Iran

    Jubaland:-Mw Axmed Madoobe oo kusii jeeda Garowe

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.