Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»VIDEO: Madaxweynaha Jubbaland, Xidig & Seeraar oo lagu soo dhaweeyay Kismaayo
    Somalia

    VIDEO: Madaxweynaha Jubbaland, Xidig & Seeraar oo lagu soo dhaweeyay Kismaayo

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyApril 29, 2020Updated:April 29, 2020No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link


    Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam oo ay wehelinayaan Xildhibaan Cabdirashiid Xidig iyo Sheekh Daahir oo kamid ah xubnaha isbadal doonka Jubbaland ee dhawaan heshiiska la gaaray Dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa dib ugu soo laabtay Magaalada kismaayo.

    Madaxweyne Axmed Madoobe iyo xubnaha Golaha Is-bedelka doonka ayaa si diiran loogu soo dhaweeyay magaalada Kismaayo, waxaana soo dhaweyntooda ka qeyb-galay xubno kamid ah labada Gole ee Jubbaland, Maamulka Gobalka, Kan Degmada Kismaayo, Saraakiisha Ciidamada iyo kumanaan shacab ah oo dhoobnaa hareraha laamiyada.

    https://www.facebook.com/JLTVOfficial/videos/591949164744279/

    Madaxweynaha oo Saxaafada kula hadlay qaybta nasashada garoonka diyaaradaha ayaa sheegay in uu si wanaagsan kusoo dhamaaday heshiiskii ay dhawaan gaareen xubnaha golaha isbadal doonka iyo Xukuumada Jubbaland waxaa Madaxweynahu uu hoosta ka xariiqay in danta shacabka ay ku jirto heshiiskaas oo aan shaqsi loo danaynin balse shacabka loo turay.

    Waxaa Madaxweynahu uu intaas ku daray in shacabka Jubbaland ay wadajir iyo Midnimo ku gaari karaan Hormar guud taas oo ay qayb ka tahay in wixii lagu kala aragti duwanaado wada hadal lagu xaliyo.

    Wuxuu intaas ku daray Madaxweynahu in heshiiskaas uu u dhexeeyay Dowlada Jubbaland iyo xubnahii saluugay Doorashadii Sanadkii hore isla markana diyaar ay u yihiin in wixii dhiman la dhamaystiro isla markana laga shaqeeyo sidii shacabka Jubbaland ay dantoodu u noqon lahayd mid laga wada shaqeeyo.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Israel oo dishay hogaamiyihii dadbanaa Ee Iran

    March 18, 2026

    Xasan Shiikh oo ku fashilmay inqilaabkii Laftagareen uu la damcay?

    March 18, 2026

    Maxay ka dhigan tahay tagida Baydhabo Ee Mw Laftagareen?

    March 18, 2026
    Latest Posts

    Israel oo dishay hogaamiyihii dadbanaa Ee Iran

    Xasan Shiikh oo ku fashilmay inqilaabkii Laftagareen uu la damcay?

    Maxay ka dhigan tahay tagida Baydhabo Ee Mw Laftagareen?

    Maxay ka dhigan tahay xiriir ujarida KG Ee DFS?

    Weerarada Gantaalada iyo Drons-ka Ee Iran ka imaanaya oo hoos usii dhacaya

    Faallo:-Doorka Putin ee dagaalka Galbeedka Aasiya Maraykanka/Israa’iil iyo Iran?.

    Hoos udhac weyn oo ku dhacay Maraakiibta ka gudabaya Marinka Hormos

    Faallo:-Garaacista Jasiirada Hoyga u ah Saliida Iran

    Xamaas oo kaga hor timid Iran weerarada Wadamada Khaliijka

    Difaaca Cirka Imaaraadka Carabta oo fashiliyay weeraro ka yimid Iran

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.