Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»VIDEO: Madaxweynaha Puntland oo la kulmay Dhallinyaro ka timid Jaaliyadda Australia
    Somalia

    VIDEO: Madaxweynaha Puntland oo la kulmay Dhallinyaro ka timid Jaaliyadda Australia

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyNovember 21, 2019Updated:November 21, 2019No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta kulan la qaatay dhallinyaro isugu jirta Dhakhaatiir iyo Ciyaartoo oo ka socda Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Australia, kuwaasi oo booqasho ku yimi Puntland.

    Kulanka waxaa Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane, Siciid Cabdullaahi Deni ku wehelinayey Masuuliyiinta Wasaaradda Shaqada, Shaqaalaha , Dhallinyarada iyo Ciyaaraha ee Puntland, Xafiiska Xiriirka Jaaliyaddaha ee Puntland iyo Madaxda Xiriirka Ciyaaraha ee Puntland.

    Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa sheegay in ay muhimtahay qorshaha dhallinyaradani ku yimaadeen Puntland, oo kor u qaadaya isdhex-galka dhallinyarada iyo barashada dalka iyo dhaqanka aynu leenahay.

    Sidoo kale Madaxweyne Deni ayaa bogaadiyey Dhakhaatiir qeyb ka ah wafdiga ka yimi Australia kuwaasi oo u yimi Puntland inay sameeyaan qaliin indhaha ah oo lacag laรกan ah, mashruucaasi oo ay ka fulinayaan Boosaaso iyo Gaalkacayo waxaa ka faaรญdeysan doona dad gaaraya 450 oo qof.

    Wafdiga ka socda Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Australia oo booqashadani u tahay markii saddexaad ee ay Puntland yimaadaan ayaa ka kooban 30xubnood, oo isugu jira dhakhaatiir iyo kalkaaliyeyaal caafimaad, Ciyaartoo iyo tababaryaashooda. Waxaana inta ay joogaan Puntland ay sidoo kale Ciyaaro kubadda cagta ah kaga qeybgeli doonaan magaalooyinka Garoowe, Qardho, Boosaaso iyo Gaalkacayo.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Trump oo meesha ka saaray sharci Somalida macno weyn ulahaa

    November 22, 2025

    Maalgelin $Trillion ah oo Sacuudigu ku maalgashanayaa Maraykanka.

    November 19, 2025

    Saxaafada caalamka oo isku soo shubtay Puntland

    November 19, 2025
    Latest Posts

    Trump oo meesha ka saaray sharci Somalida macno weyn ulahaa

    Maalgelin $Trillion ah oo Sacuudigu ku maalgashanayaa Maraykanka.

    Saxaafada caalamka oo isku soo shubtay Puntland

    Warbixin ay soo saartay Jaamacadda AMERICAN UNIVERSITY oo looga hadlay guulaha Ciidamada PL

    Faahfaahin duqaymo lala beegsaday firxadka argagixisada

    Faah-faahin dheeraad ah Miisaaniyadda sanadka 2026 Ee Puntland

    Somaliya oo codkeeda ku biirisay Qasa in la geeyo Ciidan shisheeye

    Palestinian Authority welcomes UN Security Council resolution on Gaza

    ๐—ช๐—ฎ๐—ณ๐˜๐—ถ ๐˜‚๐˜‚ ๐—ต๐—ผ๐—ด๐—ด๐—ฎ๐—ฎ๐—บ๐—ถ๐—ป๐—ฎ๐˜†๐—ผ ๐—ช๐—ฎ๐˜€๐—ถ๐—ถ๐—ฟ ๐—๐˜‚๐˜…๐—ฎ ๐—ผ๐—ผ ๐—ด๐—ฎ๐—ฎ๐—ฟ๐—ฎ๐˜† ๐——๐—ต๐—ฎa๐—ฑ๐—ฎ๐—ฎ๐—ฟ

    Wasaarada Arimaha gudaha oo go’aan ka gaartat khilaafka Golaha Deegaanka

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.