Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Video:-Madaxweyne Deni oo Kumanaan Qof kula hadlay Galkacyo
    Somalia

    Video:-Madaxweyne Deni oo Kumanaan Qof kula hadlay Galkacyo

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.May 10, 2023Updated:May 10, 2023No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Gaalkacyo: 09 May 2023: Madaxweynaha Dowladda Puntland Ahna Guddoomiyaha Urur Siyaasadeedka KAAH, Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Galabta Garoonka Kubadda Cagta ee Cawaale Stadium kaga qeybgalay isu soo baxa Urur Siyaasadeedka KAAH, halkaasi oo ay Garoonka soo Buux dhaafiyeen kumanaan ka mid ah dadweynaha Gaalkacyo.

    Madaxweynaha Ahna Guddoomiyaha Ururka KAAH, ayaa ka mahadceliyay Cududa taageero ee Bulshadu usoo bandhigtay iyo sida Bulshada Gobolka Mudug u yihiin dad u taagan Illaalinta Dowladnimada iyo ka qeybgalka Dimuqraadiyadda, isagoo ka codsaday Bulshada in ay doortaan Xildhibaanada Ururka KAAH ugu sharaxan Golaha deegaanka ee Degmada Gaalkacyo.

    Gaalkacyo waa Gaws dambeedka jiritaanka Puntland ninkay taageerto ayaana soo baxaya waa Hoygii Asaaska Puntland.

    Waa mid kamida Gobolada lagu kala bixi doono codkooda. pic.twitter.com/1auQakypH4

    — Jibril Qoobey (@JibrilQoobey) May 9, 2023

    Madaxweynaha ayaa uga digay Dowladda Federaalka Soomaaliya dagaalka ay ku hayso Puntland, kaa gaar ahaan Dimuqraadiyadda hirgashay, wuxuuna sheegay jawaabta koowaad in ay noqonayso Shacabka oo codeeya 25 May 2023.

    Kumanaanka qof ee isugu yimi maanta Garoonka Kubadda Cagta ee Cawaale Stadium, ayaa muujiyey taageerada Urur Siyaasadeedka KAAH iyo Hoggaaminta Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni, waxaana uu noqday banbax taariikhi ah oo saameeyay Dalka oo dhan .

    DHAMAAD

    XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND.

     

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    MADAXWEYNAHA OO MAGACAABAY GUDDOOMIYAHA BANGIGA, AGAASIMAHA BANGIGA IYO AGAASIME KU-XIGEENKA BANGIGA.

    March 31, 2026

    Xisaabiyaha Guud Ee Dowlada Puntland oo la magacaabay

    March 31, 2026

    Faallo:-Maxay ka dhigan tahay isku shaandhaynta lagu sameeyay Golaha Wasiirada iyo Guddoomiyayaasha Gobollada?

    March 31, 2026
    Latest Posts

    MADAXWEYNAHA OO MAGACAABAY GUDDOOMIYAHA BANGIGA, AGAASIMAHA BANGIGA IYO AGAASIME KU-XIGEENKA BANGIGA.

    Xisaabiyaha Guud Ee Dowlada Puntland oo la magacaabay

    Faallo:-Maxay ka dhigan tahay isku shaandhaynta lagu sameeyay Golaha Wasiirada iyo Guddoomiyayaasha Gobollada?

    Madaxweyne Deni oo magacaabay Gudoomiyayaasha Gobollada PL qaarkood

    Golaha Wasiirada Puntland oo laysku shaandheeyay

    Beesha caalamka Oo si adag ugu digtay Xasan Shiikh

    Wararkii ugu danbeeyay Ee dagaalka Wadaadada Iran

    BC Oo Xasan ugudbinaysa digniintii ugu danbaysay

    Midowga Afrika Oo ku baaqay in xiisada KG la dajiyo

    Beesha caalamka oo ka digtay dagaal ka dhaca Koonfur Galbeed

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.