Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Video:-Madaxweyne Deni oo Kumanaan Qof kula hadlay Galkacyo
    Somalia

    Video:-Madaxweyne Deni oo Kumanaan Qof kula hadlay Galkacyo

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.May 10, 2023Updated:May 10, 2023No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Gaalkacyo: 09 May 2023: Madaxweynaha Dowladda Puntland Ahna Guddoomiyaha Urur Siyaasadeedka KAAH, Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Galabta Garoonka Kubadda Cagta ee Cawaale Stadium kaga qeybgalay isu soo baxa Urur Siyaasadeedka KAAH, halkaasi oo ay Garoonka soo Buux dhaafiyeen kumanaan ka mid ah dadweynaha Gaalkacyo.

    Madaxweynaha Ahna Guddoomiyaha Ururka KAAH, ayaa ka mahadceliyay Cududa taageero ee Bulshadu usoo bandhigtay iyo sida Bulshada Gobolka Mudug u yihiin dad u taagan Illaalinta Dowladnimada iyo ka qeybgalka Dimuqraadiyadda, isagoo ka codsaday Bulshada in ay doortaan Xildhibaanada Ururka KAAH ugu sharaxan Golaha deegaanka ee Degmada Gaalkacyo.

    Gaalkacyo waa Gaws dambeedka jiritaanka Puntland ninkay taageerto ayaana soo baxaya waa Hoygii Asaaska Puntland.

    Waa mid kamida Gobolada lagu kala bixi doono codkooda. pic.twitter.com/1auQakypH4

    — Jibril Qoobey (@JibrilQoobey) May 9, 2023

    Madaxweynaha ayaa uga digay Dowladda Federaalka Soomaaliya dagaalka ay ku hayso Puntland, kaa gaar ahaan Dimuqraadiyadda hirgashay, wuxuuna sheegay jawaabta koowaad in ay noqonayso Shacabka oo codeeya 25 May 2023.

    Kumanaanka qof ee isugu yimi maanta Garoonka Kubadda Cagta ee Cawaale Stadium, ayaa muujiyey taageerada Urur Siyaasadeedka KAAH iyo Hoggaaminta Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni, waxaana uu noqday banbax taariikhi ah oo saameeyay Dalka oo dhan .

    DHAMAAD

    XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND.

     

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Faallo:-Halkee ku wajahnaa hadalka Madaxweyne Faroole?

    December 20, 2025

    Faallo:-Yaa iska leh Eeda in ay Soomaaliya soo kaban waydo 30-sano kadib?

    December 20, 2025

    Faallo:-Maamulada Koonfurta oo diiday qaaraan loo waydiiyay Laascaanood

    December 20, 2025
    Latest Posts

    Faallo:-Halkee ku wajahnaa hadalka Madaxweyne Faroole?

    Faallo:-Yaa iska leh Eeda in ay Soomaaliya soo kaban waydo 30-sano kadib?

    Faallo:-Maamulada Koonfurta oo diiday qaaraan loo waydiiyay Laascaanood

    Maxaa ka jira saraakiil reer PL ah in ay Xamar ubaxsadeen?

    Wararkii udanbeeyay ee shirweynaha magaalada Kismaayo

    Wararkii udanbeeyay Ee Shirka Kismaayo?

    The One-Sided and Disputed Election Process Led by Villa Somalia Threatens Somalia’s Stability and State-Building Efforts

    Somali Identity, Race, and the Limits of Western Racial Frameworks

    Yaa ka hor istaagay Farmaajo kasoo qaybgalka Shirka Kismaayo?

    Booliska PL oo gacanta ku dhigay Nin dilay Hooyadii iyo Xaaskiisa

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.