Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Video:-Madaxweyne Farmaajo oo ku baaqay Roobdoon iyo Alle Bari
    Somalia

    Video:-Madaxweyne Farmaajo oo ku baaqay Roobdoon iyo Alle Bari

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyMarch 12, 2017Updated:March 12, 2017No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Madaxweynaha JFS Mudane Maxamed C/laahi “Farmaajo”, ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed in ay Toddobaadkaan gudihiisa sameeyaan isu soo baxdyo Alle bari iyo Roob doon ah.

     Madaxweyne Farmaajo oo ay wehliyaan Wasiirrada Warfaafinta, Diinta, guddoomiyaha gobolka Banaadir, agaasimeyaal ka socda wasaaradaha qaar iyo Culimada Soomaaliyeed qaarkood, ayaa shir saxaadeed uu ku qabtay xafiiskiisa uga hadlay xaaladda abaaraha daran ee dalka ka jira.

    Madaxweynaha, ayaa sheegay in xaaladda abaarta ay la socdaan cudurro halis ah,  isla markaana dadka ay bilaabeen in ay ka soo baraxaan gobollada ay dhacdooyinkaasi ka taagan yihiin, waxa uu boggaadiyey dedaallada ay wadaan Ra’iisul wasaaraha iyo guddiga Qaranka ee guddiga Abaaraha Soomaaliya oo sameeyey isku dayo wanaagsan ilaa welina wada.

    Sidoo kale Madaxweynaha, ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed in maalinta Talaadada ee soo socoto ay sameeyaan isu soo baxyo Alle Bari iyo Roob doon, si Alle nooga dulqaado abaaraha dalka aafeeyey xilligaan.

    Sheekh Nuur Baaruud Gurxan oo ka mid ah Culimada Soomaaliyeed, ayaa sheegay in dambiyada ka dhacay Soomaalida dhexdooda ay keeneen abaaraha, loona baahan yahay in laga Towbad keenno, si khataraha ay abaartu ka mid tahay Alle nooga Qaado,hoos ka daawo muuqaalka.

     

     

     

    Halkan ka daawo muuqaalka

    https://youtu.be/E-I5OSCyZps

     

     

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    MADAXWEYNAHA OO MAGACAABAY GUDDOOMIYAHA BANGIGA, AGAASIMAHA BANGIGA IYO AGAASIME KU-XIGEENKA BANGIGA.

    March 31, 2026

    Xisaabiyaha Guud Ee Dowlada Puntland oo la magacaabay

    March 31, 2026

    Faallo:-Maxay ka dhigan tahay isku shaandhaynta lagu sameeyay Golaha Wasiirada iyo Guddoomiyayaasha Gobollada?

    March 31, 2026
    Latest Posts

    MADAXWEYNAHA OO MAGACAABAY GUDDOOMIYAHA BANGIGA, AGAASIMAHA BANGIGA IYO AGAASIME KU-XIGEENKA BANGIGA.

    Xisaabiyaha Guud Ee Dowlada Puntland oo la magacaabay

    Faallo:-Maxay ka dhigan tahay isku shaandhaynta lagu sameeyay Golaha Wasiirada iyo Guddoomiyayaasha Gobollada?

    Madaxweyne Deni oo magacaabay Gudoomiyayaasha Gobollada PL qaarkood

    Golaha Wasiirada Puntland oo laysku shaandheeyay

    Beesha caalamka Oo si adag ugu digtay Xasan Shiikh

    Wararkii ugu danbeeyay Ee dagaalka Wadaadada Iran

    BC Oo Xasan ugudbinaysa digniintii ugu danbaysay

    Midowga Afrika Oo ku baaqay in xiisada KG la dajiyo

    Beesha caalamka oo ka digtay dagaal ka dhaca Koonfur Galbeed

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.