Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Video:-Madaxweyne Farmaajo oo ku dhawaaqay in Somaliya masiibo Qaran ay ka jirto
    Somalia

    Video:-Madaxweyne Farmaajo oo ku dhawaaqay in Somaliya masiibo Qaran ay ka jirto

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyFebruary 28, 2017No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Madaxweynaha Jamhuuriyadda Maxamed Cabdullaahi ayaa maanta magaalada Muqdisho ka furay shir caalami ah oo Beesha Caalamka ay ka qeyb-gashay, kaasi oo looga hadlayey sidii looga jawaabi lahaa abaaraha ka jira Soomaaliya.
    Madaxweynaha ayaa ugu baaqay Beesha Caalamka in ay ka qeyb qaataan gargaarka loo fidinayo dadka ay abaarahu saamaayeen si looga gaashaanto in xaalad macaluul oo baahsan ay dalka ka dhacdo sidii lix sano kahor.

    “Toddobaadyada iyo bilaha soo socdo, waxaan isugu gayn doonnaa awooddeenna, sidii loo dajin lahaa istiraatiijiyad looga hortagayo saameynta baahsan ee abaaraha, oo suuragal ah in ay isu badasho xaalad macaluul, hadddii aan haatan laga hortagin.”

    “Waa in dhammaan qeybaha bulshada ay ka qeybgalaan gurmadkan lagu samatabixinayo nolosha dadka Soomaaliyeed. Dowladda waxa ay ahmiyadda koowaad siin doontaa gurmadka abaaraha. ” Ayuu yiri Madaxweynaha oo khudbad ka jeedinayey shirkii maanta ee looga hadlayey gurmadka abaaraha.

    Ugu dambeyntii , Madaxweynaha ayaa si joogta ah ula socon doona xaaladaha abaaraha, si gurmadka loo fidinayo dadka Soomaaliyeed uu u noqdo mid gaaray meelihii loogu talagalay.

     

     

     

     

    Halkan ka daawo muuqaalka

    https://youtu.be/0QDF1xf_gb0

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Update:-Dagaalka Iran iyo Israa’iil

    June 16, 2025

    Shirweynaha Bangiyada iyo Maaliyada oo Garowe ka furmay

    June 16, 2025

    Wararkii ugu danbeeyay dagaalka Iran iyo Israa’iil

    June 16, 2025
    Latest Posts

    Update:-Dagaalka Iran iyo Israa’iil

    Shirweynaha Bangiyada iyo Maaliyada oo Garowe ka furmay

    Wararkii ugu danbeeyay dagaalka Iran iyo Israa’iil

    Doonyo laga shakiyay oo lagu qabtay Bender-beyla

    Wararkii ugu danbeeyay ee dagaalka Iran iyo Israa’iil

    Diyaaradaha dagaalka Ciidamada PL oo laayay ku dhawaad 50- Argagixisada ka mid ah

    Ninka Turkiga Ee la qabtay oo looga shakisan yahay…

    Shirkii Xasan Shiikh Ee astaysnaa Maanta oo fashilmay

    بيان صحفيصادر عن جماهير الدفاع والديمقراطية في بونتلاند

    War-saxaafadeed kasoo baxay Dhalinyarada Difaaca iyo Dimuqraadiyadda Puntland

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.