Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Video:-Madaxweyne Farmaajo”Madaxweynaha oo warbaahinta kula hadlay xaafiiskiisa ayaa sheegay in dhammaan codsiyadii ay u bandhigeen dowladda Sucuudiga laga aqbalay”
    Somalia

    Video:-Madaxweyne Farmaajo”Madaxweynaha oo warbaahinta kula hadlay xaafiiskiisa ayaa sheegay in dhammaan codsiyadii ay u bandhigeen dowladda Sucuudiga laga aqbalay”

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyFebruary 25, 2017Updated:February 26, 2017No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Madaxweynaha oo warbaahinta kula hadlay xasfiiskiisa ayaa sheegay in dhammaan codsiyadii ay u bandhigeen dowladda Sucuudiga laga aqbalay,  isaga oo intaas raaciyay in Ra’iisul Wasaaraha magacaaban looga fadhiyo marka la ansixiyo kaddib inuu dhiso guddiyadii dhaqangelin lahaa qodobada la isla meel dhigay.

    Qorshayaashii ay dowladda Soomaaliya hordhigtay Boqortooyada Sucuudiga waxaa kamid ahaa in la kabo miisaaniyadda dalka si loo bixiyo mushaaraadka ciidammada iyo shaqaalaha hey’adaha dowladda, dhismaha xarumo cusub oo ay hay’adaha Qaranku  ku shaqeeyaan, garoon diyaaradeed oo cusub, dib u dhiska waddooyinka laamiyada ah ee isku xira magaalooyinka dalka iyo  dib u hawlgelinta safaaraddii Boqortooyada Sucuudi Carabiya ay ku lahayd magaalada Muqdisho.
    Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa si faah-faahsan uga hadlay shaqsiyadda Ra’iisul wasaaraha uu dhowaan magcaabay Mudane Xasan Cali Kheyre iyo waxyaabaha uu ku doortay.

    “Sidaad la socotaan, Ra’iisul wasaaraha aan magcaabay laba maalmood ka hor Xasan Cali Kheyre waa shaqsi leh aqoon maamul iyo mid bini’aadannimo,  isla markaana  ah ninka xilligaan la joogo ku habboon inaan wada shaqeynno, shacabka Soomaaliyeed uma baahna khilaaf ragaadiya madaxweynaha iyo Ra’iisul wasaaraha, dadka Soomaaliyeedna waxaan u sheegayaa in aysan arrintaasi ka wel welin oo aan  afarta sanno ee soo socota aan wada dhammeysan doonno, waxaa ugu muhiimsan ee aan u doortay Xasan in uu yahay shaqsi aan aaminsanahay inuu  igula shaqeyn kara mabaadiideyda iyo ammaanada ummadda Soomaaliyeed, sidoo kalena aan ka wada qeyb-qaadan karno la dagaallanka musuq-maasuqa” ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo.

    Madaxweynaha Qaranka, ayaa ka codsadey Barlamaanka Federaalka ee labada aqal ah in ay si dhaqsi leh Kalsoonidooda u siiyaan Ra’iisul wasaaraha uu magcaabay, isla markaana ay dowladda cusub ee la  soo dhisi doono garab istaagaan,  si loo dardargeliyo howlaha adag  ee hor yaalla dowladda, madaxweynaha ayaa intaa raaciyey in dhowaan Barlamaanka la geyn dooni miisaaniyad aad ugu ballaaran kuwii horey loo arki jiray, maadaama ay dowladdu heysato ballan-qaadyo waa weyn oo wax badan ku soo kordhin karna miisaaniyadda dalka, maadaama aysan jirin canshuur badan oo ay dowladdu ku shaqeyso xiligaan,hoos ka daawo muuqaalka.

     

     

     

    Halkan ka daawo muuqaalka

    https://youtu.be/5U3i_ibOf88

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    MADAXWEYNAHA OO MAGACAABAY GUDDOOMIYAHA BANGIGA, AGAASIMAHA BANGIGA IYO AGAASIME KU-XIGEENKA BANGIGA.

    March 31, 2026

    Xisaabiyaha Guud Ee Dowlada Puntland oo la magacaabay

    March 31, 2026

    Faallo:-Maxay ka dhigan tahay isku shaandhaynta lagu sameeyay Golaha Wasiirada iyo Guddoomiyayaasha Gobollada?

    March 31, 2026
    Latest Posts

    MADAXWEYNAHA OO MAGACAABAY GUDDOOMIYAHA BANGIGA, AGAASIMAHA BANGIGA IYO AGAASIME KU-XIGEENKA BANGIGA.

    Xisaabiyaha Guud Ee Dowlada Puntland oo la magacaabay

    Faallo:-Maxay ka dhigan tahay isku shaandhaynta lagu sameeyay Golaha Wasiirada iyo Guddoomiyayaasha Gobollada?

    Madaxweyne Deni oo magacaabay Gudoomiyayaasha Gobollada PL qaarkood

    Golaha Wasiirada Puntland oo laysku shaandheeyay

    Beesha caalamka Oo si adag ugu digtay Xasan Shiikh

    Wararkii ugu danbeeyay Ee dagaalka Wadaadada Iran

    BC Oo Xasan ugudbinaysa digniintii ugu danbaysay

    Midowga Afrika Oo ku baaqay in xiisada KG la dajiyo

    Beesha caalamka oo ka digtay dagaal ka dhaca Koonfur Galbeed

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.