Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Video:-Madaxweyne Gaas oo Bosaso dib ugu soo laabtay kana hadlay Doorashada Farmaajo
    Somalia

    Video:-Madaxweyne Gaas oo Bosaso dib ugu soo laabtay kana hadlay Doorashada Farmaajo

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyFebruary 11, 2017Updated:February 11, 2017No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Madaxweynaha Dawladda Puntland oo Soo Gaadhay Magaalada Boosaaso ee Gobolka Bari.

    Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo wefti balaadhan oo uu hogaaminayo ayaa maanta 11 February 2017 dalka dib ugu soo laabtay kana soo degey magaalada Boosaaso ee xarunta ganacsiga Puntland.

    Weftiga Madaxweynaha ayaa waxaa ka mid ahaa gudoomiyaha Baarlamaanka Puntland Mudane. Axmed Cali Xaashi, masuuliyiin ka tirsan goloyaasha Dawladda iyo saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Dawladda Puntland.

    Madaxweynha iyo weftigiisa ayaa waxaa Magaalada Boosaaso ee xarunta ganacsiga Puntland ku soo dhoweeyey masuuliyiinta gobolka Bari, kan Degmada Boosaaso iyo masuuliyiin ka tirsan goloyaasha Dawladda Puntland.

    Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo lahadlay warbaahinta ayaa waxa uu sheegay in ay waajib ahayd in Dawladda Puntland ay qayb ka ahaato isbedelka Doorasho ee Soomaaliya, isla markaana ay ka qayb gasho, kor joogtaysana isbedelka doorasho ee Soomaaliya.

    Sidoo kale Madaxweynaha Dawladda Puntland ayaa shegay in isbedelka doorasho ee Soomaaliya uu yahay isbedelkii loo baahnaa isla mar’ahaantaana ay Puntland ku kalsoon tahay doorashada loo doortay Madaxweynaha DFS Mudane. Maxamed Cabdulaahi Farmaajo.

    ‘’waxaan mudo todobaada ku maqnayn magaalada Muqdisho oo ay ay ka dhacaysey isbedelkii doorasho ee madaxweynaha Soomaaliya, Dawladda Puntland oo ka mida Dawladaha ugu muhiimsan ee Soomaaliya waajib baynagu ahayd inaan tagno, ka qayb galo, korjoogtayno, isbedel kaas oo saamayn weyn dabcan ku yeelanaya itijaaha siyaasadeed ee Soomaaliya, markaa Puntland muhiim bay ahayd inay joogto oo ay ka qayb gasho.

    ‘’runtii isbedelka maanta ka dhacay Soomaaliya, waa isbedel khayr-qaba oo ay ku kalsoon yihiin Puntland iyo guud ahaan Soomaaliya oo dhan, doorashada Madaxwweynaha DFS Maxamed Cabdulaahi Farmaajo wanaag bay u tahay Puntland, Soomaaliyana guud ahaan waxaan filayaa sidaa soo kale’’ ayuu yiri Madaxweynaha Dawladda Puntland.

    Dhinaca kale Madaxweynaha Dawladda Puntland ayaa sheegay in Puntland ay diyaar u tahay wadashaqaynta Dawladda cusub ee Soomaaliya u dhalatay, waxaana uu illahay uga baryyey inay noqoto tii Soomaaliya dib ugu usoo celisa sharafteedii, karaamadeedii iyo midnimadii Ummadda Soomaaliyeed.

    Ugu danbayn, Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa marlabaad uga tacsiyeeyey shacabka Puntland iyo Ummada Soomaaliyeed meel kastay joogaan geeridii naxdinta lahayd ee ku timid Madaxweynihii hore ee Dawladda Puntland General. Cade Muuse Xirsi Boqor.
    –DHAMMAAD—
    XAFIISKA WARFAAFINTA, WACYIGELINTA, HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND.

     

     

    Halkan ka daawo muuqaalka 1aad

     

     

    Halkan ka daawo muuqaalka 2aad

    https://youtu.be/jUvcZ24aaLc

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Update:-Dagaalka Iran iyo Israa’iil

    June 16, 2025

    Shirweynaha Bangiyada iyo Maaliyada oo Garowe ka furmay

    June 16, 2025

    Wararkii ugu danbeeyay dagaalka Iran iyo Israa’iil

    June 16, 2025
    Latest Posts

    Update:-Dagaalka Iran iyo Israa’iil

    Shirweynaha Bangiyada iyo Maaliyada oo Garowe ka furmay

    Wararkii ugu danbeeyay dagaalka Iran iyo Israa’iil

    Doonyo laga shakiyay oo lagu qabtay Bender-beyla

    Wararkii ugu danbeeyay ee dagaalka Iran iyo Israa’iil

    Diyaaradaha dagaalka Ciidamada PL oo laayay ku dhawaad 50- Argagixisada ka mid ah

    Ninka Turkiga Ee la qabtay oo looga shakisan yahay…

    Shirkii Xasan Shiikh Ee astaysnaa Maanta oo fashilmay

    بيان صحفيصادر عن جماهير الدفاع والديمقراطية في بونتلاند

    War-saxaafadeed kasoo baxay Dhalinyarada Difaaca iyo Dimuqraadiyadda Puntland

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.