Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Video:-Magacaabista Guutaale oo galaafatay Barnaamijkii Deynta Cafinta
    Somalia

    Video:-Magacaabista Guutaale oo galaafatay Barnaamijkii Deynta Cafinta

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.May 10, 2023No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Baanka Adduunka ayaa joojiyay inta badan mashaariicdii horumarineed ee uu ka waday Soomaaliya, isagoo ku sababeeyay kalsooni darro ku timid hanti dhowrka guud ee ‘la rakibay’ oo ah sababta koowaad ee waxqabadkooda, Horn Examiner ayaa ogaaday.

    Tallaabadan ayaa walaac ka muujisay mustaqbalka dadaallada horumarineed ee dalka ka socda oo ka soo kabanaya dagaalladii sokeeye ee tobannaan sano socday kuwaas oo burburiyay kaabayaashii dhaqaalaha.

    Hanti dhowrka guud ee cusub ee loo magacaabay Axmed Ciise Guutaale oo horay u ahaa wariye ka tirsan idaacadaha maxaliga ah ayaa la kulmay dhaleeceyn la xiriirta khibrad la’aan iyo xirfad la’aan dhanka hanti dhowrka iyo arrimo musuq maasuq oo ay soo gudbiyeen deeq bixiyayaasha Somaliya.

    Tan iyo markii xilka loo magacaabay, waxaa soo baxayay su’aalo ay weydiinayeen mas’uuliyiinta iyo hay’adaha maaliyadda caalamiga ah ee IFI, kuwaas oo ku saabsan shahaadooyinka Guutaale, waxaana la eegayay waxqabadkiisa.

    Walaacaasi ayaa walaac ku abuuray maamulada Soomaalida oo ka cabsi qaba in magacaabistiisa iyo sii haynta xilka Hanti dhowrka Guud ee Qaranka Guutaale ay saameyn xun ku yeelan karto kalsoonida dowladda, isla markaana ay fikrado khaldan ka dhex abuuraan deeq bixiyayaasha caalamiga ah.

     

     

     

    Halkan ka daawo muuqaalka

    https://youtu.be/3kN02khWai4

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    MADAXWEYNAHA OO MAGACAABAY GUDDOOMIYAHA BANGIGA, AGAASIMAHA BANGIGA IYO AGAASIME KU-XIGEENKA BANGIGA.

    March 31, 2026

    Xisaabiyaha Guud Ee Dowlada Puntland oo la magacaabay

    March 31, 2026

    Faallo:-Maxay ka dhigan tahay isku shaandhaynta lagu sameeyay Golaha Wasiirada iyo Guddoomiyayaasha Gobollada?

    March 31, 2026
    Latest Posts

    MADAXWEYNAHA OO MAGACAABAY GUDDOOMIYAHA BANGIGA, AGAASIMAHA BANGIGA IYO AGAASIME KU-XIGEENKA BANGIGA.

    Xisaabiyaha Guud Ee Dowlada Puntland oo la magacaabay

    Faallo:-Maxay ka dhigan tahay isku shaandhaynta lagu sameeyay Golaha Wasiirada iyo Guddoomiyayaasha Gobollada?

    Madaxweyne Deni oo magacaabay Gudoomiyayaasha Gobollada PL qaarkood

    Golaha Wasiirada Puntland oo laysku shaandheeyay

    Beesha caalamka Oo si adag ugu digtay Xasan Shiikh

    Wararkii ugu danbeeyay Ee dagaalka Wadaadada Iran

    BC Oo Xasan ugudbinaysa digniintii ugu danbaysay

    Midowga Afrika Oo ku baaqay in xiisada KG la dajiyo

    Beesha caalamka oo ka digtay dagaal ka dhaca Koonfur Galbeed

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.