Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Video:-Maxay kulankoodii uga wada hadleen Madaxweyne Farmaajo iyo Xoghayaha arimaha dibada Uk
    Somalia

    Video:-Maxay kulankoodii uga wada hadleen Madaxweyne Farmaajo iyo Xoghayaha arimaha dibada Uk

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyMarch 15, 2017Updated:March 15, 2017No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Faraamjo ayaa xafiiskiisa ku qaabilay  Xog-hayaha Arrimaha Dibedda dowladda Britain oo ay ka wada hadleen Iskaashiga labada dalka iyo taageerada dowladda Ingariiska ee Soomaaliya.

     Kulanka madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Xog-hayaha Arrimaha Dibedda Britian Boris Jonhson  waxa uu ka dhacay xafiiska madaxweynaha Soomaaliya, diiradda waxaa lagu saaray kulanka xiriirka labada dal  iyo sidii loo sii xoojin lahaa oo ay isaga kaashan lahaayeen Arrimaha Amniga,  dagaalka ka dhanka argagixisada,  horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha iyo dib u dhiska guud ee dalka.

    Kulanka kaddib Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa sheegay in wada hadalkii isaga iyo Boris Johnson Xog-hayaha Arrimaha Dibedda Ingariiska uu ahaa mid taariikhi ah, isla markaana ay isku soo qaadeen arrimo ay ka mid yihiin wax ka qabashada abaaraha dalka ka jira iyo in si wadajir ah loo xoojiyo la dagaallanka Al-Shabaab, sidoo kalena dowladda UK ay Soomaaliya ka caawiso dhismaha hey’adaha dowliga ah.

    Dhinaca kale Xog-hayaha Arrimaha Dibedda Britian Boris Jonhson, ayaa sheegay in wada hadalka madaxweynaha uu la yeeshay uu ugu horreeyey Xiriirka qotada dheer ee labada dal, waxa uu sheegay in dowladda Ingariiska ay 10 Milyan oo Boun ugu talogashay abaaraha Soomaaliya ka jira, isla markaana dowladda ka caawin doonaan la dagaallanka musuq-maasuqa iyo arrimaha amniga.

    Waxa uu sheegay in dowladda ay  ka gacan siinayaan horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha iyo dib u dhiska  dalka, si amniga loogu guuleystana ay  si wadajir ah ula dagaallamayaan Al-Shabaab, waxa uu intaa raaciyey in ay si heer sare ah  u socoto qaban qaabada shirweynaha London ka dhacaya ee arrimaha Soomaaliya looga hadli doono bulshada caalamkuna ay ku yaboohi doonaan taageero buuxda,hoos ka daawo muuqaalka.

     

     

    Halkan ka daawo muuqaalka

    https://youtu.be/Xz-u45wj7F8

     

     

     

     

     

     

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    The Intricate Web of Power: Djibouti’s Influence, Somali Governance, and Allegations of Corruption

    November 9, 2025

    Maxay Maraykanka uga dhigan tahay udoorashada Duqa New York Mamdani?

    November 9, 2025

    Isdhaafsiga ganacsi ka dhexeeya Somaliya iyo Imaaraadka Carabta?

    November 9, 2025
    Latest Posts

    African Union Commission Welcomes South Africa as G20 Chair and Host.

    The Intricate Web of Power: Djibouti’s Influence, Somali Governance, and Allegations of Corruption

    Maxay Maraykanka uga dhigan tahay udoorashada Duqa New York Mamdani?

    Isdhaafsiga ganacsi ka dhexeeya Somaliya iyo Imaaraadka Carabta?

    Faallo:-Dhibaatada laga dhaxlay Hubka Jimcaale iyo talada Aaran-jaan?

    Maxaa ka jira dacaayadaha laga sameeyo diyaaraadaha taageera Ciidamada PL?

    Faallo:-Loolanka Quwadaha Ee Geeska Afrika iyo doorka Puntland?

    Exclusive: Somali ISIS Leader Allegedly Moved to Qatar as Investigations Probe Secret Transfer Mogadishu,Somalia

    Djibouti at a Crossroads: The presidential transition crisis ahead of April 2026 elections

    U.S–Sudan Relations,By U.S. Embassy in Khartoum

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.