Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Video:-Nike oo soo saartay Xijaab Dumarka Islaamka ah ay ku ciyaari karaan
    Somalia

    Video:-Nike oo soo saartay Xijaab Dumarka Islaamka ah ay ku ciyaari karaan

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyMarch 8, 2017No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Shirkadda caanka ku ah soo saarista dharka iyo kabaha ciyaaraha ee NIKE ayaa soo bandhigtay qorshe ay ku howlanayd sanado badan oo ay ugu talagashay haweenka Muslimka ah ee ka qayb qaata ciyaaraha caalamiga ah ee adduunka, waxayna haatan suuqyada soo dhigtay xijaab ay ugu talagashay haweenka Muslimka ah ee ka qayb qaadan doona tartammada orodka iyo wixii lamid ah.

    Xijaabkan cusub oo ah nooc xirashadiisu fudddahay waxaa laga sameeyay maro qafiif ah oo sidii laastiigga u kala baxaysa lehna dulduleello yaryar oo hawo kasoo gali karto, wuxuuna soo shabahaa marada qammaarka.
    Dadka xayaysiinta xijaabkaas ka qaby qaadanaya waxaa kamid ah gabar u dhalatay  Dubai oo la yiraahdo Zahra Lari oo ka qayb qaadan doonta ciyaaraha Winter Olympics ee ka dhacaya 2018 Pyeongchang, dalka South Korea, Imaaraadka Carabta (UAE.) ayay Zahra u tartamaysaa,hoos ka daawo muuqaalka.

     

     

     

    Halkan ka daawo muuqaalka

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    MADAXWEYNAHA OO MAGACAABAY GUDDOOMIYAHA BANGIGA, AGAASIMAHA BANGIGA IYO AGAASIME KU-XIGEENKA BANGIGA.

    March 31, 2026

    Xisaabiyaha Guud Ee Dowlada Puntland oo la magacaabay

    March 31, 2026

    Faallo:-Maxay ka dhigan tahay isku shaandhaynta lagu sameeyay Golaha Wasiirada iyo Guddoomiyayaasha Gobollada?

    March 31, 2026
    Latest Posts

    MADAXWEYNAHA OO MAGACAABAY GUDDOOMIYAHA BANGIGA, AGAASIMAHA BANGIGA IYO AGAASIME KU-XIGEENKA BANGIGA.

    Xisaabiyaha Guud Ee Dowlada Puntland oo la magacaabay

    Faallo:-Maxay ka dhigan tahay isku shaandhaynta lagu sameeyay Golaha Wasiirada iyo Guddoomiyayaasha Gobollada?

    Madaxweyne Deni oo magacaabay Gudoomiyayaasha Gobollada PL qaarkood

    Golaha Wasiirada Puntland oo laysku shaandheeyay

    Beesha caalamka Oo si adag ugu digtay Xasan Shiikh

    Wararkii ugu danbeeyay Ee dagaalka Wadaadada Iran

    BC Oo Xasan ugudbinaysa digniintii ugu danbaysay

    Midowga Afrika Oo ku baaqay in xiisada KG la dajiyo

    Beesha caalamka oo ka digtay dagaal ka dhaca Koonfur Galbeed

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.