Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Video:-Qadar oo cadaysay in ay soo gaareen dalabaadka xulufada sacuudiga
    Somalia

    Video:-Qadar oo cadaysay in ay soo gaareen dalabaadka xulufada sacuudiga

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyJune 24, 2017No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link
    Wasiirka arimaha dibedda ee Qadar, Sheekh Maxamed bin Cabdulraxman Al Thani, ayaa xaqiijiyay in uu soo gaaray liiska dalabaadka, ayna diyaarinayaan jawaabta ku haboon.
     
    Dalalka Maraykanka iyo Ingriiska ayaa ku kala aragti duwan 13-ka qodob. Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Maraykanka ayaa isla maalintii khamiista sheegay in Xulafada Sucuudigu ay soo gudbiyeen qodobo macquul ah oo talaabo laga qaadi karo. Xoghayaha Britain Boris Johnson ayaa tilmaamey in dalalka GCC la yimaadaan xujooyin caqli gal ah.
     
    Wasiirka Arrimaha DIbadda ee Imaaraadka Carabta ayaa Qatar ku eedeeyey in ay 13 qodob u gudbiyeen warbaahinta, halka ay dhab ahaan u qaadan lahaayeen, waxaana uu sheegay in mustaqbalkoodu uu ku xiran yahay fulinta qodobadaas.
     
     
    1.Inay xiriirka oo dhan u jarto kooxda Ikhwaanu Muslimiinka oo dalalka kale ee Carabta laga mamnuucay.
     
    2.Inay si deg deg ah u xirto xarunta milatariga ee uu Turkiga ka dhisayo gudaha Qadar, xiriirka wadashaqeynta milatari-na ay u jarto dalkaasi.
     
    3.Inay xirto telefishinka Al Jazeera iyo laamaha warbaahineed ee xiriirka la leh.
     
    4.Inay u diido inay dhalasho siiso muwaadiniinta afarta dal ee xiriirka u jartay, kuwa hadda joogana ay dalkeeda ka ceyriso.
     
    5.Waxay sheegeen in taasi ay horseedi doonto in Qadar aysan faragelin ku sameyn arrimaha daakhiliga ee dalalkaasi.
     
    6.Inay dalalkaasi ku soo wareejiso shakhsiyaadka loo hayssta inay ku kaceen falal argagixisnimo ee dalkeeda ku nool.
     
    7.Inay joojiso maalgelinta kooxaha ay Mareykanku ku sheegay inay yihiin argagixiso.
     
    8.Inay macluumaad badan ka bixiyaan kooxaha mucaaradka ee ay Qadar maalgelisay ee ku kacsan sacuudiga iyo dalalka kale.
     
    9.Inay joojiso maalgelinta kooxaha mucaaradka ku ah dalalka Sacuudiga, Imaaraadka, Masar iyo Baxrayn.
     
    10.Inay u dhaqanto si waafqasan danaha dhaqaale iyo siyaasadeed ee dalalka ku jira Golaha Khaliijka.
     
    11.Inay joojiso si dadban u maalgelinta warbaahinta sida Carabiya21 iyo Middle east Eye.
     
    12.Inay bixiso lacag ganaax ah oo aan la sheegin caddadeeda oo ah magdhawga saameynta ka dhalatay siyaasadaha kahladan ee ay Qadar ku dhaqmeysay muddo sanado ah.
     
    13.Inay 10 maalmood gudahood ku aqbasho dallabaadkan,Inay aqbasho baaritaanno iyo dabagal joogt ah oo lagu eegayo sida ay u fulineyso dalabaadkan bilaha iyo sanadaha soo socdo,hoos ka daawo muuqaalka.

     

     

     

     

    Halkan ka daawo muuqaalka

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Maraykanka oo si dadban ugu digay Xasan Shiikh

    August 22, 2025

    CDPL iyo firxadkii argagixisada oo isku helay Toga Baallade

    August 22, 2025

    Dhexdhexaadintii Kenya Ee Axmed iyo Xasan oo fashilantay

    August 22, 2025
    Latest Posts

    Maraykanka oo si dadban ugu digay Xasan Shiikh

    CDPL iyo firxadkii argagixisada oo isku helay Toga Baallade

    Dhexdhexaadintii Kenya Ee Axmed iyo Xasan oo fashilantay

    Dagaal kharaar oo ka socda Toga Baallade Ee Calmiskaad

    Beesha Warsengeli iyo Dowlada Puntland oo Shir uga furmayo Bosaso

    Madaxda Yurub,Nato iyo Maraykanka oo ka xaajoonaya dagaalka Ukrain

    Zelensky oo markale lagu soo dhaweeyay Aqalka-cad

    Ciidamada Difaaca Puntland oo sardar leh uwada Wajiga Afraad

    Yaa umaalgelinaya Itoobiya garoonka diyaaradaha cusub?

    Puntland oo soo saartay Boolis Tayo iyo Tiro sareeya

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.