Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»VIDEO: Sanbaloolshe “Siyaasadda Soomaaliyeed si qabiileysan oo rasmi ah in loogu dhaqmo ayaa rabnaa” (WAREYSI)
    Somalia

    VIDEO: Sanbaloolshe “Siyaasadda Soomaaliyeed si qabiileysan oo rasmi ah in loogu dhaqmo ayaa rabnaa” (WAREYSI)

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeySeptember 2, 2019Updated:September 2, 2019No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Taliyihii hore ee Nabadsugida iyo Sirdoonka Soomaaliya C/llaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe) ayaa wareysi xasaasi ah oo uu siiyay Telefishinka Dalsan TV waxaa uu kaga hadlay arrimo badan oo aadan hab qeybsiga qabiileysan ee ay ku dhisan tahay dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya.

    C/llaahi Sanbaloolshe ayaa sheegay in dowladnimada ay ku dhisan tahay qaab qabiileysan, isla markaana Baarlamaanka iyo Xukuumadda lagu qeybsado hannaanka 4.5 ee Beelaha wax ku qeybsadaan

    “Dowladnimada hadda noo dhisan qaabka ay ku dhisan tahay, shucuub ahaan waa dad qabiileysan oo qabyaaladeysan ayaa nahay, dowladeena haddii madaxweyne la dhisaayo, haddii RW la dhisaayo, haddii wasiiro la dhisaayo, haddii baarlamaan la dhisaayo horta 4.5 ayaa lagu fadhiyaa, nin walba qabiil ku soo galaa, qabaa’ilka odayaashooda, xildhibaanadooda iyo waxgaradkooda marka ay jago raadsanayaan ayagoo qabiil ah ayay raadsanayaan, mana fiicno wax markii la qabanayo la qariyo, waxa waa in sidii ay yihiin lagu dhaqmo”ayuu yiri C/llaahi Sanbaloolshe.

    Mr Sanbaloolshe ayaa sheegay inuu doonayo in wixii hadda ka dambeeya siyaasadda laga dhaafo mujaamalada, isla markaana arrin walba sideeda loo abaaro oo aan wax la qarin sida uu yiri.

    “Siyaasadda Soomaaliyeed intay afar arrimood taagan yahay, madax banaanida AMISOM ilaalineyso, Somaliland maqan tahay, Shabaab dalka heysto, qof qurbaha ka yimid mulkiile uu leeyahay ,siyaasadda soomaaliyeed si qabiileysan oo rasmi ah in loogu dhaqmo ayaa rabnaa”ayuu yiri Sanbaloolshe oo hadalkiisa ahaa mid si weyn looga hadal haayo baraha bulshada, isla markaana aanay Siyaasiyiinta qaar ku dheeran, iyadoo dalku hannaanka qabiilka ee 4.5 wax lagu qeybsado.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Trump oo Somalida markale ku hor bahdilay caalamka

    November 22, 2025

    Maalgelin $Trillion ah oo Sacuudigu ku maalgashanayaa Maraykanka.

    November 19, 2025

    Saxaafada caalamka oo isku soo subway Puntland

    November 19, 2025
    Latest Posts

    Trump oo Somalida markale ku hor bahdilay caalamka

    Maalgelin $Trillion ah oo Sacuudigu ku maalgashanayaa Maraykanka.

    Saxaafada caalamka oo isku soo subway Puntland

    Warbixin ay soo saartay Jaamacadda AMERICAN UNIVERSITY oo looga hadlay guulaha Ciidamada PL

    Faahfaahin duqaymo lala beegsaday firxadka argagixisada

    Faah-faahin dheeraad ah Miisaaniyadda sanadka 2026 Ee Puntland

    Somaliya oo codkeeda ku biirisay Qasa in la geeyo Ciidan shisheeye

    Palestinian Authority welcomes UN Security Council resolution on Gaza

    𝗪𝗮𝗳𝘁𝗶 𝘂𝘂 𝗵𝗼𝗴𝗴𝗮𝗮𝗺𝗶𝗻𝗮𝘆𝗼 𝗪𝗮𝘀𝗶𝗶𝗿 𝗝𝘂𝘅𝗮 𝗼𝗼 𝗴𝗮𝗮𝗿𝗮𝘆 𝗗𝗵𝗮a𝗱𝗮𝗮𝗿

    Wasaarada Arimaha gudaha oo go’aan ka gaartat khilaafka Golaha Deegaanka

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.