Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Video:-Madaxweyne Cadde oo si maqaab sare ah loogu aasay Magaalada Bosaso
    Somalia

    Video:-Madaxweyne Cadde oo si maqaab sare ah loogu aasay Magaalada Bosaso

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyFebruary 14, 2017Updated:February 14, 2017No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Alla ha u naxariisto Madaxweynihii hore ee Puntland marxum Jen Maxamud Muuse Xirsi (Cadde Muusse) maanta ayaa lagu aasay Boosaaso, waxaana ka qaybgalay aaskiisa masuuliyiinta Sar sare ee Puntland oo  uu ugu horeeyo Madxaweynaha Gaas iyo qaybaha kala duwan ee  shacabka Puntland.

    Maxamuud Muuse Xirsi (Cade) oo ay hooyo utahay Naado shire waxaa uu ku dhashay Muqdisho sanadkii 1937-dii, halkaasi ayuu ku bilaabay aqoontii diiniga ahayd iyo qur’aanka , waxaana uu dugsiga sare waxbarashadiisii qaatay intii udhaxaysay sanadihii 1954-58dii, kadibna 1959-61dii waxaa dalka talyaaniga loogu diray kuliyad ciidan oo ah layli sarkaal.

    Sanadkii 1962-63 Cade muuse waxaa uu isla dalka Talyaaniga ku qaadanayey kuliyada sharciga, sanadkii 1967-69 waxaa loogu daray kuliyada sharciga saraakiisha ciidanka. Sanadkii 1975-76 waxaa uu dalka Ruushka uu u aaday kuliyada Istaraatijiyada ciidamada.

    Shaqooyinka uu soo qabtay:-

    1963-65tii isagoo sarkaal ah ayuu kusoo laabtay dalka waxaana uu noqday Xoghaya Taliyaha Cidamada Xooga dalka Soomaaliyeed.
    1965-67 Waxaa uu noqday Taliyaha ururka Horseed
    1970-72 Waxaa uu noqday Taliyaha qaybta 21aad ee ciidamada xooga dalka.
    1972-73 waxaa uu noqday Taliyaha Hogaanka Tababarada Ciidamada xooga dalka .
    1974-75 Waxaa uu noqday Gudoomiyaha Gobolka Sanaag.
    1976-78 Waxaa uu noqday taliyaha ciidamada safarada soomaaliya ee Kenya
    1978-79 Waxaa kaaliye taliye uga shaqeynayey dalka China
    179-81 Waxa uu ka midnoqday masuuliyiinta safarada Canada u joogta Soomaaliya.
    Wuxuu kasoo midnoqday saraakiishii SSDF .

    Markii dalku burburay AHUN Cade muuse waxaa uu noqday dadka qurbaha ku nool , waxaa markii danbe kusoo laabtay Puntland 2002dii waxaa uu ka qaybgalay arimihii uheshiisiintii AHUN Cabdulaahi Yuusuf iyo Jabhadii JPP, 2004tiina waxaa ka shaqeynayey dib shirkii dib uheshiisiinta iyo doorashadii Soomaaliya.

    2005-waxaa uu noqday Madaxweynaha Puntland kadib markii uu 35cod kaga guulaystay Madaxweynihii talada siihayey xiligaasi Maxamed Cabdi Xaashi oo helay 30 cod.

    2005-2008 AHUN Cadde waxaa uu ahaa Madaxweynaha Puntland waxyaabaha lagu xasuusan doono waxaa ka mid ah mashaariicda macdan baaris oo uu sameeyay, hirgelinta maxjaro , doorkii uu ka qaatay garoonka diyaaradaha ee Boosaaso iyo in uu ahaa shakhsi jecel in uu iskuwado dadka oo dhan.

    08-02-2017 ayuu ku geeriyooday Imaaraat-ka oo uu mudo ku xanuusnaa , waxaa uu ifka uga tegay 4caruur ah oo ah labo wiil iyo labo gabdhood iyo hal xaas,hoos ka daawo muuqaaalka.

     

     

     

     

    Halkan ka daawo muuqaalka

    https://youtu.be/1K_uUCGlcfg

     

     

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Jubaland oo garab istaagtay mucaaradka Muqdisho.

    September 24, 2025

    Xasan Shiikh oo dabin siyaasadeed ugu dhacay Mucaaradka Xamar

    September 24, 2025

    Jen.Qalyare oo Aas qaran loogu sameeyay Garowe

    September 24, 2025
    Latest Posts

    Jubaland oo garab istaagtay mucaaradka Muqdisho.

    Xasan Shiikh oo dabin siyaasadeed ugu dhacay Mucaaradka Xamar

    Jen.Qalyare oo Aas qaran loogu sameeyay Garowe

    Xog:-Maxaa kala socotaa mashruuca horumarinta Ee New Muqdisho?

    Xasan Shiikh oo baadigoob ugu jira isla sawirka Trump

    Markab sida 150-Kunteenar oo kusoo xirtay Bosaso

    Faallo:-Puntland oo Wayday Geesi Qaran

    Jeneral Qalyare oo qarax Miino ku Geeriyooday

    Xoghayaha Dowlada Hoose Ee Galkacyo oo la magacaabay

    Waynaynta Maalinta Nabada oo Puntland laga….

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.