Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»VIDEO: Sheekh Shariif oo shaaciyay heshiis qarsoodi ah oo dhexmaray Madaxda DFS & Itoobiya
    Somalia

    VIDEO: Sheekh Shariif oo shaaciyay heshiis qarsoodi ah oo dhexmaray Madaxda DFS & Itoobiya

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyMay 10, 2020Updated:May 10, 2020No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ahna Hoggaamiyaha Madasha Xisbiyada Qaran ee mucaaradka ah ayaa ka dalbaday Madaxda dowladda Federaalka inay shacabka Soomaaliyeed la wadaagaan sifaha ay ku soo galeen dalka Ciidanka Itoobiya ee aan ka tirsaneyn Taliska AMISOM.

    Shariif Sheekh Axmed ayaa qoraal Page-kiisa gaarka la soo geliyay looga hadlay dhacdadii 4-tii bishan lagu soo riday Diyaaraddii African Express oo gargaar u siday degmada Bardaale.

    “Howlgalka nabad ilaalinta AMISOM waxeey caddeeyeen in ciidanka Ethiopia ee toogtay diyaaraddii African Express ee Gargaarka u sidey Berdaale aysan hoos imaan, kana tirsaneyn taliskooda, Madaxda dowladda waxaan ka rabnaa iney shacbiga Soomaaliyeed la wadaagaan sifaha ay ciidanka Itoobiya kusoo galeen dalka, kuna joogaan”ayaa lagu yiri qoraalka la soo dhigay Page-ka Facebook ee Sheekh Shariif.

    https://www.facebook.com/363773513701137/posts/2947868848624911/

    Sidoo kale waxaa uu sheegay inay ka qabaan tuhun ah inuu jiro heshiisyo qarsoodi ah oo u dhaxeeya Itoobiya iyo madaxda dowladda.

    “Waxaan qabnaa tuhun ah in uu jiro heshiisyo qarsoodi ah oo u dhaxeeya Itoobiya iyo madaxda dowladda oo ilaa iyo hadda aan lala wadaagin goloyaasha dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed”ayuu yiri Sheekh Shariif.

    Sheekh Shariif ayaa sheegay inuu jiro sharciyad dowli ah oo ciidanka AMISOM xakameynaya howlgalkooda, laakiin ciidanka Itoobiya ee sifaha aan sharciga ahayn dalkeenna ku jooga ma heyno qaab loola xisaabtami Karo oo cad.

    Ugu dambeyn waxaa uu sheegay in tallaabadan lagu soo riday diyaarada gargaar uu yahay mid xadgudub iyo halis ku ah hawada Soomaaliya iyo xeerarka kale ee duulimaadyada rayidka, waxaana uu ugu baaqay Baarlamaanka inuu qaato doorkiisa kor-joogteynta hey’adaha fulinta, wadankana lagu maamulo siyaasad daah furan oo dastuurka dalka waafaqsan.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Israel oo dishay hogaamiyihii dadbanaa Ee Iran

    March 18, 2026

    Xasan Shiikh oo ku fashilmay inqilaabkii Laftagareen uu la damcay?

    March 18, 2026

    Maxay ka dhigan tahay tagida Baydhabo Ee Mw Laftagareen?

    March 18, 2026
    Latest Posts

    Israel oo dishay hogaamiyihii dadbanaa Ee Iran

    Xasan Shiikh oo ku fashilmay inqilaabkii Laftagareen uu la damcay?

    Maxay ka dhigan tahay tagida Baydhabo Ee Mw Laftagareen?

    Maxay ka dhigan tahay xiriir ujarida KG Ee DFS?

    Weerarada Gantaalada iyo Drons-ka Ee Iran ka imaanaya oo hoos usii dhacaya

    Faallo:-Doorka Putin ee dagaalka Galbeedka Aasiya Maraykanka/Israa’iil iyo Iran?.

    Hoos udhac weyn oo ku dhacay Maraakiibta ka gudabaya Marinka Hormos

    Faallo:-Garaacista Jasiirada Hoyga u ah Saliida Iran

    Xamaas oo kaga hor timid Iran weerarada Wadamada Khaliijka

    Difaaca Cirka Imaaraadka Carabta oo fashiliyay weeraro ka yimid Iran

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.