Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Video:-Sidee loosoo afjaray gadoodkii Ciidamadii Kumaandooska ee Garowe
    Somalia

    Video:-Sidee loosoo afjaray gadoodkii Ciidamadii Kumaandooska ee Garowe

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyMarch 13, 2017No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Wasiiro, Maamulka G Nugaal, Maamulka Degmada Garoowe, Waxgaradka G Nugaal iyo Saraakiisha ciidamada Puntland ayaa kormeeray Kontoroolka Koonfureed ee magaalada Garoowe.

    Kulankan oo looga hadlayay arrimaha Amniga iyo xal ka gaarida gadood koox ciidamo ah oo gadood ka sameyeye Kontoroolka Koonfur ayaa ka dhacay Isla Kontorolka, waxaana intii uu socday shirkan looga hadlay arrimahan.

    Nabadoonada & Waxgaradka gobalka Nugaal ayaa si kulul u beeniyey warar la baahiyey oo ku saabsanaa Amniga magaalo Madaxda dawladda Puntland, wuxuuna sheegay in ay xili kasta ka shaqeynayaan nabadda oo ay dawladda uga dambeynayaan.

    Agaasimaha Hay’adda La dagaalanka Musuqmaasuq & Asasteynta Maamul-wanaaga Cabdiraxmaan Cali Guureeye ayaa sheegay in xalinta dhacdadan ay qeyb ka tahay hanaanka maamul wanaaga.

    Duqa magaalada Garoowe Xasan Maxamed Ciise goodir oo ka hadlay madasha ayaa sheegay in ay halkan Amni tahay, wuxuu si kulul u beeniyey warar la baahiyey oo sheegayay in ay ciidan qabsadeen xaruntan.

    Taliyaha ciidamada Kumaandooska Puntland Col, Jimcaale Jaamac Takar oo ay ciidamada xukumo katirsanaayeen koox Kontoroolkan qabsatay ayaa raaligalin ka bixiyey talaabadaas, wuxuuna Shacabka u sheegay in aysan mar dambe dhici doonin.

    Gudoomiyaha G Nugaal ee dawladda Puntland Col, Cumar Cabdulaahi Faraweyne ayaa isna ka hadlay xaaladdaha Amniga & Warar la buunbuuniyey oo dhacdadan ku saabsan.

    Wasiirka Amniga ee dawladda Puntland Cabdi Xirsi Qarjab ayaa sheegay in ay dawladda Puntland ka shaqeynayso Amniga iyo daganaanshaha, ayna xili kasta Puntland xal ka gaarto dhacdooyinka waqtigu uu keeno,hoos ka daawo muuqaalka.

     

     

    Halkan ka daawo muuqaalka

    https://youtu.be/kzKSBIiB85I

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    MADAXWEYNAHA OO MAGACAABAY GUDDOOMIYAHA BANGIGA, AGAASIMAHA BANGIGA IYO AGAASIME KU-XIGEENKA BANGIGA.

    March 31, 2026

    Xisaabiyaha Guud Ee Dowlada Puntland oo la magacaabay

    March 31, 2026

    Faallo:-Maxay ka dhigan tahay isku shaandhaynta lagu sameeyay Golaha Wasiirada iyo Guddoomiyayaasha Gobollada?

    March 31, 2026
    Latest Posts

    MADAXWEYNAHA OO MAGACAABAY GUDDOOMIYAHA BANGIGA, AGAASIMAHA BANGIGA IYO AGAASIME KU-XIGEENKA BANGIGA.

    Xisaabiyaha Guud Ee Dowlada Puntland oo la magacaabay

    Faallo:-Maxay ka dhigan tahay isku shaandhaynta lagu sameeyay Golaha Wasiirada iyo Guddoomiyayaasha Gobollada?

    Madaxweyne Deni oo magacaabay Gudoomiyayaasha Gobollada PL qaarkood

    Golaha Wasiirada Puntland oo laysku shaandheeyay

    Beesha caalamka Oo si adag ugu digtay Xasan Shiikh

    Wararkii ugu danbeeyay Ee dagaalka Wadaadada Iran

    BC Oo Xasan ugudbinaysa digniintii ugu danbaysay

    Midowga Afrika Oo ku baaqay in xiisada KG la dajiyo

    Beesha caalamka oo ka digtay dagaal ka dhaca Koonfur Galbeed

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.