Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Video:-Soomaaliya ma isku filan tahay bixitaanka AMISOM ka dib?
    Somalia

    Video:-Soomaaliya ma isku filan tahay bixitaanka AMISOM ka dib?

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.November 8, 2017No Comments5 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link
    Midoowga Afrika ayaa markii ugu horeysay ku dhawaaqay in ay bilaabayaan in ciidammada nabad illaalinta AMISOM ay ka baxayaan Soomaaliya sanadkan dhammaadkiisa.
     
    Tirada askarta baxaysa sanadka waa kun askari, waana tiro aad u yar marka laga qiyaas qaato tirada guud ee AMISOM ee Soomaaliya ku sugan oo gaaraysa 22 kun oo askari.
    Balse waxa ay ahayd war lama filaan ah oo dhegaha Soomaalida ku cusub 10kii sano ee lasoo dhaafay ee AMISOM ay ku sugnayd gudaha Soomaaliya , xiligaas oo ciidamo lasoo kordhiyo mooyee, wax dhimis aysan jirin.
     
    Ciidammada nabad ilaalinta ee Midowga Afrika (AMISOM) waxa ay markii ugu horaysay dalka yimaadeen bishii Maarso, sanadkii 2007-dii, xiligaas oo uu Soomaaliya madaxweyne ka ahaa Cabdullaahi Yuusuf Axmed, waxayna suurtagaliyeen in markii ugu horaysay oo madaxweynaha iyo dowladda Soomaaliya ayka howlgalaan caasimadda.
     
    Inkasta oo afar degmo oo kaliya xiligaas ay dowladda ka shaqaynaysay, 12-ka kalee degmo ee caasimadda iyo 10 gobol oo dalka ka mid ahba waxaa haystay xoogagga dowladda kasoo horjeeda.
     
    10 sano kadib maanta nidaamka dowliga ah ee Soomaaliya heer federaal iyo mid maamul goboleedba waxa uu ku baahay dalka oo dhan, waxaana gacanta lagu hayaa inta badan magaalooyinka waaweyn ee dalka. AMISOM ayaa gacan ka qeysatay in qeybo ka mid ah dalka la gaaro.
     
    Balse marka la eego mudada ay ku qaadatay iyo qarashka ku baxay, iyo hawsha tirada badan ee hadda dhiman, waxaa muuqata in arrinta aysan ahayn ‘guul iyo gunaanad’.
    “Rajadii laga lahaa AMISOM ma la gaaray”
     
    Alshabaab waxa ay hadda si buuxda u haysataa gobolka Jubbada Dhexe, degmooyin ka tirsan Jubbada Hoose, deegaano ka mid ah gobolada Gedo, Bay, Bakool, Shabeelaha Hoose, Shabeelaha Dhexe, Hiiraan iyo xitaa gobolada Dhexe, waxayna markasta weeraro qasaaro badan ka dhasho ka geysataa caasimadda iyo meelo kale oo dalka ka mid ah.
     
    Waxay sidoo kale geysteen weerarro qasaaro baaxad leh u geystay ciidammada AMISOM oo ay ku qaadeen saldhigyadooda Soomaaliya.
     
    AMISOM waxaa soo gaaray qasaare nafeed oo aad u badan mudadaas, waxaana ugu darnaa weeraro ka dhacay Dayniile oo Muqdisho ah iyo deegaanka Ceel Cadde ee gobolka Gedo halkaas oo tiro badan oo askar nabad illaalin ah lagu dilay mar kaliya.
     
    Iyada oo ay sidaas tahay, wali waxa ay dad badan ku doodayaan in ay wali taagantahay baahidii markii horeba ay dalka u yimaadeen.
     
    Xilliga lagu dhawaaqay bixitaankoodana wuxuu ku soo beegamayaa mar loo diyaargaroobayao duulaan ka dhan ah Alshabaab, “gacansiintoodana aad loogu baahan yahay”..
     
    Hase yeeshee waxa ay u egtahay in dowladda federaalka aysan walwal badan ka qabin bixitaanka AMISOM ee biloowday sida uu sheegayo wasiirka warfaafinta Soomaaliya Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan oo BBC-da u waramay
    “Soomaaliya waxay isku duba riday hab nabadgelyo oo wanaagsan, waxaanan aaminsanahay in ciidammadeena ay heleen tababar ku filan, xiligan waa markii loo baahnaa in aan anaga dhabarka u ridano mas’uuliyadda amniga”, ayuu yiri Yariisow.
     
    Falanqeeye Cabdinuur Daahir ayaa dhankiisa isna qaba in bixitaanka AMISOM ay faa’iido tahay “10kii sano ee ay dalka joogeen ciidammada AMISOM, madaxda dalka waxa ay iska dhaadhiciyeen iyaga ayaa Alshabaab idinka difaaci doona, balse maadaamaa ay hadda baxayaan taas micnaheedu waxa ay tahay in ay Soomaalida isku tashato”.
     
    AMISOM lafteeda ayaa qirsan baahida hayso ciidammada Soomaaliyeed sida uu shalay shir jaraa’id ka sheegay Francisco Madeira oo ah ergayga Midoowga Afrika ee Soomaaliya.
     
    “Waxaan baahi degdeg ah loo qabaa in la hubeeyo, la qalabeeyo, islamarkaasna mushaaraadkooda la siiyo ciidammada Soomaaliyeed, waxaa kale loo baahanyahay adeeg caafimaad oo ku filan iyo waliba abuurista kaabayaashii militariga sida xerooyin ay wax kasta u dhamaystiranyihiin”, ayuu yiri Madeira.
     
    AMISOM Markii ay ku dhawaaqaysay bixitaanka, madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo dareeska ciidammada xiran ayaa tagay wasaaradda gaashaandhigga Soomaaliya, halkaas oo uu kula hadlay askarta, una sheegay in ay isu diyaariyaan hawlgal militari oo ka dhan Alshabaab.
     
    “Waxaan aaminasanahay in aan ka guuleysanayno Shabaab, khibradeedii waad leedihiin, waddaniyadeedii waad leedihiin, dowlad wanaagsan oo diyaar idiin ahna waad heysataan, anaga ayaana koow ka ah, shacab baraarugsanna waad heysataan, wax noo haray ma jiraan, dagaalkii waa socdaa, fadhi ma yaalo,” ayuu yiri madaxweyne Farmaajo.
     
    “Maskaxdii iyo aqoontii uu shacabka sugayay waa idinka, cid kale oo Soomaalida u maqan ma jirto oo aanan idinka ahayn”, ayuu hadalkiisa ku daray Madaxweynaha oo la hadlayay saraakiisha militariga oo isugu yimid goob ku taala wasaaradda Gaashaandhigga.
     
    Madaxweynaha ayaa hadaladan ku celceliyay marar badan tan iyo intii xilka loo doortay bishii Feberaayo ee sanadkan, wuxuuna marar badan muujiyay sida ay uga go’antahay in ammaanka dalka uu dowladda si buuxda gacanta ugu galo.
     
    Kalsoonidaas uu madaxweynaha muujinayo marka laga soo tago, caqabadaha ma ahan kuwa yar, wuxuuna hadda dalka ku jiraa xilli uusan lahayn wasiir gaashaandhig, iyo taliye nabad suggid, kuwaas oo xilka uga tagay xaalado mugdi ah.
     
    AMISOM waxa ay qeyb ka tahay hawlgalka hadda la qorshaynayo in lagu qaado Alshabaab, balse waxaa biloowday in ay si tartiib ah dalka uga baxaan dalka, waxaana laga wardhawri doonaa sida dowladda u hanato amniga dalka ka dib markii ciidamada nabad ilaalinta ay wada huleelaan illaa 2020-ka,hoos ka daawo muuqaalka.

     

     

     

     

     

     

     

    Halkan ka daawo muuqaalka

    https://youtu.be/nLkaEyhYziw

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Maxay PL uga dhigan tahay mahadcelinta Mw Cirro ?

    October 22, 2025

    Madaxweyne Cirro oo umahadceliyay Mw Deni iyo Maamulka PL

    October 22, 2025

    𝐌𝐚𝐝𝐚𝐱𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐒𝐨𝐦𝐚𝐥𝐢𝐥𝐚𝐧𝐝 𝐨𝐨 𝐬𝐢 𝐫𝐚𝐬𝐦𝐢 𝐚𝐡 𝐮 𝐬𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐝𝐡𝐚𝐲 𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐍𝐚𝐛𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐞𝐞 𝐁𝐞𝐞𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐆𝐨𝐛𝐨𝐥𝐤𝐚 𝐒𝐚𝐧𝐚𝐚𝐠

    October 22, 2025
    Latest Posts

    Maxay PL uga dhigan tahay mahadcelinta Mw Cirro ?

    Madaxweyne Cirro oo umahadceliyay Mw Deni iyo Maamulka PL

    𝐌𝐚𝐝𝐚𝐱𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐒𝐨𝐦𝐚𝐥𝐢𝐥𝐚𝐧𝐝 𝐨𝐨 𝐬𝐢 𝐫𝐚𝐬𝐦𝐢 𝐚𝐡 𝐮 𝐬𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐝𝐡𝐚𝐲 𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐍𝐚𝐛𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐞𝐞 𝐁𝐞𝐞𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐆𝐨𝐛𝐨𝐥𝐤𝐚 𝐒𝐚𝐧𝐚𝐚𝐠

    Booliska Puntland oo tayayn sare lagu wado

    Agaasimihii PDRC oo Cali Faarax oo geeriyooday

    Xasan Sh oo madaxa isku galiyay Laftagareen iyo garabka Shariif iyo Cumar

    Suldaan Siciid Suldaan Cabdisalaan oo lagu soo dhaweeyay Ceerigaabo

    Madaxweynaha Somaliland oo gaaray Ceerigaabo

    Shirka amniga Gobolka Bari oo heer Madaxtooyo looga arinsaday

    Taliska cusub Ee Qaybta Booliska Gobolka Bari oo xariga laga jaray

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.