Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Video:-Wararkii udanbeeyay Diyaaradii burburtay Ee Itoobiyan Airlines
    Somalia

    Video:-Wararkii udanbeeyay Diyaaradii burburtay Ee Itoobiyan Airlines

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyMarch 10, 2019No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Idil NewsWararkii ugu dambeeyay ee kasoo baxaya magaalada Bishoftu oo 60km u jirta caasimadda Itoobiya ee Addis Ababa ayaa sheegaya in aysan jirin cid ka badbaaday shilkii diyaaradda ee saakay halkaas ka dhacay.

    Gaadiidka gurmadka degdega ah ayaa goobta kusii wajahan, iyada oo dad goobjoogayaal ah ay sheegeen in ay maqleen qarax aad u weyn, meeshana uu ka dhashay holac la damin la’yahay.

    Dadka diyaaradda saaran ayaa u kala dhashay 33 jinsiyadood, balse weli lama hayo diiwaanka magacyada, inta lab ah iyo inta dhedeg ah, iyo waliba carruur.

    Diyaaradda oo ah Boeing 737 ahna nooca rakaabka qaada ayaa burburtay xilli ay u kala gooshaysay magaalooyinka Addis Ababa iyo Nairobi.

    Sida ay sheegen masuuliyiinta sharikadda Ethiopian Airlines,Diyaaraddan ayaa la rumaysan yahay in ay saarnaayeen 149 rakaab ah iyo sideed kamid ah shaqaalaha diyaaradda.

    Afhayeen ayaa sheegay in diyaaraddu ay burburtay maanta oo Axad ah markay saacaddu ahayd 8:44, wax yar kadib markii ay kasoo duushay magaalada Addis Ababa.

    Hadalkii ugu horreeyey ee burburka diyaaradda ayaa kasoo baxay Raaysul Wasaare Abiy Ahmed asagoo tacsida shilkaas ku qoray bartiisa Twitter-ka.

    War qoraal ah ayay sharikadda diyaaraddaas waxay ku sheegtay in baadhitaanka iyo samatabixintu ay ka socdaan halkii ay diyaaraddu ku burburtay oo u dhow magaalada Bishoftu oo 60km Koonfur Bari ka xigta Addis Ababa.

    Wali masoo bixin wax faahfaahin ah oo kasoo baxay tirada dadka ay waxyeelladu soo gaartay. Mana caddda waxa sababay burburka diyaaradda.

    Qoraalka ayaa sidoo kale lagu sheegay ” Shaqaalaha sharikadda Ethiopian Airlines ayaa loo diri doonaa goobta uu shilku ka dhacay, waxayna samayn doonaan wax kasta oo karaankood ah, si ay gacan uga gaystaan adeegyada dag dagga ah”

    Boeing, oo ah sharikadda samaysay diyaaradda, ayaa twitter-keeda ku sheegtay in ay ” Si dhow ula socdaan xaaladda”.

    Diyaaradda ay sharikaddaasi samaysay ee 737 Max-8 ayaa ku cusub duulimaadyada, waxaana la daahfuray sanadkii 2016-kii. Waxaana duulimaadyada Itoobiya lagu soo daray sanadkii hore .

    Diyaarad isla noocaas ah ayaa shan bilood kahor ku burburtay meel u dhow biyaha dalka Indonesia waxaana saarnaa 190 qof oo rakaab ah.

    Halkan hoose ka daawo muuqaalka

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Maalgelin $Trillion ah oo Sacuudigu ku maalgashanayaa Maraykanka.

    November 19, 2025

    Saxaafada caalamka oo isku soo subway Puntland

    November 19, 2025

    Warbixin ay soo saartay Jaamacadda AMERICAN UNIVERSITY oo looga hadlay guulaha Ciidamada PL

    November 19, 2025
    Latest Posts

    Maalgelin $Trillion ah oo Sacuudigu ku maalgashanayaa Maraykanka.

    Saxaafada caalamka oo isku soo subway Puntland

    Warbixin ay soo saartay Jaamacadda AMERICAN UNIVERSITY oo looga hadlay guulaha Ciidamada PL

    Faahfaahin duqaymo lala beegsaday firxadka argagixisada

    Faah-faahin dheeraad ah Miisaaniyadda sanadka 2026 Ee Puntland

    Somaliya oo codkeeda ku biirisay Qasa in la geeyo Ciidan shisheeye

    Palestinian Authority welcomes UN Security Council resolution on Gaza

    𝗪𝗮𝗳𝘁𝗶 𝘂𝘂 𝗵𝗼𝗴𝗴𝗮𝗮𝗺𝗶𝗻𝗮𝘆𝗼 𝗪𝗮𝘀𝗶𝗶𝗿 𝗝𝘂𝘅𝗮 𝗼𝗼 𝗴𝗮𝗮𝗿𝗮𝘆 𝗗𝗵𝗮a𝗱𝗮𝗮𝗿

    Wasaarada Arimaha gudaha oo go’aan ka gaartat khilaafka Golaha Deegaanka

    Ciidamada Puntland oo qaaday hawlgal culus

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.