Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Video:-Xildhibaanada Jubaland tababaro aqoontooda kor loogu qaadayo loo soo xiray
    Somalia

    Video:-Xildhibaanada Jubaland tababaro aqoontooda kor loogu qaadayo loo soo xiray

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyMarch 15, 2017No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Siminaarka oo socday muddo 6 cisho ah ayaa gabagabadiisa waxaa ka soo qeybgalay madaxweynaha maamulka Jubbaland, Guddoomiyaha baarlamaanka Jubbaland, safiirka dowladda Soomaaliya u fadhiya wadanka Kenya, xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka Kenya, saraakiil ka socotay AMISOM iyo mas’uuliyiin kale.

     

     

     

     Siminaarka ayaa xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka Jubbaland oo gaarayay ku dhowaad 40 mudane waxaa lagu barayay casharo ay kamid ahaayeen tayada kor u qaadida hanaanka shaqo ee baarlamaamka Jubbaland.

    “Waxaa farxad weyn inoo ah in maanta uu inoo soo gabagaboobay tababar socday muddo 6 maalin ah, tabababrkan waxaa inoo qabtay AMISOM, waxaa loogu talo galay in kor loogu qaado aqoonta baarlamaanka Jubbaland” ayuu yiri Xildhibaan Axmed Taajir oo ka tirsan baarlamaanka Jubbaland.

     

     

     

    Danjire Jamaal oo goobta ka hadlay ayaa yiri “Waxaan aad ugu faraxsanahay in aan maanta idinkala soo qeybgalo xiritaanka tababarkan aad ku qaadanayseen Kenya, waxaan u maleynayaa in aad waxbadan ka barateen Siminaarka , waxaan jecelnahay marka aad noqotaan in aad uga faa’iideysaan xildhibaannada intii ay u suuro geli weyday in ay halkaan yimaadaan”

     

     

    Madaxweynaha  Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) oo siminaarka soo xiray ayaa xildhibaannada Jubbaland ku boggaadiyay waxyaabaha ay barteen, isagoo ka rajeeyay  in ay u sii gudbin doonaan dadka ku sugan goobihii ay ka yimaadeen.

    “Aad baan ugu faraxsanahay xildhibaannada Jubbaland oo tababar u yimid Nairobi, waxaan u mahadcelinayaa AMISOM oo tababarkan soo qaban qaabisay, waxaan rabaa in aan uga mahadceliyo baarlmaanka 6 dii maalin ee ay siminaarka ku jireen sida uu dareenkoodu ahaa iyo sida ay ugu diyaarsanaayeen in ay wax kororsadaan” ayuu yiri madaxweyne Axmed Madoobe.

     

    Halkan ka daawo muuqaalka siminaarka

    https://youtu.be/G4R9WHj09Ao

     

    Halkan ka daawo muuqaalka khudbadii Madaxweyne Axmed Madoobe

    https://youtu.be/friIKC-Wu-M

     

     

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Mw Deni oo dhagaxdhigay dhisme cusub oo uu yeelanayo Garsoorka G.Mudug

    February 7, 2026

    Ciidamada cusub Ee Booliska PL oo la wareegay amniga Gobolka Mudug

    February 7, 2026

    Xasan Shiikh Oo Qatar u Aaday yaboohsi dhaqaale

    February 7, 2026
    Latest Posts

    Mw Deni oo dhagaxdhigay dhisme cusub oo uu yeelanayo Garsoorka G.Mudug

    Ciidamada cusub Ee Booliska PL oo la wareegay amniga Gobolka Mudug

    Xasan Shiikh Oo Qatar u Aaday yaboohsi dhaqaale

    Warbixinta amaanka Guud Ee Puntland?,Qaybta 1-Aad.

    Xog:-Shidaalka Koonfurta iyo Bartamaha Ee Turkiga ku hawlahan yahay.

    Ugu danbayn Madaxweynayaasha PL iyo JL oo ku wajahan Muqdisho

    Faallo:-Laftagareen haduu faahin siyaasadeed yahay haka boodo Tareenka Xasan.

    GMS oo war kasoo saaray dagaalka Baydhabo.

    Puntland oo Ciidamo cusub udirtay Gobolka Mudug

    Faallo:-Maraykanku in uu amaano Ciidamada PL si gaar ah mahan mid fudud.

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.