Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Video:-Xildhibaanada Jubaland tababaro aqoontooda kor loogu qaadayo loo soo xiray
    Somalia

    Video:-Xildhibaanada Jubaland tababaro aqoontooda kor loogu qaadayo loo soo xiray

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyMarch 15, 2017No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Siminaarka oo socday muddo 6 cisho ah ayaa gabagabadiisa waxaa ka soo qeybgalay madaxweynaha maamulka Jubbaland, Guddoomiyaha baarlamaanka Jubbaland, safiirka dowladda Soomaaliya u fadhiya wadanka Kenya, xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka Kenya, saraakiil ka socotay AMISOM iyo mas’uuliyiin kale.

     

     

     

     Siminaarka ayaa xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka Jubbaland oo gaarayay ku dhowaad 40 mudane waxaa lagu barayay casharo ay kamid ahaayeen tayada kor u qaadida hanaanka shaqo ee baarlamaamka Jubbaland.

    “Waxaa farxad weyn inoo ah in maanta uu inoo soo gabagaboobay tababar socday muddo 6 maalin ah, tabababrkan waxaa inoo qabtay AMISOM, waxaa loogu talo galay in kor loogu qaado aqoonta baarlamaanka Jubbaland” ayuu yiri Xildhibaan Axmed Taajir oo ka tirsan baarlamaanka Jubbaland.

     

     

     

    Danjire Jamaal oo goobta ka hadlay ayaa yiri “Waxaan aad ugu faraxsanahay in aan maanta idinkala soo qeybgalo xiritaanka tababarkan aad ku qaadanayseen Kenya, waxaan u maleynayaa in aad waxbadan ka barateen Siminaarka , waxaan jecelnahay marka aad noqotaan in aad uga faa’iideysaan xildhibaannada intii ay u suuro geli weyday in ay halkaan yimaadaan”

     

     

    Madaxweynaha  Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) oo siminaarka soo xiray ayaa xildhibaannada Jubbaland ku boggaadiyay waxyaabaha ay barteen, isagoo ka rajeeyay  in ay u sii gudbin doonaan dadka ku sugan goobihii ay ka yimaadeen.

    “Aad baan ugu faraxsanahay xildhibaannada Jubbaland oo tababar u yimid Nairobi, waxaan u mahadcelinayaa AMISOM oo tababarkan soo qaban qaabisay, waxaan rabaa in aan uga mahadceliyo baarlmaanka 6 dii maalin ee ay siminaarka ku jireen sida uu dareenkoodu ahaa iyo sida ay ugu diyaarsanaayeen in ay wax kororsadaan” ayuu yiri madaxweyne Axmed Madoobe.

     

    Halkan ka daawo muuqaalka siminaarka

    https://youtu.be/G4R9WHj09Ao

     

    Halkan ka daawo muuqaalka khudbadii Madaxweyne Axmed Madoobe

    https://youtu.be/friIKC-Wu-M

     

     

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    The Intricate Web of Power: Djibouti’s Influence, Somali Governance, and Allegations of Corruption

    November 9, 2025

    Maxay Maraykanka uga dhigan tahay udoorashada Duqa New York Mamdani?

    November 9, 2025

    Isdhaafsiga ganacsi ka dhexeeya Somaliya iyo Imaaraadka Carabta?

    November 9, 2025
    Latest Posts

    African Union Commission Welcomes South Africa as G20 Chair and Host.

    The Intricate Web of Power: Djibouti’s Influence, Somali Governance, and Allegations of Corruption

    Maxay Maraykanka uga dhigan tahay udoorashada Duqa New York Mamdani?

    Isdhaafsiga ganacsi ka dhexeeya Somaliya iyo Imaaraadka Carabta?

    Faallo:-Dhibaatada laga dhaxlay Hubka Jimcaale iyo talada Aaran-jaan?

    Maxaa ka jira dacaayadaha laga sameeyo diyaaraadaha taageera Ciidamada PL?

    Faallo:-Loolanka Quwadaha Ee Geeska Afrika iyo doorka Puntland?

    Exclusive: Somali ISIS Leader Allegedly Moved to Qatar as Investigations Probe Secret Transfer Mogadishu,Somalia

    Djibouti at a Crossroads: The presidential transition crisis ahead of April 2026 elections

    U.S–Sudan Relations,By U.S. Embassy in Khartoum

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.