Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Video:-Xiritaanka shirka wadatashiga Federaalaynta iyo Dastuurka Ee Garowe
    Somalia

    Video:-Xiritaanka shirka wadatashiga Federaalaynta iyo Dastuurka Ee Garowe

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.May 16, 2023No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Garowe, May 15, 2023: Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dowladda Puntland Mudane Abdullahi Said Aw-Yusuf ayaa soo xirey shirka wadatashiga hannaanka Federaalaynta iyo Arrimaha Dastuurka ee Dowladda Puntland iyo DFS oo mudo 2 bari ah ka socday magaalada Garowe.

    Shirkaan ayaa labadii maalmood ee uu socday waxaa lagu lafaguray ka doodista isfaham la’aanta ka jirta dhinaca Dastuurka iyo Arrimaha Federaalaynta, wadaaga masuuliyadaha ka dhaxeeya Dowladda Puntland iyo DFS, mabaa’dida hannaanka Federaalka iyo xiriirka wada shaqayneed ee ka dhexeeya Dowladaha xubnaha ka ah DFS, dhamaystirka la’aanta Dastuurka iyo caqabadaha hortaagan hirgelinta hannaan Federaalka.

    Sidoo kale, waxaa aad loogu lafaguray habka loo marayo hannaanka suurtogelinkara in Puntland iyo DFS ka wada shaqeeyaan Iskaashiga Dowladnimada, horumarinta mashaariicda, adkaynta nabadda iyo horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha inta laga dhamaystirayo Dastuurka Dalka.

    Shirkaan waxaa ka soo qaybgalay Guddiga wadaxaajoodka Arrimaha Federaalka, Agaasimayaasha Guud ee Dowladda Puntland, Guddiga Arrimaha Gudaha ee Baarlamaanka, Guddiga Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka ee Baarlamaanka, Hay’addaha iyo Xarumaha Cilmi-baarista, Jaamacadaha Puntland, Ururada Haweenka, bulshada Rayidka ah iyo aqoonyahanka iyo wax-garadka Bulshada qaybaheeda kala duwan.

    Dhammaad

    Xafiiska Warfaafinta iyo Xiriirka Dadweynaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dowladda Puntland.

    Halkan ka daawo muuqaalka

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Madaxweyne Axmed Madoobe oo lagu soo dhaweeyay Xamar

    February 10, 2026

    Madaxweyne Deni oo si weyn loogu soo dhaweeyay Muqdisho

    February 10, 2026

    Xildhibaanada mucaaradka oo samaystay Baarlamaanka xorta ah

    February 8, 2026
    Latest Posts

    Madaxweyne Axmed Madoobe oo lagu soo dhaweeyay Xamar

    Madaxweyne Deni oo si weyn loogu soo dhaweeyay Muqdisho

    Xildhibaanada mucaaradka oo samaystay Baarlamaanka xorta ah

    Halkee marayaa dhismaha Santuukha horumarinta Puntland ?

    Talyaaniga Oo PL ka fulinaya mashaariic muhiim ah

    Madaxweyne Deni Oo lagu amaanay maaraynta Caana shubka Ugaaska Tanade

    Hanbalyo Ugaas Cabdiraxmaan Ugaas Maxamed Ugaas Cali-geesood.

    Safiirka Talyaaniga Ee Somaliya oo soo gaaray Puntland

    Madaxweyne Deni oo ka qaybgalay Caano shubka Ugaaska Tanade

    Mw Deni oo dhagaxdhigay dhisme cusub oo uu yeelanayo Garsoorka G.Mudug

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.