Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Video+Sawiro:-Qarax xoog leh oo ka dhacay Hotel Weheliye Muqdisho
    Somalia

    Video+Sawiro:-Qarax xoog leh oo ka dhacay Hotel Weheliye Muqdisho

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyMarch 13, 2017No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Wararka ka imaanaya magaalada Muqdisho oo saakay uu ka dhacay qarax xoogan oo lala aeegtay  ayaa Gaari nooca loo yaqaan Hilux oo yaalay afaafka hore ee Hotelka Wehliye.

    Gaariga ayaa la sheegay in uu lahaa Wasiirka Kaluumeysiga Maxamed Cumar Ceymoy , waxaana wararku sheegayaan in Wasiirka uusan xiligaasi gaariga saarneen.

    Qaraxa ayaan wali la ogeyn in bartilmaameedkiisu ahaa Hotelka Wehliye iyo in lala damacsanaa gaariga uu lahaa Wasiirka Kaluumeesiga , mana jiro ilaa hada wax faah faahin ah oo masuuliyiinta dowlada ka bixiyeen qaraxaasi.

    8-qof oo u badnaa dad shacab ah ayaa ku dhintay qaraxa ismiidaaminta ah ee ka dhacay afaafka hore ee Hotelka Wehliye, waxaa sidoo kale qaraxa ku dhaawacmay dad kale oo badan kuwaa oo xarumaha caafimaadka loola cararay.

    Qaraxa oo ahaa mid xoogan saameyntiisana si weyn looga dareemay magaaalada Muqdisho ayaa sidoo kale bur bur xoogan gaarsiiyay goobo ganacsi oo kuyaala agagaarka Hotelka Wehliye iyo gaadiid halkaasi yaalay iyo kuwa wadada marayay,hoos ka daawo muuqaalka.

     

     

    Halkan ka daawo muuqaalka

    https://youtu.be/BgX7-vv_6AE

     

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    MADAXWEYNAHA OO MAGACAABAY GUDDOOMIYAHA BANGIGA, AGAASIMAHA BANGIGA IYO AGAASIME KU-XIGEENKA BANGIGA.

    March 31, 2026

    Xisaabiyaha Guud Ee Dowlada Puntland oo la magacaabay

    March 31, 2026

    Faallo:-Maxay ka dhigan tahay isku shaandhaynta lagu sameeyay Golaha Wasiirada iyo Guddoomiyayaasha Gobollada?

    March 31, 2026
    Latest Posts

    MADAXWEYNAHA OO MAGACAABAY GUDDOOMIYAHA BANGIGA, AGAASIMAHA BANGIGA IYO AGAASIME KU-XIGEENKA BANGIGA.

    Xisaabiyaha Guud Ee Dowlada Puntland oo la magacaabay

    Faallo:-Maxay ka dhigan tahay isku shaandhaynta lagu sameeyay Golaha Wasiirada iyo Guddoomiyayaasha Gobollada?

    Madaxweyne Deni oo magacaabay Gudoomiyayaasha Gobollada PL qaarkood

    Golaha Wasiirada Puntland oo laysku shaandheeyay

    Beesha caalamka Oo si adag ugu digtay Xasan Shiikh

    Wararkii ugu danbeeyay Ee dagaalka Wadaadada Iran

    BC Oo Xasan ugudbinaysa digniintii ugu danbaysay

    Midowga Afrika Oo ku baaqay in xiisada KG la dajiyo

    Beesha caalamka oo ka digtay dagaal ka dhaca Koonfur Galbeed

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.