Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Video+Sawiro:-Ra’isalwasaaraha fadaraalka iyo Gudiga abaaraha oo kulan wada qaatay
    Somalia

    Video+Sawiro:-Ra’isalwasaaraha fadaraalka iyo Gudiga abaaraha oo kulan wada qaatay

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyMarch 4, 2017No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa kulan gaar ah la qaatay Guddiga Gurmadka Abaaraha, waxana ay si gaar ah uga wada hadleen wax u qabashada dadka Soomaaliyeed ee saameynta ballaaran ay ku yeesheen Abaaruhu.

    Kulankan oo ay guddida gurmadka abaaraha ugu warbixiyeen Ra’iisul Wasaaraha waxa ay soo bandhigeen in xaaladu tahay mid ku adag dadka xoolo dhaqatada ah iyo duunyadaba, iyagoo hogo tusaaleeyey soona bandhigay in ay jiraan dad ay isugu darsameen abaaro iyo shuban biyood.

    Ra’iisul Wasaaruhuna waxa uu u balan qaaday in aanay ka xukuumad ahaan waxba kala hari doonin dadkaasi abaartu haleeshay, haday noqoto gargaarka biyaha, saadka dadka iyo xoolaha wixii awoodooda ah, guddiguna ay dedaalkooda sii kordhin doonaan mar walbana uu ku dabajoogi doono sida ay wax u socdaan si dadka iyo duunyadaba loo badbaadiyo ilaahay ayaa wax badbaadin karee.

    “Dadka Soomaaliyeed meel walba oo ay joogaan waxa maanta looga fadhiyaa in ay badbaadiyaan walaalahooda dibaateysan oo haddii aan wax lala gaarin gaajo u dhiman doona; Waxay noqon doontaa howsha Xukuumaddu maalmaha soo socda mid ku wajahan abaaraha oo kaliya”ayuu yiri R/Wasaare Xasan Khayre.

    Ra’iisul Wasaare Khayre ayaa tilmaamay in 48dii saac ee la soo dhaafay ay ku dhinteen qaar kamid ah gobollada Koonfureed gaar ahaan gobolka Bay dad tiradoodu gaareyso 110 ruux oo saameeyeen abaaraha iyo cudurka Shuban Biyood halkaasi ka dilaacay, isagoona xusay in xiligan loo baahan yahay iskaashi buuxa iyo wada shaqayn dhex marta Shacabka iyo Dawladda si wadajir loogu gurmado dadka Soomaaliyeed ee dhiban.

    Ugu danbeyn, Wuxuu ugu baaqay Ganacsatada iyo cid walba oo dhaqaale haysta in gurmadka qeybtooda ay ka qaataan, isla markaana ay badbaadiyaan dadka u dhimanaya gaajada iyo haraadka. Isagoo dhinaca kale tilmaamay in wadajir loogu duceeyo dadka iyo dalka Soomaaliyeed in ALLE uu ka qaado colaada iyo abaaraha soo noq-noqday.

     

     

    Halkan ka daawo muuqaalka

    https://youtu.be/fFPkiqNHymw

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    MADAXWEYNAHA OO MAGACAABAY GUDDOOMIYAHA BANGIGA, AGAASIMAHA BANGIGA IYO AGAASIME KU-XIGEENKA BANGIGA.

    March 31, 2026

    Xisaabiyaha Guud Ee Dowlada Puntland oo la magacaabay

    March 31, 2026

    Faallo:-Maxay ka dhigan tahay isku shaandhaynta lagu sameeyay Golaha Wasiirada iyo Guddoomiyayaasha Gobollada?

    March 31, 2026
    Latest Posts

    MADAXWEYNAHA OO MAGACAABAY GUDDOOMIYAHA BANGIGA, AGAASIMAHA BANGIGA IYO AGAASIME KU-XIGEENKA BANGIGA.

    Xisaabiyaha Guud Ee Dowlada Puntland oo la magacaabay

    Faallo:-Maxay ka dhigan tahay isku shaandhaynta lagu sameeyay Golaha Wasiirada iyo Guddoomiyayaasha Gobollada?

    Madaxweyne Deni oo magacaabay Gudoomiyayaasha Gobollada PL qaarkood

    Golaha Wasiirada Puntland oo laysku shaandheeyay

    Beesha caalamka Oo si adag ugu digtay Xasan Shiikh

    Wararkii ugu danbeeyay Ee dagaalka Wadaadada Iran

    BC Oo Xasan ugudbinaysa digniintii ugu danbaysay

    Midowga Afrika Oo ku baaqay in xiisada KG la dajiyo

    Beesha caalamka oo ka digtay dagaal ka dhaca Koonfur Galbeed

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.