Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Villa Somalia oo ka dalbatay QM inay kulan siiso Madaxda DFS iyo D/gobaleedyada
    Somalia

    Villa Somalia oo ka dalbatay QM inay kulan siiso Madaxda DFS iyo D/gobaleedyada

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyApril 25, 2020No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Madaxtooyada Villa Soomaaliya ayaa ka dalbatay Qaramada Midoobay inay wada-hadal siiso Dowlad Gobaleedyada xubnaha ka ah Dowladda Federaalka Soomaaliya, si heshiis looga gaaro khilaafka u dhexeeya Dowlad Gobaleedyada Dalka iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya.

    Qoraal ay Madaxtooyadda Villa Soomaaliya u dirtay Xafiiska Wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, ayay kaga codsatay in loo qabto shir Madaxda Dowladda Federaalka iyo Madaxda Dowlad Gobaleedyada, si looga arrinsado xaalada siyaasadeed ee dalka iyo doorashada sanadka 202.

    Shabakadda Idil News, ayaa heshay in QM ay waraaqo casuumaad ah u dirtay Madaxda Dowlad Gobaleedyada Dalka, kuwaas oo qaarkood illaa hada wax jawaab ah ka bixin casuumaad, balse xoguhu sheegayaan inay u badan tahay inay aqbalaan.

    Sidoo kale, Shirkan oo qorshuhu yahay inuu qabsoomo dhamaadka bisha June 2020, Ayaan la go’aamin halka uu ka qabsoomayo, wallow xoguhu tilmaamayaan in lagu qabanayo Muqdisho ama magaalada Garoowe ee xarunta Dowladda Puntland.

    Wararka ayaa intaas ku darayaan in shir hordhac ay isugu imaan doonaan Xogheynada kala matalaya Xafiisyada Madaxda dowladda Federaalka iyo kuwa dowlad goboleedyada, si loo diyaariyo ajandaha shirka Madaxda dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedyada.

    Khilaafka muddada dheer u dhaxeeya dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedyada ayaa sababay inuu hakado xiriirkii wada shaqeyn ee labada dhinac u dhaxeeyay, isla markaana dhowr jeer uu guuldareystay dadaalo lagu xalin lahaa oo ay waday Beesha Caalamka.

    Dadka Odorasa arrimaha siyaasadda Soomaaliya ayaa aaminsan in Madaxtooyadda Villa Soomaaliya ay ku guuldareysatay qorshayaal ay ka laheyd Doorashooyinka Soomaaliya, kaddib markii Puntland iyo Jubbaland ay ka biyo-diideen casuumaado ay u dirtay Madaxtooyaddu taas oo keentay in Madaxweyne Farmaajo uu garowsaday in Dowladiisu aysan awood u laheyn qabsoomida doorasho.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Israel oo dishay hogaamiyihii dadbanaa Ee Iran

    March 18, 2026

    Xasan Shiikh oo ku fashilmay inqilaabkii Laftagareen uu la damcay?

    March 18, 2026

    Maxay ka dhigan tahay tagida Baydhabo Ee Mw Laftagareen?

    March 18, 2026
    Latest Posts

    Israel oo dishay hogaamiyihii dadbanaa Ee Iran

    Xasan Shiikh oo ku fashilmay inqilaabkii Laftagareen uu la damcay?

    Maxay ka dhigan tahay tagida Baydhabo Ee Mw Laftagareen?

    Maxay ka dhigan tahay xiriir ujarida KG Ee DFS?

    Weerarada Gantaalada iyo Drons-ka Ee Iran ka imaanaya oo hoos usii dhacaya

    Faallo:-Doorka Putin ee dagaalka Galbeedka Aasiya Maraykanka/Israa’iil iyo Iran?.

    Hoos udhac weyn oo ku dhacay Maraakiibta ka gudabaya Marinka Hormos

    Faallo:-Garaacista Jasiirada Hoyga u ah Saliida Iran

    Xamaas oo kaga hor timid Iran weerarada Wadamada Khaliijka

    Difaaca Cirka Imaaraadka Carabta oo fashiliyay weeraro ka yimid Iran

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.