Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Villa Somalia oo loo gudbiyay Warbixin la xiriirta Arrimaha Dastuurka (Sawirro)
    Somalia

    Villa Somalia oo loo gudbiyay Warbixin la xiriirta Arrimaha Dastuurka (Sawirro)

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyJuly 11, 2019No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Dastuurka oo ay wehliyaan La-taliyayaal iyo Agaasime-waaxeedyo katirsan Wasaaradda Dastuurka ayaa maanta kulan la yeeshay Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Qaranka oo ay wehliyaan Agaasime-waaxeedyo katirsan Mdaxtooyada Qaranka iyo qaar kamid ah La-taliyayaasha Madaxweynaha JFS.

    Ujeedka kulanka ayaa ahaa mid warbixin iyo xog ku saabsan arrimaha dastuurka lala wadaagayay masuuliyiinta Madaxtooyada Qaranka.

    Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Dastuurka Mudane Maxamed Abuukar Zubeyr ayaa jeediyay warbixin ku saabsan howlihii Wasaaradda u qabsoomay, qorshaha Wasaaradda iyo caqabadaha ku hor-gudboon dhameeystirka Dastuurka.

    Agaasime Maxamed Zubeyr ayaa sheegay in qodobada dastuurka ee u baahan wax-kabadal arrimo farsamo ah la soo dhameeystiray balse ay weli wax ka qabasho u baahanyihiin qodobada arrimaha siyaasadda. Sidoo kale Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Dastuurka ayaa sheegay in Wasaaradda ay dedaal badan ku bixisay arrimaha wacyigelinta iyo waxbarashada madaniga ah ee dib-u-eegista dastuurka.

    Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Qaranka Mudane Nuur Fuudsade ayaa soo jeediyay in xooga la saaro arrimaha wacyigelinta oo dadka aad loo fahansiiyo micnaha dastuurka iyo muuhimadda uu leeyahay, waxuuna ballanqaaday in Madaxtooyada ay garab istaagi doonto Wasaaradda si looga mira-dhaliyo howlaha dhameeystirka dastuurka.

    Ugu dambayn, waxaa la isku raacay in kulanka noocan oo kale ah la joogteeyo si Madaxtooyada Qaranka ay xog-ogaal uga noqoto howlaha dib-u-eegista Dastuurka.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Faallo:-Socdaalka Madaxweyne Axmed Madoobe Ee Garowe

    June 23, 2025

    Iran oo Gantaalo ku weerartay Saldhiga Maraykanka Ee Qatar

    June 23, 2025

    Axmed Madoobe iyo weftigiisii oo gaaray Garowe ugu danbayn

    June 22, 2025
    Latest Posts

    Faallo:-Socdaalka Madaxweyne Axmed Madoobe Ee Garowe

    Iran oo Gantaalo ku weerartay Saldhiga Maraykanka Ee Qatar

    What we know about Iran’s attack on US base in Qatar

    Axmed Madoobe iyo weftigiisii oo gaaray Garowe ugu danbayn

    Faallo:-Miyaa la burburiyay Hubkii Niyukleerka Iran?

    Shir muhiim u ah Puntland oo Maanta ka furmay Garowe

    Ciidamada PL oo ku dhow in ay soo gabagabeeyaan hawlgalkii Cal-miskaad

    Maraykanka oo dukheeyay Xarumaha Niyukleerka Iran

    Jubaland:-Mw Axmed Madoobe oo kusii jeeda Garowe

    Trump oo ka hor yimid hadalkii Agaasimihiisa sirdoonka

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.