Villa Somaliya awood dhaqaale iyo mid Saad uma leh in ay Ciidamo ka hawlgeliso gudaha PL,balse mar waa la adeegsan karaa Maleeshiyaad sidii kuwii Jimcaale loo adeegsaday xilligii doorashada.
Guud ahaan Maleeshiyada ay DFS adeegsan karto,waxay dhan yihiin marka la buunbuuniyo 500 oo Nin oo aan isku xirnayn,isla markaana isku meel aan wada joogin oo ku kala yaacsan Gobollada PL.
Jimcaale,ayaa ugu hilan Maleeshiyaadka la adeegsan karo,isaguna,wuxuu ogsoon yahay awooda Ciidamada PL ee Maanta,wuxuuna ka wal wal qabaa in Hubkiisa Gacanta looga dhigo mar Labaad oo aan Islaan Ciise ka yeelayn markale in uu usoo celiyo.
Wararka dacaayadaha ah ee Saxaafada lagu maalgelinayo marka laga soo tago awood PL gudaheeda khalkhal ka abuuri karta oo ubabac dhigi karta Ciidamada PL majirto.
Maleeshiyaadka khatarta noqon kara?
Duleedka Garowe,waxaa jooga Maleeshiyo kooban oo Jimcaale haysto,waxaana jira qorshe lagu midaynayo isaga iyo kuwa Jiqda ee Sallinta jooga oo Xamar laga soo riixayo.
Galkacyo majiraan Ciidamo PL khatar ku ah oo fadhiya kaliya,waxaa la sheesheegaa 40-Nin iyo Laba Gaari oo Ninka layiraahdo Xaange Baraxley ku ururiyay.
Bosaso,waxaa jira Ciidamo Guriga Ilmo Diyaano ku dhex jira oo aan wax saamayn amni ah ku lahayn Bosaso.
Ciidamada PL iyo diyaar garowgooda?
Galkacyo,waxaa heegan ku ah Laba Urur oo Daraawiishta ah.
Garowe,waxaa heegan ku ah Sadex Urur oo Madaxtooyada iyo Daraawiishta ah.
Bosaso iyo hareeraheeda,waxaa heegan ku ah Afar Guuto oo kala fadhiya….
B.Guuto 1-Aad Kalabayr.
T.Guuto 2-Aad Cawsane.
J.Guuto 3-Aad Faluuja.
X.Guuto 5-Aad Biyo kulule.
