Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Puntland»Villa Somaliya awood ma uleedahay in ay Ciidamo ka hawlgiso gudaha dhulka PL?
    Puntland

    Villa Somaliya awood ma uleedahay in ay Ciidamo ka hawlgiso gudaha dhulka PL?

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.January 10, 2026No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Villa Somaliya awood dhaqaale iyo mid Saad uma leh in ay Ciidamo ka hawlgeliso gudaha PL,balse mar waa la adeegsan karaa Maleeshiyaad sidii kuwii Jimcaale loo adeegsaday xilligii doorashada.

    Guud ahaan Maleeshiyada ay DFS adeegsan karto,waxay dhan yihiin marka la buunbuuniyo 500 oo Nin oo aan isku xirnayn,isla markaana isku meel aan wada joogin oo ku kala yaacsan Gobollada PL.

    Jimcaale,ayaa ugu hilan Maleeshiyaadka la adeegsan karo,isaguna,wuxuu ogsoon yahay awooda Ciidamada PL ee Maanta,wuxuuna ka wal wal qabaa in Hubkiisa Gacanta looga dhigo mar Labaad oo aan Islaan Ciise ka yeelayn markale in uu usoo celiyo.

    Wararka dacaayadaha ah ee Saxaafada lagu maalgelinayo marka laga soo tago awood PL gudaheeda khalkhal ka abuuri karta oo ubabac dhigi karta Ciidamada PL majirto.

    Maleeshiyaadka khatarta noqon kara?

    Duleedka Garowe,waxaa jooga Maleeshiyo kooban oo Jimcaale haysto,waxaana jira qorshe lagu midaynayo isaga iyo kuwa Jiqda ee Sallinta jooga oo Xamar laga soo riixayo.

    Galkacyo majiraan Ciidamo PL khatar ku ah oo fadhiya kaliya,waxaa la sheesheegaa 40-Nin iyo Laba Gaari oo Ninka layiraahdo Xaange Baraxley ku ururiyay.

    Bosaso,waxaa jira Ciidamo Guriga Ilmo Diyaano ku dhex jira oo aan wax saamayn amni ah ku lahayn Bosaso.

    Ciidamada PL iyo diyaar garowgooda?

    Galkacyo,waxaa heegan ku ah Laba Urur oo Daraawiishta ah.

    Garowe,waxaa heegan ku ah Sadex Urur oo Madaxtooyada iyo Daraawiishta ah.

    Bosaso iyo hareeraheeda,waxaa heegan ku ah Afar Guuto oo kala fadhiya….

    B.Guuto 1-Aad Kalabayr.
    T.Guuto 2-Aad Cawsane.
    J.Guuto 3-Aad Faluuja.
    X.Guuto 5-Aad Biyo kulule.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Faallo:-Dib U Eegista Dastuurka yaa awood uleh in ay fuliso?

    March 4, 2026

    Puntland oo canbaaraysay Afduubka lagula kacay Lataliye ka tirsan Madaxtooyada PL

    March 4, 2026

    Madaxweyne Trump oo si adag udhaleeceeyay Rw Uk

    March 3, 2026
    Latest Posts

    Faallo:-Dib U Eegista Dastuurka yaa awood uleh in ay fuliso?

    Puntland oo canbaaraysay Afduubka lagula kacay Lataliye ka tirsan Madaxtooyada PL

    Madaxweyne Trump oo si adag udhaleeceeyay Rw Uk

    Puntland:-War-murtiyeedka Shirkii Wadatashiga Puntland (02 March 2026

    Wararkii ugu danbeeyay dagaalka Maraykanka-Israa’iil iyo Iran?

    Wakiilka QM,wuxuu gaarsiiyay Aadan Madoobe Warqad ka socotay BC .

    Wararkii ugu danbeeyay dagaalka Iran iyo Maraykanka-Israa’iil?

    Wararkii ugu danbeeyay dagaalka Maraykanka/Israa’iil iyo Iran

    Xasan Shiikh oo hawada ka celiyay diyaaradii siday Xildhibaanada PL ku matalayay Baarlamaanka

    Madaxweynaha PL oo wadatashi ugu yeeray Xildhibaanada Labada Aqal Baarlamaanka Fadaraalka ku matala PL

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.