Wasiirka Arimaha dibada Shiinaha in uu Maanta yimaado Xamar,ayaa la qorshaynayay,waxaase jira caqabado amni oo sii xoogaystay.
Shalay markii loo diyaar garoobay soo dhaweyntiisa oo ay soo dageen diyaaradihii siday ilaaladiisa oo ay Xamar dul timid diyaarad Shiinuhu leeyahay oo hawada ka saartay halmar Isgaarsiintii xataa Xerada Xalane,ayaa hadana la weeciyay Wasiirka oo uu ka degay Tansaaniya oo ahayd Dalkii Labaad ee uqorshaysnaa Somaliya kadib.
Amarka weecinta Wasiirka,wuxuu ka yimid isla Shiinaha mana jirin,waxay kala socotay Villa Somaliya.
Haatan oo Xamar ay ka dhaceen Afar Qarax oo cusub lama saadaalin karo in Wasiirku kasoo dago.
Villa Somaliya,waxay aad ugu cadaadinaysaa Shiinaha in uu Wasiirku Maanta ama Berri yimaado Muqdisho.
