Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Waa kee dalka Dhaqaalaha ugu badan siiya DF Soomaaliya ? (Warbixin)
    Somalia

    Waa kee dalka Dhaqaalaha ugu badan siiya DF Soomaaliya ? (Warbixin)

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyAugust 4, 2019No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    La-taliyaha Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya ee Arrimaha Dalalka Carabta iyo Islaamka ,  Sheekh Cali Maxamuud Xasan “Wajiis”  oo Wraeysi dhawaan siiyey Wargeyska Al-Watan ee ka soo baxa Sacuudiga, ayaa ka hadlay Isbedelka Siyaasadda ee Mustaqbalka iyo Dowladda ugu badan ay DFS ka hesho taageerada Dhaqaale.

    Sheekh Cali Wajiis ayaa tilmaamay inay Dowladda Sacuudiga tahay Isbahaysiga ugu weyn ee Gobalka, isla markaana taageeradda ugu badan la garab taagan Somalia.

    La-taliyaha waxa uu xusay inay Sacuudiga ku soo eegayaan Soomaaliya Indho Istraatijiyadeed iyo mid Walaaltinimo, isla markaana Aragti dheer xambaarsan.

    Sidoo kale, waxaa uu intaasi ku daray inay dowladda Sacuudiga taageero ka geystaan sidii ay Badda Cas u noqon lahayd meel Ammaan iyo sidii Mandiqadda looga dhigi lahaa meel  aan loo soo xawilin Burbur iyo Deganaansho La’aan.

    Sheekh Cali Wajiis waxa uu Wareysigiisa ku soo hadal-qaaday Khilaafka Khaliijka, wuxuuna xusay inuusan isbedelin Aragtida Sacuudiga ee Mustaqbalka Soomaaliya, isla markaana ay Soomaaliya is-garab taageen Siyaasad ahaan iyo Dhaqaale ahaan.

    Waxa uu bidhaamiyey inay Dowladda Sacuudiga ku taageertay DFS lacag dhan 100 million oo Dollar sannadkii hore, isla markaana waxa uu hoosta ka xariiqay inaysan jirin Dowladaha kale oo Taageeradaasi oo kale u fidiyey Ummadda Soomaaliyeed.

    Sheekha ayaa ku dheeraaday Taageeradda Joogtada ee  Dowladda Sacuudiga iyo dadaalka xooggan ee ay ugu jiraan Deganaanshaha iyo Horumarka dalka Soomaaliya.

    La-taliyaha Madaxweyne Farmaajo ee Arrimaha Dalalka Carabta iyo Islaamka waxa kale oo uu sheegay inay Sacuudiga ballan qadaay dhismaha Garoonka  Diyaaradaha Caalamiga ee magaalladda Muqdisho iyo Saldhigyadda Milliteri ee Ciiddanka Qaranka Somalia.

    Sheekh Cali Wajiis waxa kale oo uu Wareysigiisa ku soo hadal qaaday inay Dowladaha Sacuudiga, Britain iyo Maraykanka yihiin Dowladaha taageeradda rasmiga ee ugu badan siiya DFS, isagoo Iskaashiga Wdaajirka ee Somalia iyo Somalia ku sifeeyey Isbahaysiga mudaanta koowaad leh.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Ugu danbayn Xabad joojin Maraykanku amray,ayay Israa’iil iyo Iran wada qaateen

    June 24, 2025

    Faallo:-Socdaalka Madaxweyne Axmed Madoobe Ee Garowe

    June 23, 2025

    Iran oo Gantaalo ku weerartay Saldhiga Maraykanka Ee Qatar

    June 23, 2025
    Latest Posts

    Ugu danbayn Xabad joojin Maraykanku amray,ayay Israa’iil iyo Iran wada qaateen

    Faallo:-Socdaalka Madaxweyne Axmed Madoobe Ee Garowe

    Iran oo Gantaalo ku weerartay Saldhiga Maraykanka Ee Qatar

    What we know about Iran’s attack on US base in Qatar

    Axmed Madoobe iyo weftigiisii oo gaaray Garowe ugu danbayn

    Faallo:-Miyaa la burburiyay Hubkii Niyukleerka Iran?

    Shir muhiim u ah Puntland oo Maanta ka furmay Garowe

    Ciidamada PL oo ku dhow in ay soo gabagabeeyaan hawlgalkii Cal-miskaad

    Maraykanka oo dukheeyay Xarumaha Niyukleerka Iran

    Jubaland:-Mw Axmed Madoobe oo kusii jeeda Garowe

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.