Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Wada-hadaladii u dhexeeyay Hoggaamiyayaasha Somalia iyo Itoobiya oo soo Idlaaday (Sawirro)
    Somalia

    Wada-hadaladii u dhexeeyay Hoggaamiyayaasha Somalia iyo Itoobiya oo soo Idlaaday (Sawirro)

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyMarch 5, 2019No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    ADDIS ABABA (IDIL NEWS)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, oo gaaray maanta Magaalada Addis Ababa ee xarunta Dalka Itoobiya ayaa Wada-hadalo la yeeshay Raโ€iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed.

    Madaxweyne Farmaajo iyo Raโ€™iisul Wasaaraha Dalka Itoobiya Abiy Axmed, ayaa ka wada-hadlay xoojinta xiriirka labada dal, nabadgelyada gobolka iyo dardargelinta is-dhexgalka dhaqaalaha Geeska Afrika.

    Madaxtooyadda Soomaaliya ayaa baahisay in Wada-hadalada labada Masuul ay kusoo dhamaadeen Guul, ayna ku gaareen is afgarad.

    Warar kale oo soo baxaya ayaa sheegaya in labada hoggaamiye ay isla soo qaadeen xaalada kusoo kordhay gobolka Geeska Afrika oo bilooyinkii u dambeeyay isbedalo badan uu ka socday.

    Kulanka ay Addis ababa ku yeesheen Madaxweyne Farmaajo iyo Raโ€™iisulwasaare Abiy, ayaa kusoo aadaya iyadoo Axadii la soo dhaafay ay magaalada Asmara kulan Saddex geesood ah ku yeeshay Hoggaamiyaasha Itoobiya, Kenya iyo Eritrea, kuwaas oo ku heshiiyay sameysashada Iskaashi saddex goosaad ah oo ku aadan dhinacyada dhaqaalaha, amniga iyo nabada, kaasi oo aanay qayb ka ahayn Soomaaliya.

    Sawirro.

    IDIL NEWS

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Maalgelin $Trillion ah oo Sacuudigu ku maalgashanayaa Maraykanka.

    November 19, 2025

    Saxaafada caalamka oo isku soo subway Puntland

    November 19, 2025

    Warbixin ay soo saartay Jaamacadda AMERICAN UNIVERSITY oo looga hadlay guulaha Ciidamada PL

    November 19, 2025
    Latest Posts

    Maalgelin $Trillion ah oo Sacuudigu ku maalgashanayaa Maraykanka.

    Saxaafada caalamka oo isku soo subway Puntland

    Warbixin ay soo saartay Jaamacadda AMERICAN UNIVERSITY oo looga hadlay guulaha Ciidamada PL

    Faahfaahin duqaymo lala beegsaday firxadka argagixisada

    Faah-faahin dheeraad ah Miisaaniyadda sanadka 2026 Ee Puntland

    Somaliya oo codkeeda ku biirisay Qasa in la geeyo Ciidan shisheeye

    Palestinian Authority welcomes UN Security Council resolution on Gaza

    ๐—ช๐—ฎ๐—ณ๐˜๐—ถ ๐˜‚๐˜‚ ๐—ต๐—ผ๐—ด๐—ด๐—ฎ๐—ฎ๐—บ๐—ถ๐—ป๐—ฎ๐˜†๐—ผ ๐—ช๐—ฎ๐˜€๐—ถ๐—ถ๐—ฟ ๐—๐˜‚๐˜…๐—ฎ ๐—ผ๐—ผ ๐—ด๐—ฎ๐—ฎ๐—ฟ๐—ฎ๐˜† ๐——๐—ต๐—ฎa๐—ฑ๐—ฎ๐—ฎ๐—ฟ

    Wasaarada Arimaha gudaha oo go’aan ka gaartat khilaafka Golaha Deegaanka

    Ciidamada Puntland oo qaaday hawlgal culus

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.