Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Wadadii Garoowe iyo Gaalkacyo oo fashilantay markale!!
    Somalia

    Wadadii Garoowe iyo Gaalkacyo oo fashilantay markale!!

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyOctober 29, 2019No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Midowga Yurub waxay laaleen lacagtii ay ugu talagaleen dhismaha Wadada Galkacyo iyo Garowe,taasoo gaaraysay Toban Milyan iyo Todobo Boqol oo Kun dolar markale.

    Midowga Yurub oo lacagtan dib u ogolaaday doorashadii Madaxweyne Deni kadib,ayaa hada joojiyay bixinteedii.

    Sababta loo joojiyay lacagtaas,ayaa timid kadib markii Dowlada Puntland ay ku guuldaraysatay soo dhamaystirida shuruudiihii laga rabay dhankeeda.

    Shuruudaha ay ku xireen Midowga Yurub Puntland,ayaa waxay kala ahaayeen..

    1.In Shirkadii horay uhaysatay qandaraaska ee isxilqaan laga saaro meesha.

    2.In tartan furan dib loogu galo qandaraaska dhismaha Wadada si daahfurnaan leh.

    Dowlada Puntland waxay ku fulin wayday shuruudahaas mudadii loo cayimay.

    Sababaha ay ufulin wayday shuruudahaas,ayaa waxay kusoo kooban yihiin laba qaybood oo kala ah…

    B.Shirkada isxilqaan ee horay uhaysatay Qandaraaska Wadada,ayaa sheegatay lacag gaaraysa Hal Milyan iyo Bar dolar Maraykanka ah,taasoo Midowga Yurub ay sheegeen in ay kaliya ka ogol yihiin lacag dhan Todobo Boqol oo kun oo dolar.

    T.Dowlada Puntland oo ku guuldaraysatay bixinta Sideeda Boqol ee ka harsan lacagta shirkada isxilqaan oo ay sheegatay ay buuxinayso si mahsruucu udhaqaaqo.

    J.Madaxweyne Deni oo awoodi kari waayay in uu go’aan ka qaato koox saamayn ku leh oo aad udanaynayay qaadashada qandaraaska dhismaha Wadada.

    Arimahaas oo isbiirsaday awgeed waxay sababeen in mashruucii dhsimaha Wadada Gaalkacyo-Garowe uu fashilmo mar labaad.

    Masuuliyiinta reer Mudug ku matala Dowlada iyo Wadada!!

    Waxaan la xiriiray inta badan masuuliyiinta kasoo jeeda Gobolka Mudug oo aan kala hadlay mashruucaas,balse nasiibdaro ma jirin hal mid oo kamid ah oo danaynayay.

    Sidoo kale majirin masuul jawaab waafiya oo lagu qanci karo iga siiyay halka uumarayo mashruucaas,waxaana ay ukaayeen kuwo aan wax badan kala socon iyo kuwo aan kalaba jeclayn oo dantooda gaarka ah ay kala waynayd.

    Wadada Garowe iyo Galkacyo oo ah mid aad muhiim ugu ah Puntland iyo guud ahaan Somaliya,ayaa waxaa si masuuliyaddari ahayd umaamulay Qandaraaskii dhismaheeda Madaxweyne Gaas,waxuuna gacanta ugaliyay shirkad gacan ku rimis ah oo aan awood ulahayn dhismaha Wadadaas.

    Isku soo wada duuboo Midowga Yurub waxuu joojiyay lacagataas markale lamana sadaalin karo in mar sadexaad dib loo heli doono.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Israel oo dishay hogaamiyihii dadbanaa Ee Iran

    March 18, 2026

    Xasan Shiikh oo ku fashilmay inqilaabkii Laftagareen uu la damcay?

    March 18, 2026

    Maxay ka dhigan tahay tagida Baydhabo Ee Mw Laftagareen?

    March 18, 2026
    Latest Posts

    Israel oo dishay hogaamiyihii dadbanaa Ee Iran

    Xasan Shiikh oo ku fashilmay inqilaabkii Laftagareen uu la damcay?

    Maxay ka dhigan tahay tagida Baydhabo Ee Mw Laftagareen?

    Maxay ka dhigan tahay xiriir ujarida KG Ee DFS?

    Weerarada Gantaalada iyo Drons-ka Ee Iran ka imaanaya oo hoos usii dhacaya

    Faallo:-Doorka Putin ee dagaalka Galbeedka Aasiya Maraykanka/Israa’iil iyo Iran?.

    Hoos udhac weyn oo ku dhacay Maraakiibta ka gudabaya Marinka Hormos

    Faallo:-Garaacista Jasiirada Hoyga u ah Saliida Iran

    Xamaas oo kaga hor timid Iran weerarada Wadamada Khaliijka

    Difaaca Cirka Imaaraadka Carabta oo fashiliyay weeraro ka yimid Iran

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.