Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Wadahadalada Maraykanka iyo Ruushka halkee ka dhacayaan?
    Somalia

    Wadahadalada Maraykanka iyo Ruushka halkee ka dhacayaan?

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.February 17, 2025No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Saraakiil sare oo ka kala socda Ruushka iyo Mareykanka,ayaa Talaadada ku kulmi doona Sucuudiga si ay uga wadahadlaan hagaajinta xiriirka labada dal, suurtagalnimada xabbad-joojin ka dhacda Ukraine, iyo kulan la filayo in uu dhex maro madaxweynayaasha labada dal Vladimir Putin iyo Donald Trump.

    Wadahadalladan,ayaa imaanaya,iyadoo dadaallada diblomaasiyadeed ee lagu xallinayo colaadda Ukraine ay sare u kacayaan. Talaabadan ayaa daba socota markii Madaxweynaha Mareykanka uu toddobaadkii hore telefoon kula xiriiray Putin iyo Volodymyr Zelensky, isaga oo labada Madaxweyne ku cadaadiyey inay joojiyaan dagaalka.

    Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Ruushka, Sergei Lavrov, iyo lataliye sare oo ka tirsan xafiiska Putin, Yury Ushakov, ayaa lagu wadaa inay Isniinta maanta ah u duulaan Riyadh, sida uu shaaca ka qaaday afhayeenka Kremlin-ka, Dmitry Peskov.

    “Wadahadallada u dhexeeya Mareykanka iyo Ruushka waxay si gaar ah diiradda u saari doonaan soo celinta xiriirka dhameystiran ee labada dal,” ayuu yiri Peskov.

    Moscow waxay sidoo kale dooneysaa in lagala hadlo arrimo amni oo ballaaran oo ka baxsan xabbad-joojin suurtagal ah oo laga gaari karo Ukraine.

    Ruushka,ayaa marar badan si adag u cambaareeyay joogitaanka NATO ee bartamaha iyo bariga Yurub, isaga oo dalbaday in ciidamada xulafada Reer Galbeedka laga saaro dhowr dal oo bariga Yurub ah. Dalabkan,ayaa la hordhigay kahor inta uusan Ruushku qaadin weerarkiisii ballaarnaa ee Ukraine bishii Febraayo 2022.

    Kulamada Riyadh ayaa sidoo kale lagu falanqeyn doonaa “wadahadallo suurtagal ah oo ku saabsan xalka Ukraine iyo abaabulidda kulan dhex mara labada madaxweyne,” sida uu Peskov u sheegay warfidiyeenka.

    VOA.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Xog:-Khasaaraha kasoo gaaray Maraykanka dagaalka Iran

    April 6, 2026

    Puntland,waa in ay hakisaa Shirka Golaha Mustaqbalka Ee Garowe

    April 6, 2026

    Maraykanka iyo Iran oo aan weli heshiis gaarin,iyadoo….

    April 6, 2026
    Latest Posts

    Xog:-Khasaaraha kasoo gaaray Maraykanka dagaalka Iran

    Puntland,waa in ay hakisaa Shirka Golaha Mustaqbalka Ee Garowe

    Maraykanka iyo Iran oo aan weli heshiis gaarin,iyadoo….

    Maxaa ka jira in Gudoomiyaha Baarlamaanka Fadaraalka laga mamnuucay Maraykanka?

    Isbadalka lagu sameeyay Maamulka Bangiga Puntland oo la bogaadiyay

    “Madaxweyne Garsoorka dul istaag”WQ.Jibril Qoobey.

    Wasiirada cusub Ee Dowladda Puntland Oo la dhaariyay

    MADAXWEYNAHA OO MAGACAABAY GUDDOOMIYAHA BANGIGA, AGAASIMAHA BANGIGA IYO AGAASIME KU-XIGEENKA BANGIGA.

    Xisaabiyaha Guud Ee Dowlada Puntland oo la magacaabay

    Faallo:-Maxay ka dhigan tahay isku shaandhaynta lagu sameeyay Golaha Wasiirada iyo Guddoomiyayaasha Gobollada?

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.