Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Wadamada Israa’iil iyo Iran oo ay si weyn uga dhex tafan tahay
    Somalia

    Wadamada Israa’iil iyo Iran oo ay si weyn uga dhex tafan tahay

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.April 2, 2024No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link
    site logosite logo
    TOOS
    CAALAMKA

    Iran oo wacad ku martay inay ka aargudan doonto Israel kadib dilka 7 sarkaal

    1 Hal Saac ka hor
    • Agence France-Presse
    Goobta uu ka dhacay weerarka ee Dimishiq
    Goobta uu ka dhacay weerarka ee Dimishiq

     Arag Fikradaha

    DIMISHIQ — Iran ayaa maanta ugu digtay Israel inay ka aargudan doonto weerar duqeyn ah oo lagu dilay toddoba xubnood oo ka tirsan Ilaalada Kacaanka Islaamiga, oo laba ka mid ah ay ahaayeen jeneraallo, kaasi oo ka dhacay dhisme ku dheggan safaaradda ay ku leedahay Dimishiq.

    Afar qof oo kale ayaa lagu soo waramayaa in ay ku dhinteen weerarka Isniintii, kaas oo dhulka la simay dhisme shan dabaq ah oo ku dheggan safaaradda Iran, waxaana uu sii kiciyay xiisadda oo markii horeba cirka ku jirtay iyadoo dagaalka Gaza uu ku dhow yahay dhammaadka bishii lixaad.

    Israel ayaa diiday inay ka hadasho weerarka, oo gaas kusii shubay xiisadda Bariga Dhexe ee ka dhalatay dagaalka Gaza ee Israel iyo kooxda Xamas ee xulufada la ah Iran.

    Hoggaamiyaha sare ee Iran Ayatollah Ali Khamenei ayaa wacad ku martay in Israel la ciqaabi doono.

    “Maamulka sharta ah ee Sahyuuniyadda waxaa lagu ciqaabi doonaa gacmaha raggeena geesiyaasha ah. Waxaan ka dhigi doonnaa inay ka shallaayaan dambigaas iyo kuwo kale,” ayuu Khamenei ku yiri farriin uu ku daabacay website-kiisa rasmiga ah.

    Madaxweyne Ebrahim Raisi ayaa dhaleeceeyay weerarka isagoo ku tilmaamay “xadgudub cad oo ka dhan ah xeerarka caalamiga ah” kaasi oo “aan noqon doonin mid aan laga jawaabin”.

    “Kadib guuldarrooyin isdaba joog ah oo ay kala kulmeen caqiidada iyo rabitaanka dagaalyahannada Jabhadda wax-iska-caabbinta, taliska Sahyuuniyadda wuxuu ajandihiisa ka dhigay dilal qorsheysan oo indho la’aan ah, halganka uu ku doonayo inuu naftiisa ku badbaadiyo,” Raisi ayaa sidaas ku yiri qoraal.

    Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa la filayaa inuu ka doodo duqaynta gelinka dambe ee Talaadada maanta ah oo uu yeelanayo kulan ay codsatay dowladda Ruushka oo xulufo la ah Syria.

    Weerarkan ayaa lagu dilay toddoba ka tirsan Ilaalada Kacaanka, oo ay ku jiraan labo taliye oo ka tirsan qeybta howlgalada shisheeye ee Quds, kuwaas oo kala ah Sareeye Guuto Mohammad Reza Zahedi iyo Sareeye Guuto Mohammad Hadi Haji Rahimi, sida ay sheegeen saraakiisha Iran.

    Safiirka Iran ee Suuriya, Hossein Akbari ayaa u sheegay TV-ga qaranka Iran in weerarka “ay fuliyeen diyaaradaha dagaalka ee F-35” oo lix gantaal ku dhuftay dhismaha.

    Xigasho:-VOA

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    MADAXWEYNAHA OO MAGACAABAY GUDDOOMIYAHA BANGIGA, AGAASIMAHA BANGIGA IYO AGAASIME KU-XIGEENKA BANGIGA.

    March 31, 2026

    Xisaabiyaha Guud Ee Dowlada Puntland oo la magacaabay

    March 31, 2026

    Faallo:-Maxay ka dhigan tahay isku shaandhaynta lagu sameeyay Golaha Wasiirada iyo Guddoomiyayaasha Gobollada?

    March 31, 2026
    Latest Posts

    MADAXWEYNAHA OO MAGACAABAY GUDDOOMIYAHA BANGIGA, AGAASIMAHA BANGIGA IYO AGAASIME KU-XIGEENKA BANGIGA.

    Xisaabiyaha Guud Ee Dowlada Puntland oo la magacaabay

    Faallo:-Maxay ka dhigan tahay isku shaandhaynta lagu sameeyay Golaha Wasiirada iyo Guddoomiyayaasha Gobollada?

    Madaxweyne Deni oo magacaabay Gudoomiyayaasha Gobollada PL qaarkood

    Golaha Wasiirada Puntland oo laysku shaandheeyay

    Beesha caalamka Oo si adag ugu digtay Xasan Shiikh

    Wararkii ugu danbeeyay Ee dagaalka Wadaadada Iran

    BC Oo Xasan ugudbinaysa digniintii ugu danbaysay

    Midowga Afrika Oo ku baaqay in xiisada KG la dajiyo

    Beesha caalamka oo ka digtay dagaal ka dhaca Koonfur Galbeed

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.