Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Wakiilka QM oo gaaray Magaalada Hargeyso (Sawirro)
    Somalia

    Wakiilka QM oo gaaray Magaalada Hargeyso (Sawirro)

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyJuly 28, 2019No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Wakiilka Qaramada Midoobay ee Arrimaha Soomaaliya James Swan oo Sabtidii shalay gaaray Magalada Hargeysa ayaa la filayaa in uu kulamo la yeesho Madaxweynaha Somaliland iyo masโ€™uuliyiinta kale ee Maamulkaas, isaga oo kala hadli doona Arrimo dhowr ah.

    James Swan ayaa markii uu ka degay Hargeysa waxaa uu booqday Xarun Xirfado kala duwan dadka lagu baro oo ay maalgelinteeda iska kaashadeen hayโ€™adda qaxootiga ee UN-ka iyo Machadka Shaqaalaha rayidka Soomaaliland, kaas oo ay taageerayso Barnaamijka Horumarinta Qaramada Midoobay ee (UNDP).

    Sidoo kale Wakiilka Qaramada Midoobay ee Arrimaha Soomaaliya James Swan ayaa la filayaa in saacadaha soo socda uu la kulmo Madaxweynaha Soomaaliland Muuse Biixi Cabdi, sida ay shaaciyeen Wariyeyaal ku sugan Magaalada Hargeysa.

    Kulankooda ayaa sida aan wararka ku helnay waxaa ay uga wada hadli doonaan Arrimaha la xiriira doorashooyinka oo shalay ay heshiis ka gaareen xukuumadda Soomaaliland iyo Madaxda Xisbiyda & wadahadallada Soomaliya iyo Soomaaliland oo mudo hakad ku jira.,

    Waa booqashadii ugu horeysay ee Wakiilka Qaramada Midoobay ee Arrimaha Soomaaliya James Swan uu ku tago Hargeysa tan iyo markii xilkaasi loo Magacaabay, iyada oo Madaxtooyada Soomaaliland oo soo bandhigi jirtay booqashada wufuuda Caalamiga ah aysan weli ka hadlin Safarka James Swan uu ku tegay Hargeysa.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Trump oo Somalida markale ku hor bahdilay caalamka

    November 22, 2025

    Maalgelin $Trillion ah oo Sacuudigu ku maalgashanayaa Maraykanka.

    November 19, 2025

    Saxaafada caalamka oo isku soo subway Puntland

    November 19, 2025
    Latest Posts

    Trump oo Somalida markale ku hor bahdilay caalamka

    Maalgelin $Trillion ah oo Sacuudigu ku maalgashanayaa Maraykanka.

    Saxaafada caalamka oo isku soo subway Puntland

    Warbixin ay soo saartay Jaamacadda AMERICAN UNIVERSITY oo looga hadlay guulaha Ciidamada PL

    Faahfaahin duqaymo lala beegsaday firxadka argagixisada

    Faah-faahin dheeraad ah Miisaaniyadda sanadka 2026 Ee Puntland

    Somaliya oo codkeeda ku biirisay Qasa in la geeyo Ciidan shisheeye

    Palestinian Authority welcomes UN Security Council resolution on Gaza

    ๐—ช๐—ฎ๐—ณ๐˜๐—ถ ๐˜‚๐˜‚ ๐—ต๐—ผ๐—ด๐—ด๐—ฎ๐—ฎ๐—บ๐—ถ๐—ป๐—ฎ๐˜†๐—ผ ๐—ช๐—ฎ๐˜€๐—ถ๐—ถ๐—ฟ ๐—๐˜‚๐˜…๐—ฎ ๐—ผ๐—ผ ๐—ด๐—ฎ๐—ฎ๐—ฟ๐—ฎ๐˜† ๐——๐—ต๐—ฎa๐—ฑ๐—ฎ๐—ฎ๐—ฟ

    Wasaarada Arimaha gudaha oo go’aan ka gaartat khilaafka Golaha Deegaanka

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.