Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»WAR-MURTIYEEDKA SHIRKA DIB-U-HESHIISIINTA SIYAASADEED IYO KAN BULSHEED EE KOONFUR GALBEED SOOMAALIYA.
    Somalia

    WAR-MURTIYEEDKA SHIRKA DIB-U-HESHIISIINTA SIYAASADEED IYO KAN BULSHEED EE KOONFUR GALBEED SOOMAALIYA.

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.February 4, 2023No Comments3 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    BAYDHABO– Shirka wada-tashiga dib-u-heshiisiinta siyaasadeed iyo kan bulsheed ee dowlad goboledka Koonfur Galbeed Soomaaliya oo uu ku baaqey Gudoomiyaha Golaha Shacabka BFS M.ne. Sheekh Adan Maxamed Nuur Madoobe taariikhdu marka ahayd 19kii bisha November 2022, si lamid sidaas oo kale uu soo dhaweeyeen Madaxweynaha DKGS 20 November 2022 iyo siyaasiyiinta ku midoobey dalladaha kala ah; Midowga Musharixiinta, Madasha samata bixinta iyo Golaha Badbaadada KGS.

    Ka dib, Guddomiyaha Golaha Shacabka BFS ayaa soo Magacaabay isaga oo la tashaday Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Dr. Xasan Sheekh Maxamuud, guddi farsamo oo ka kooban toddobo (7) xubnood oo ah guddiga farsamada ee arrimaha dib-u-heshisiinta Koonfur Galbeed Soomaaliya.

    Madaxweynaha JFS Dr. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si rasmi ah u furay shirka Dib-u-heshisiinta Koonfur Galbeed Soomaaliya taariikhda marka aheyd 17 Janaayo 2023, shirkaas oo ay ka soo qeyb galeen Gudoomiyaha Golaha Shacabka M.ne. Sheekh Adan Maxamed Nuur Madoobe, Madaxweynaha DKGS M.ne Cabdicasiis Xasan Maxamed (laftagreen), iyo siyaasiyiinta ku midoobey dalladaha; Midowga Musharixiinta, Madasha Samata-bixinta KGS iyo mas’uuliyiin kala duwan ee labada heer ee Federaalka, Odoyaasha dhaqanka iyo Bulshada Rayidka ah.

    GUDDOMIYAHA GUDDIGA DIBU-HESHIISIINTA

    Markuu Arkay: Qodobka 61aad Farqadda 2aad Dastuurka KMG ah ee JFS iyo Qoboka 142 aad Farqadda 2aad ee Dastuurka KMG;

    Markuu Arkay: Qodobka 4aad ee War-murtiyeedka shirka dib-u-heshisiinta oo ka qabsoomay magaaladda Baydhabo 17, Diseember 2022 oo tilmaamayo in Guddoomiyaha Golaha Shacabka uu soo magacaabo Guddiga Farsamadda;

    Markuu Arkay: Qodobka 3aad farqadda 5aad ee Dastuurka DKGS;

    Markuu Arkay: Qodobka 37aad farqadda 1aad Go’aanka Golaha Wakiiladda Koonfur Galbeed Soomaaliya in ay tahay hay’ada ugu sarreysa ee sharci dajinta Dowladda Koonfur Galbeed;

    Markuu Dhageystay: Talo soo jeedinta odoyaasha dhaqanka KGS oo ah marjica marka ay la soo gudboonaato xaalad Goloyaashada Dowladda si waafaqsan Qodobka 60aad Xarafka (C) ee Dastuurka KGS, xukuumada Koonfur Galbeed Soomaaliya, iyo siyaasiyiinta ku middobey dalladaha; Midowga Musharixiinta, Madasha Samata-bixinta Koonfur Galbeed Soomaaliya iyo Bulshada Rayidka.

    Markuu Arkay: Dhamaan Nuquladda ay soo wada Gudbiyeen Golaha Wakiiladda nuqulka 1aad ee soo baxay 18ka Abriil 2020 iyo Nuqulka 2aad Tix: GW-DGKGS/XG-09/2020 kuna taariikhsan 20ka Abriil 2020 oo labaduba ku saabsan: wax kabadalka Dastuurka Koonfur Galbeed Soomaaliya Qodobka 50aad kaas oo lagu daray Farqro 3aad;

    Marka uu Tixgaliyey Nuqulka go’aan ay soo gudbiyeen oo ay xukumadda DKGS Shirka Dib-u-heshisiinta, kuna taariikhsan 01st Febraayo 2023, iyo kan dalladaha ku midoobey; Midowga Musharixiinta iyo Madasha samata bixinta Koonfur Galbeed Soomaaliya oo isna ku taariikhsan 2 Febraayo 2023;

    Markuu Arkay: Ismaandhaafka Siyaasaddeed ee ka jiro KGS uu caqabad ku yahay dhamaan horumarada laga sameyn lahaa la dagaalanka kooxda khawaarijta al- Shabaab iyo Horumarinta Koonfur Galbeed Soomaaliya;

    Waxaa uu gudoomay guddoomiyaha guddiga dibu-heshiisiinta ahna Gudoomiyaha Golaha Shacabka si waafaqsan Qodobka 61aad Farqadda 2aad Dastuurka KMG ah ee JFS iyo Qodobka 142 aad Farqadda 2aad ee Dastuurka KMG, sidoo kalena isaga oo tixgalinaya Qodobka 37aad Farqadda 1aad ee Dastuurka KG.

    Qobkobka 1aad

    Gudoomiyaha Golaha Shacabka marka uu xaqiijiyey arrimaha siyaasadeed iyo mida bulsheed ee dooda ka taagneyd, wadatashi dheer kadib waxaa la go’aamiyey:

    In ay odayaasha dhaqanka beelaha dowlad goboleedka Koonfur Galbeed ay soo xulaan mudada u dhaxeysa bisha Novembar 2023-ka ilaa bisha Decembar 2023 xubnaha Golaha Wakiiladda ee Baarlamaanka KGS iyaga oo la tashanaya beelahooda si waaqsan Qodobka 37aad farqadda 3aad Dastuurka KG.

    In doorashada guddoonka golaha wakiilada Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya iyo doorashada madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Somaaliya la qabto inta lagu guda jiro bisha Janaayo 2024.

    Qobkobka 2aad

    Dhammaan guddoomiyaha guddiga dibu-heshiisiinta, Madaxweynaha Dolwad Goboleedka Koonfur Galbeed, siyaasiyiinta ku midoobey dalladaha; Midowga Musharixiinta iyo Madasha Samata-bixinta Koonfur Galbeed Soomaaliya waxa ay isku raaceen in Wasaarada Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dibu-heshiisiinta ay dhaqan galineyso Heshiiska qodobada kor ku xusan.

    Wabilaahi Towfiiq.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Khilaafkii Ceelka Qabooley Ee Gobolka Mudug oo lasoo afjaray

    September 27, 2025

    Ku dhawaad Labaateenayo Xubno argagixisada ah oo lagu laayay Calmiskaad

    September 27, 2025

    Muxuu ku salaysan yahay socdaalka Madaxweyne Deni Ee Nayrobi?

    September 27, 2025
    Latest Posts

    Puntland Army killed more than 15 Terrorists Militant last two days

    Khilaafkii Ceelka Qabooley Ee Gobolka Mudug oo lasoo afjaray

    Ku dhawaad Labaateenayo Xubno argagixisada ah oo lagu laayay Calmiskaad

    Muxuu ku salaysan yahay socdaalka Madaxweyne Deni Ee Nayrobi?

    Banaanbixii Muqdisho Ee Sabtida oo la baajiyay

    Ciidamada PL oo Ceelal hor leh ka sifeeyay argagixisada

    Trump oo markale ilhaameeyay Xasan Shiikh

    Faallo:-Dabka uga shidmay Xamar Xasan halkee la aadi doonaa?

    Wax badan ka ogow tagida Xasan Shiikh Ee Kismaayo

    Jubaland oo garab istaagtay mucaaradka Muqdisho.

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.