Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Waraabe Walamsade.WQ.Gobaad Cumar Guuleed
    Somalia

    Waraabe Walamsade.WQ.Gobaad Cumar Guuleed

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyFebruary 14, 2017Updated:February 14, 2017No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Waraabe Walamsade

    Waxaa gosha Waamo ku noolaa waraabe la magacbaxay “Wax-ma-hambeeye”. Waaguu dhallinta yaraa ayuu iska dareemey in uu awood iyo karti gaar ah leeyahay. In uu xawayaanka kale indhasarcaadin karo oo been u sheegi karo.

    Kolkuu soo yara koray oo xoog yeeshey ayuu kob duurjoogtii kale biyo iyo baad la’aan uga wada yaacday malcamad ka furtay. Halkii ayuu ka billaabay in uu dhallaan xayn ah quraan-dhurwaa u dhigo oo ka dhaadhiciyo in isagu yahay qofkuu Waaq doortay taladana u dhiibtey. Hantidii madrasadu lahayd, xoolihii waalidka carruurta dhalay, agoonta dhaxalkeedii dhammaan afka ayuu u dhigtey – oo waa dhurwaaye, waxba ma deeqaan. Hankiisii sii durug, wuxuu ku dhawaaqay oo furtay urur magaciisa la yidhaahdo “Weedha Waraabaha” oo kolka la soo gaabiyo loo yaqaan “WeeWar”. Halkudheggiisu: “WeeWar waa ururka duurjoogta waddaniga ah. Waa waadi iyo webi-u-jeexaha duurjoogta. Waa biyo iyo baad siiyaha duurjoogta. Waa doojiyaha duurjoogta. Waa harraad bi’iyaha duurjoogta.”

    Wuxuu xilligu sii durkaba, waxay indhasarcaadintiisu sii socotaba, waxaa timid oo la soo gaadhay waqti durjoogtu hoggaamiye iska dhex xuli lahayd oo dooran lahayd. Wax-ma-hambeeye wuxuu iskula faqay in uu fursaddaa ka faa’ideeysto oo xilka isu soo taago. Halkii ayuu tartankii ka qaybgalay.

    Wuxuu Wax-ma-hambeeye kolkiiba qaatay oo garabka surtay gal rifmey oo kitaabkii dhurwaayada ku dhex jiro iyo durbaan. Halkii buu abaabul iyo olole, wacyigelin iyo farriin gudbin galay, si isaga loo doorto. Ugu dambeeyntii ku guulaysay oo guddoomiyennimadii loo dooray. Wixii WeeWar taabacsanaa ayaa soo garab istaagay oo hiil u noqday.

    Kursiga hoggaanka goortuu ku fadhiistey, Wax-ma-hambeeye wuxuu la yimid werdi ay xeeladi daba taal, oo duurjoogtii intuu kun wadiiqo kala baxay ayuu fekreddii ahayd “qaybi oo xukun” la dhexgalay. Biyahoodii, baadkoodii, baradoodii, buurahoodii iyo bacaadkoodii buu boqollaal shilin siistey. Dukun daakun ayuu dhulkii ka dhigey. Xoolihii warmo iyo fallaadho ayuu isugu dhiibey oo ay isku laayeen.

    Xilligiisii goortuu dhammaaday ayaa Wax-ma-hambeeye damcay in uu mar kale hoggaaminta duurjoogta isu taago, xoolihii baase codsigiisii diidey oo ku gacmasaydhay.

    Wax-ma-hambeeye, Waraabe Walamsade, afar sano iyo afar bilood duurjoogtii uu ku-amar-kutaagleeynayay, boobayay, beenta u sheegayay ayaa barqo cad bannaanka u tuurtay.

    Waa tii hore loo yidhi: “Booli qaran ruuxna kuma badhaadho oo kuma badbaado”.

    Gobaad Cumar Guuleed

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Jubaland oo garab istaagtay mucaaradka Muqdisho.

    September 24, 2025

    Xasan Shiikh oo dabin siyaasadeed ugu dhacay Mucaaradka Xamar

    September 24, 2025

    Jen.Qalyare oo Aas qaran loogu sameeyay Garowe

    September 24, 2025
    Latest Posts

    Jubaland oo garab istaagtay mucaaradka Muqdisho.

    Xasan Shiikh oo dabin siyaasadeed ugu dhacay Mucaaradka Xamar

    Jen.Qalyare oo Aas qaran loogu sameeyay Garowe

    Xog:-Maxaa kala socotaa mashruuca horumarinta Ee New Muqdisho?

    Xasan Shiikh oo baadigoob ugu jira isla sawirka Trump

    Markab sida 150-Kunteenar oo kusoo xirtay Bosaso

    Faallo:-Puntland oo Wayday Geesi Qaran

    Jeneral Qalyare oo qarax Miino ku Geeriyooday

    Xoghayaha Dowlada Hoose Ee Galkacyo oo la magacaabay

    Waynaynta Maalinta Nabada oo Puntland laga….

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.