Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Wararkii udanbeeyay dagaalka udhaxeeya Israa’iliyiinta iyo Falastiniiyiinta
    Somalia

    Wararkii udanbeeyay dagaalka udhaxeeya Israa’iliyiinta iyo Falastiniiyiinta

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.October 7, 2023No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Ciidamada Israa’iil ayaa sheegay in ay la dagaalamayaan mintidiin kaga yimid Gaza oo Sabtida maanta ah Israa’iil ka weeraray dhinacyada dhulka, badda iyo cirka, iyagoo adeegsanaya gantaalo fara badan oo ay ka soo gameen Gaza.

    Afhayeenka ciidamada Israa’iil Richard Hecht ayaa u sheegay suxufiyiinta in mintidiin Falastiiniyiin ah ay bilaabeen ‘dagaal’ kaasi oo isugu jiray dhinacyo kala duwan.

    Ra’iisul wasaare Benjamin Netanyahu ayaa sheegay ‘waxaan ku jirnaa dagaal’ isaga oo wacad ku maray in uu aargoosan doono ka dib markii uu amray abaabul ballaaran oo lagu soo daabulo ciidamada keydka ah ee Israa’iil.

    Rabshadaha u dhexeeya Israa’iil iyo Falastiiniyiinta ayaa sii kordhayay tan iyo horraantii sannadkii hore, iyadoo tirada dadka ku dhintay Daanta Galbeed ee dhulka la haysto ay gaartay heer aan muddo sanada ah la arag.

    “Waxa aan go’aansannay inaan soo afjarno dhammaan danbiyada uu gaystay gumeysigu (Israa’iil). Waqtigoodii ay weerrarada gaysan jireen iyadoo aan lala xisaabtamin waa uu dhammaaday,” ayaa lagu yiri war ay baahiyeen Ezzedine al-Qassam, oo ah garabka hubeysan ee ururka Xamas ee ka taliya marinka Gaza.

    Kooxda ayaa sheegtay in howlgalkan oo ay ugu magac dareen ‘Daadka Al-Aqsa’ ay adeegsadeen wax ka badan 5 kun oo gantaal oo ay ku weerareen Israa’iil.

    Ciidamada Israa’iil ayaa sheegay in ay mintidiin Falastiiniyiin ah kula dagaalamaayn dhowr ah aag oo ku dhow Marinka. Waxa ay dhankooda howlgalka ugu magac dareen ‘Seefaha Birta ah’.

    Saraakiisha ayaa sheegay in ugu yaraan laba qof lagu dilay gudaha Israa’iil.

    Xamas ayaa mar danbe baahisay muuqaal muujinaya dagaallamayaasheeda oo saddex nin qabanaya.

    https://twitter.com/PalHighlight/status/1710538248328532457?t=c8x_kvbnZKSjixXLA04U8w&s=19

    Ka soo gudbista kooxaha hubeysan ee ka imanaya Gaza, oo ah magaalo sabool ah oo ay ku nool yihiin 2.3 milyan oo qof, ayaa ahayd mid adag tan iyo markii Xamas ay la wareegtay maamulka magaalada 2007-dii, taasi oo keentay in Israa’iil ay go’doomiso. Israa’iil ayaa Gaza go’doomisay iyadoo ciidan xooganna halkaasi dhigtay.

    Gantaallada laga soo tuuray Gaza oo uu afhayeenka ciidamada Israa’iil ku sheegay ugu yaraan 2,200 ayaa baabuur ku gubay magaalada Ashkelon ee Israa’iil, oo qiyaastii 10 kiiloomitir dhinaca waqooyi ka xigta Gaza.

    AFP

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    MADAXWEYNAHA OO MAGACAABAY GUDDOOMIYAHA BANGIGA, AGAASIMAHA BANGIGA IYO AGAASIME KU-XIGEENKA BANGIGA.

    March 31, 2026

    Xisaabiyaha Guud Ee Dowlada Puntland oo la magacaabay

    March 31, 2026

    Faallo:-Maxay ka dhigan tahay isku shaandhaynta lagu sameeyay Golaha Wasiirada iyo Guddoomiyayaasha Gobollada?

    March 31, 2026
    Latest Posts

    MADAXWEYNAHA OO MAGACAABAY GUDDOOMIYAHA BANGIGA, AGAASIMAHA BANGIGA IYO AGAASIME KU-XIGEENKA BANGIGA.

    Xisaabiyaha Guud Ee Dowlada Puntland oo la magacaabay

    Faallo:-Maxay ka dhigan tahay isku shaandhaynta lagu sameeyay Golaha Wasiirada iyo Guddoomiyayaasha Gobollada?

    Madaxweyne Deni oo magacaabay Gudoomiyayaasha Gobollada PL qaarkood

    Golaha Wasiirada Puntland oo laysku shaandheeyay

    Beesha caalamka Oo si adag ugu digtay Xasan Shiikh

    Wararkii ugu danbeeyay Ee dagaalka Wadaadada Iran

    BC Oo Xasan ugudbinaysa digniintii ugu danbaysay

    Midowga Afrika Oo ku baaqay in xiisada KG la dajiyo

    Beesha caalamka oo ka digtay dagaal ka dhaca Koonfur Galbeed

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.