Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Wararkii udanbeeyay weerarkii ka dhacay Moscow?
    Somalia

    Wararkii udanbeeyay weerarkii ka dhacay Moscow?

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.March 25, 2024No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Aqalka looga arrimiyo Ruushka ee Kremlinka ayaa sheegay inuusan jawaab ka bixineyn sheegashada kooxda Daacish ee ah inay ka dambeysay weerarkii dadka badan lagu laayey ee lagu qaaday hool ku yaalla Moscow.

    Ugu yaraan 137 qof ayaa la dilay kadib markii rag hubeysan oo xiran dharka militariga ay gudaha u galeen hoolka Crocus City, iyagoo toogtay dad daawanayay bandhig faneedka, ka hor inta aysan gubin dhismaha.

    Daacish ayaa dhowr jeer tan iyo Jimcihii sheegatay in ay weerarka fuliyeen, waxaana warbaahinta xiriirka la leh Daacish ay baahiyeen muuqaallo ay ka duubeen raggii hubeysnaa oo gudaha goobta ku tooganaya dad daawanayay bandhig faneedka.

    Hase yeeshee, madaxweyne Vladimir Putin ayaa tilmaamay in weerarka uu xiriir kala dhaxeyn karo Ukrane, isaga oo sheegay in afarta eedeysane la xiray xilli ay ku wajahnaayeen dalkaas.

    Kremlin-ka ayaa sheegay in baaritaanka weerarka uu weli socdo.
    “Baaritaanku wuu socdaa. Ma jiro weli wax la isku raacsan yahay.

    Waxaan ka hadlaynaa oo kaliya xog horudhac ah,” waxaa sidaas weriyayaasha u sheegay afhayeenka Kremlin-ka Dmitry Peskov.

    Peskov ayaa intaas ku daray in madaxweyne Vladimir Putin uusan qorsheyneyn inuu booqdo goobta weerarka uu ka dhacay.

    Ruushka ayaa amray in afarta qof ee ku eedeysan weerarka xabsiga loogu sii hayo “argagixisanimo.”

    Weerarka oo illaa hadda la xaqiijiyey inay ku dhinteen 137 qof, ayaa la filayaa in dhimashada ay intaas kasii badato, ayada oo in ka badan 100 qof ay weli isbitaalka ku jiraan.

    Ragga loo qabtay weerarka ayaa wajahaya xabsi daa’in, inkasta oo saraakiisha Ruushka ay dalbadeen in la qaado hakinta lagu sameeyey dilka toogaso, si xukun adag loogu rido.

    Hoolka weerarka lagu qaaday ee Crocus City Hall ayaa waxaa ku sugnaa 5,000 oo qof, sida ay ku warrantay warbaahinta Ruushka oo soo xiganeysa afhayeenka milkiilaha hoolka.

    Wuxuu ahaa weerarkii ugu dhimashada badnaa ee lagu qaado Ruushka muddo ka badan 20 sano, iyo kii ugu dhimashada badnaa Yurub ee ay sheegato kooxda Daacish.

    Ruushka ayaa Sabtidii sheegay inay xireen 11 qof oo lala xiriirinayo weerarka. Weli wax xog ah lagama hayo toddobada kale.

    Afarta qof ee illaa hadda la shaaciyey ayaa dhammaantood ah muwadiniin u dhashay dalka Tajikistan, sida ay sheegtay warbaahinta Ruushka.

    Xigasho:-VOA.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Faallo:-Muxuu ka dhigan yahay Warsaxaafadeedka ay soo wada saareen PL iyo JL?

    June 26, 2025

    Wadaxaajoodkii Madaxweynayaasha JL iyo PL oo laga soo saaray Warmurtiyeed

    June 26, 2025

    Hogaamiyayaasha Nato oo aqbalay dalabkii Mw Trump

    June 25, 2025
    Latest Posts

    Faallo:-Muxuu ka dhigan yahay Warsaxaafadeedka ay soo wada saareen PL iyo JL?

    Wadaxaajoodkii Madaxweynayaasha JL iyo PL oo laga soo saaray Warmurtiyeed

    Hogaamiyayaasha Nato oo aqbalay dalabkii Mw Trump

    Banaanbaxyo looga soo horjeedo Dowlada oo ka socda Kenya

    Mucaaradka Muqdisho iyo Xasan Shiikh oo kulmah

    Ugu danbayn Xabad joojin Maraykanku amray,ayay Israa’iil iyo Iran wada qaateen

    Faallo:-Socdaalka Madaxweyne Axmed Madoobe Ee Garowe

    Iran oo Gantaalo ku weerartay Saldhiga Maraykanka Ee Qatar

    What we know about Iran’s attack on US base in Qatar

    Axmed Madoobe iyo weftigiisii oo gaaray Garowe ugu danbayn

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.