Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Wararkii ugu dambeeyay ee dagaal ka socda duleedka Boosaaso
    Somalia

    Wararkii ugu dambeeyay ee dagaal ka socda duleedka Boosaaso

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyNovember 13, 2019Updated:November 13, 2019No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Ciidanka amniga Dowladda Puntland ayaa howlgallo culus ka wada duleedka Magaalada Boosaaso ee xarunta ganacsiga Puntland, kaddib markii Kantaroolka Boosaaso ay saaka weerareen maleeshiyo beeleed.

    Maleeshiyaadka weeraray Kantaroolka Magaalada Boosaaso ayaa ka kicintimay Degmada Carmo, iyagoona isku dayay inay si xoog ah ula wareegaan Kantarool, waxaana ay iska cabin kala kulmeen Ciidanka Ilaalada Kantarool, iyadoona markii dambe ay gaareen goobta Ciidanka Daraawiish-ta Dowladda Puntland.

    Wararka ayaa sheegaya in dagaal u dhexeeya Ciidanka amniga Puntland iyo Maleeshiyo Beeleed uu ka socdo Duleedka Magaalada, waxaana jira khasaare Dhimasho iyo Dhaawac.

    Saraakiisha ammaanka oo la hadlay Idil News, ayaa sheegay in Maleeshiyo beeleedkan ay ku dhex-jiraan xubno katirsan Kooxda Daacish eek u dhuumaleysanaysa Buuraha Gobalka Bari iyo Rag ku eedeysan falal burcad badeednimo oo ay raadinayaan Dalalka Caalamka.

    Sidoo kale, Saraakiisha ammaanka ayaa inoo xaqiijiyay inuu howlgalku haatan socdo ayna rajeynayaan inay saacadaha soo socda soo afjaraan, waxaana ay tibaaxeen inay goor-dhow la hadli doonaan Saxaafadda.

    Dhanka kale, Ilo-wareedyo la hadlay Shabakadda Idil News, ayaa sheegay in Maleeshiyaadka weeraray kantaroolka ay dabada ka riixayaan Kooxihii lahaa shirkadda PDG oo Logistics u qaabilsan ciidamada Badda Puntland ee PMP, taas oo dhawaan laga qaaday Mashruucan, kaddib khilaaf soo kala dhex-galay Shirkadda iyo Saraakiisha Dowladda Imaaraadka ee gacanta ku haya Ciidanka.

    Wixii Kasoo Kordha Kala Soco Idil News.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Israel oo dishay hogaamiyihii dadbanaa Ee Iran

    March 18, 2026

    Xasan Shiikh oo ku fashilmay inqilaabkii Laftagareen uu la damcay?

    March 18, 2026

    Maxay ka dhigan tahay tagida Baydhabo Ee Mw Laftagareen?

    March 18, 2026
    Latest Posts

    Israel oo dishay hogaamiyihii dadbanaa Ee Iran

    Xasan Shiikh oo ku fashilmay inqilaabkii Laftagareen uu la damcay?

    Maxay ka dhigan tahay tagida Baydhabo Ee Mw Laftagareen?

    Maxay ka dhigan tahay xiriir ujarida KG Ee DFS?

    Weerarada Gantaalada iyo Drons-ka Ee Iran ka imaanaya oo hoos usii dhacaya

    Faallo:-Doorka Putin ee dagaalka Galbeedka Aasiya Maraykanka/Israa’iil iyo Iran?.

    Hoos udhac weyn oo ku dhacay Maraakiibta ka gudabaya Marinka Hormos

    Faallo:-Garaacista Jasiirada Hoyga u ah Saliida Iran

    Xamaas oo kaga hor timid Iran weerarada Wadamada Khaliijka

    Difaaca Cirka Imaaraadka Carabta oo fashiliyay weeraro ka yimid Iran

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.