Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Wararkii ugu dambeeyay ee dhul-gariirka ku dhuftay Turkiga (VIDEO)
    Somalia

    Wararkii ugu dambeeyay ee dhul-gariirka ku dhuftay Turkiga (VIDEO)

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyJanuary 25, 2020No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Tirada dadka ku dhintay dhul gariir xoog leh oo ku dhuftay bariga dalka Turkey ayaa gaartay 21 qof iyadoo kun qof oo kale ay ku dhaawacmeen sida ay saraakiisha gurmadku ku warramayaan.

    Shaqaalaha gurmadka ayaa wada baaritaanka 30 qof oo lagu waayay burburka dhismayaasha dumay hoostooda ee gobolka Elazing iyo gobolka deriska la ah ee Malatya, sida uu sheegay wasiirka caafimaadka Turkey-ga Fahrettin Koca. Waxa uu ka digay in tirada dhimashadu ay sii kordhi karto.

    Shaqaalaha gurmadka iyo ciidamada ammaanka ayaa dadka u qeybiyay teendhooyin, sariiro iyo bustayaal iyadoo heerkulka habeenkii uu yahay mid aad u qabow dhulka ay dhibaatadu saameysay.

    Masaajidada, iskuullada, garonnada lagu cayaaro iyo guryaha ay ardaydu ku nool yihiin ayaa loo furay boqolaal qof oo ah dadka ka soo cararay guryahooda ka dib markii dhul gariirku dhacay.

    “Dhul gariirku waxa uu ahaa mid aad u culus, waxaanna si quus ah uga cararnay guryaheenna,” ayuu Emre Gocer oo ah dadka deegaanka dhul gariirku ka dhacay u sheegay wakaaladda wararka dowladda u faafisa ee Anadolu.

    Dhul gariirku oo dhacay abaaro 9-kii fiidnimo ee xalay waqtiga Turkey ayaa kooxaha qiimeeya dhulgariirradu waxay ku qiyaaseen 6.5 ilaa 6.6 ee cabbirka magnitude ee lagu cabbiro dhul gariirada.

    Xigasho: VOA

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Israel oo dishay hogaamiyihii dadbanaa Ee Iran

    March 18, 2026

    Xasan Shiikh oo ku fashilmay inqilaabkii Laftagareen uu la damcay?

    March 18, 2026

    Maxay ka dhigan tahay tagida Baydhabo Ee Mw Laftagareen?

    March 18, 2026
    Latest Posts

    Israel oo dishay hogaamiyihii dadbanaa Ee Iran

    Xasan Shiikh oo ku fashilmay inqilaabkii Laftagareen uu la damcay?

    Maxay ka dhigan tahay tagida Baydhabo Ee Mw Laftagareen?

    Maxay ka dhigan tahay xiriir ujarida KG Ee DFS?

    Weerarada Gantaalada iyo Drons-ka Ee Iran ka imaanaya oo hoos usii dhacaya

    Faallo:-Doorka Putin ee dagaalka Galbeedka Aasiya Maraykanka/Israa’iil iyo Iran?.

    Hoos udhac weyn oo ku dhacay Maraakiibta ka gudabaya Marinka Hormos

    Faallo:-Garaacista Jasiirada Hoyga u ah Saliida Iran

    Xamaas oo kaga hor timid Iran weerarada Wadamada Khaliijka

    Difaaca Cirka Imaaraadka Carabta oo fashiliyay weeraro ka yimid Iran

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.