Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Wararkii ugu dambeeyay ee dilal xalay ka dhacay Degmada AFGOOYE
    Somalia

    Wararkii ugu dambeeyay ee dilal xalay ka dhacay Degmada AFGOOYE

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyNovember 19, 2019No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Askari katirsan Ciidanka Dowladda ayaa ku dilay Degmada Afgooye ee Gobalka Shabellaha Hoose, Isku-duwihii Wasaaradda Maaliyadda Maamulka Koonfur Galbeed oo lagu Magacaabi jiray Nuur Faarax Nuur oo caan ku ah magaca Nuur Xawaad.

    Dilka Askarigu u geystay Isku-duwihii Wasaaradda Maaliyadda Koonfur Galbeed ee Degmada Afgooye Nuur Xawaad, ayaa la sheegay inay timid kaddib markii uu soo kala dhex-galay khilaaf la xiriira Canshuurta laga qaado Koontoroolka Baar Ismaaciil,sida uu sheegay mas’uul dhinaca Amniga ah.

    Wararka ayaa sheegaya in Askarigii dilka geystay gacanta lagu dhigey xilli uu isku dayayay in uu Goobta ka baxsado, waxaana haatan degan xaalada Degmada Afgooye.

    Dilka loo geystay Isku-duwihii Wasaaradda Maaliyadda Koonfur Galbeed ee Degmada Afgooye ayaa ahaa kii labaad oo xalay ka dhacay Degmada Afgooye ee Gobalka Sh/Hoose, waxaana sidoo kale lagu dilay Nin lagu Magacaabi jiray Cali Maxamed Dhuun kaas oo la sheegay in uu kamid ahaa Ergadii soo dooratay Xildhibaannada Koonfur Galbeed.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Israel oo dishay hogaamiyihii dadbanaa Ee Iran

    March 18, 2026

    Xasan Shiikh oo ku fashilmay inqilaabkii Laftagareen uu la damcay?

    March 18, 2026

    Maxay ka dhigan tahay tagida Baydhabo Ee Mw Laftagareen?

    March 18, 2026
    Latest Posts

    Israel oo dishay hogaamiyihii dadbanaa Ee Iran

    Xasan Shiikh oo ku fashilmay inqilaabkii Laftagareen uu la damcay?

    Maxay ka dhigan tahay tagida Baydhabo Ee Mw Laftagareen?

    Maxay ka dhigan tahay xiriir ujarida KG Ee DFS?

    Weerarada Gantaalada iyo Drons-ka Ee Iran ka imaanaya oo hoos usii dhacaya

    Faallo:-Doorka Putin ee dagaalka Galbeedka Aasiya Maraykanka/Israa’iil iyo Iran?.

    Hoos udhac weyn oo ku dhacay Maraakiibta ka gudabaya Marinka Hormos

    Faallo:-Garaacista Jasiirada Hoyga u ah Saliida Iran

    Xamaas oo kaga hor timid Iran weerarada Wadamada Khaliijka

    Difaaca Cirka Imaaraadka Carabta oo fashiliyay weeraro ka yimid Iran

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.