Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Wararkii ugu dambeeyay ee howlgallo saaka ka socda Gaalkacyo
    Somalia

    Wararkii ugu dambeeyay ee howlgallo saaka ka socda Gaalkacyo

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyOctober 19, 2019Updated:October 19, 2019No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Ciidanka ammaanka Dowladda Puntland ayaa saaka howlgallo balaaran ka wada Magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobalka Mudug, kaddib markii xalay lagu dilay Magaalada AUN Xasan Cabdille Hiraabe oo ahaa Taliyihii Last amazed Wasaaradda Maaliyadda Puntland ee Gobalka Mudug.

    Dilka Masuulkan ayaa waxaa ka dambeeyay Koox hubeysan oo aan heybtooda la garaneyn, iyagoona ka baxsaday Goobta dilku uu ka dhacay.

    Ciidanka Amniga ayaa howlgalkooda ka wada inta badan xaafadaha Magaalada, waxaana ay beegsanayaan goobo gaar ah oo tuhun uu galay, sida ay inoo sheegeen ilo xog-ogaal ah.

    Ma jirto illaa hada wax war ah oo kasoo baxay Maamulka Gobalka Mudug iyo Hay’adaha ammaanka, kuwaas oo ku aadan dilkii xalay ka dhacay Magaalada iyo howlgalada saaka ka socda Gaalkacyo.

    Xasan Cabdille Hiraabe ayaa horey u soo noqday xubin katirsan golaha degaanka ee Magaalada Gaalkacyo iyo ku-xigeenka Duqa Magaalada, waxaana hadda uu ahaa Taliyaha Kastamyada Canshuuraha ee Wasaaradda Maaliyada Puntland ee gobolka Mudug.

    Wixii kasoo kordha kala soco Idil News

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Israel oo dishay hogaamiyihii dadbanaa Ee Iran

    March 18, 2026

    Xasan Shiikh oo ku fashilmay inqilaabkii Laftagareen uu la damcay?

    March 18, 2026

    Maxay ka dhigan tahay tagida Baydhabo Ee Mw Laftagareen?

    March 18, 2026
    Latest Posts

    Israel oo dishay hogaamiyihii dadbanaa Ee Iran

    Xasan Shiikh oo ku fashilmay inqilaabkii Laftagareen uu la damcay?

    Maxay ka dhigan tahay tagida Baydhabo Ee Mw Laftagareen?

    Maxay ka dhigan tahay xiriir ujarida KG Ee DFS?

    Weerarada Gantaalada iyo Drons-ka Ee Iran ka imaanaya oo hoos usii dhacaya

    Faallo:-Doorka Putin ee dagaalka Galbeedka Aasiya Maraykanka/Israa’iil iyo Iran?.

    Hoos udhac weyn oo ku dhacay Maraakiibta ka gudabaya Marinka Hormos

    Faallo:-Garaacista Jasiirada Hoyga u ah Saliida Iran

    Xamaas oo kaga hor timid Iran weerarada Wadamada Khaliijka

    Difaaca Cirka Imaaraadka Carabta oo fashiliyay weeraro ka yimid Iran

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.