Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Wararkii ugu dambeeyay ee xaalada Magaalada Hargeyso oo maanta kacsan+Sawirro
    Somalia

    Wararkii ugu dambeeyay ee xaalada Magaalada Hargeyso oo maanta kacsan+Sawirro

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyNovember 18, 2019Updated:November 18, 2019No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Xiisad ayaa saaka ka taagan Magaalada Hargeysa ee xarunta Maamulka Somaliland, taas oo ka dhalatay Banaan-baxyo ay wadaan taageerayaasha Xisbiga mucaaradka ah ee Waddani.

    Wararka ayaa sheegaya in uu isku dhac dhex-maray Ciidanka Booliska Somaliland oo hareereyay xarunta Xisbiga Waddani iyo Taageerayaasha Xisbiga, iyadoona uu jiro khasaare ka dhashay isku dhacaas.

    Wararka ayaa intaas ku daraya in Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ee WADDANI C/raxmaan Cirro, uu si xoog ah ku galay Xarunta Xisbiga oo ay Ciidamo hareeyeen.

    Ciidanka Booliska Somaliland ayaa la sheegay inay rasaas ku fureen taageerayaa sha Xisbiga, oo damcay inay xoog ku galaan xarunta WADDANI kaddib markii uu gaaray Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ee WADANI ee C/raxmaan Cirro, waxaana ku dhaawacmay hal qof .

    Xaalada Magaalada Hargeyso ayaa maanta ka duwan maalmihii lasoo dhaafay, ka gadaal markii Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ee WADANI ee C/raxmaan Cirro, uu ugu baaqay Taageerayaashiisa banaan-bax ka dhan ah Guddiga Doorashooyinka ee uu magacaabay Madaxweyne Muuse Biixi oo muran badan uu ka dhashay.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Israel oo dishay hogaamiyihii dadbanaa Ee Iran

    March 18, 2026

    Xasan Shiikh oo ku fashilmay inqilaabkii Laftagareen uu la damcay?

    March 18, 2026

    Maxay ka dhigan tahay tagida Baydhabo Ee Mw Laftagareen?

    March 18, 2026
    Latest Posts

    Israel oo dishay hogaamiyihii dadbanaa Ee Iran

    Xasan Shiikh oo ku fashilmay inqilaabkii Laftagareen uu la damcay?

    Maxay ka dhigan tahay tagida Baydhabo Ee Mw Laftagareen?

    Maxay ka dhigan tahay xiriir ujarida KG Ee DFS?

    Weerarada Gantaalada iyo Drons-ka Ee Iran ka imaanaya oo hoos usii dhacaya

    Faallo:-Doorka Putin ee dagaalka Galbeedka Aasiya Maraykanka/Israa’iil iyo Iran?.

    Hoos udhac weyn oo ku dhacay Maraakiibta ka gudabaya Marinka Hormos

    Faallo:-Garaacista Jasiirada Hoyga u ah Saliida Iran

    Xamaas oo kaga hor timid Iran weerarada Wadamada Khaliijka

    Difaaca Cirka Imaaraadka Carabta oo fashiliyay weeraro ka yimid Iran

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.