Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Wararkii ugu danbeeyay dagaalka Iran iyo Israa’iil?
    Somalia

    Wararkii ugu danbeeyay dagaalka Iran iyo Israa’iil?

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.June 17, 2025No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Iran,waxay ku weerartay in ka badan 370- Gantaal iyo 100- Drons Israa’iil,waxayna muujiday isdifaacid xoog le,iyadoo cidna aysan garab siinayn.

    Bartilmaameedkeedu,waa Magaalooyiinka ay ka mid yihiin….

    1.Talaabiib oo ah Xaruntii Maamulka.
    2.Xayfa oo ah 30% wax dhoofinta Israa’iil halka ay ka dhoofaan.

    Dhismayaal door ah ayay Iran khasaare baaxad leh ka gaarsiisay Israa’iil,kuwaasoo ay ku jiraan Warsahadii sifaynta.

    Nidaamka difaac Israa’iil 90% ,waa shaqeeyay,waxaase daba maray 10% Gantaalo gaaraya ,waana kuwa khasaaraha sameeyay.

    Dhanka Israa’iil,waxay baqdin la’aan Diyaaradheedu ugu dul duulayaan Hawada Iran,waxaana ugu danbeeyay 50- Diyaaradood oo dukhaymo gaystay,kadibna badqab kusoo laabtay.

    Israa’iil,waxay bartilmaameedsanaysaa Sadex qaybood oo muhiimad uleh Iran….

    1.Nidaamka Hawada Iran.
    2.Saraakiisha Sidoonka iyo Milleteriga.
    3.Niyuukleerka.

    Ilaa iyo hada khasaare baaxad leh ayay dhinacyadaas ka gaarsiisay Iran.

    Israa’iil dagaalkan,waa fursad Milleteri oo ay heshay,waxaana ka go’an in ay ka faa’idaysato qiimo walba ugu kaco.

    Waxa ugu weyn ee ay quudaraynayso,waa in R.Galbeedku aqbalaan doodeeda ah in Iran lala dilo.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Xog:-Khasaaraha kasoo gaaray Maraykanka dagaalka Iran

    April 6, 2026

    Puntland,waa in ay hakisaa Shirka Golaha Mustaqbalka Ee Garowe

    April 6, 2026

    Maraykanka iyo Iran oo aan weli heshiis gaarin,iyadoo….

    April 6, 2026
    Latest Posts

    Xog:-Khasaaraha kasoo gaaray Maraykanka dagaalka Iran

    Puntland,waa in ay hakisaa Shirka Golaha Mustaqbalka Ee Garowe

    Maraykanka iyo Iran oo aan weli heshiis gaarin,iyadoo….

    Maxaa ka jira in Gudoomiyaha Baarlamaanka Fadaraalka laga mamnuucay Maraykanka?

    Isbadalka lagu sameeyay Maamulka Bangiga Puntland oo la bogaadiyay

    “Madaxweyne Garsoorka dul istaag”WQ.Jibril Qoobey.

    Wasiirada cusub Ee Dowladda Puntland Oo la dhaariyay

    MADAXWEYNAHA OO MAGACAABAY GUDDOOMIYAHA BANGIGA, AGAASIMAHA BANGIGA IYO AGAASIME KU-XIGEENKA BANGIGA.

    Xisaabiyaha Guud Ee Dowlada Puntland oo la magacaabay

    Faallo:-Maxay ka dhigan tahay isku shaandhaynta lagu sameeyay Golaha Wasiirada iyo Guddoomiyayaasha Gobollada?

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.