Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Wararkii ugu danbeeyay dagaalka Qasa Ee Israa’iil iyo Xamaas
    Somalia

    Wararkii ugu danbeeyay dagaalka Qasa Ee Israa’iil iyo Xamaas

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.November 9, 2023No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Ciidamada Israel iyo kuwa Xamaas ayaa Khamiista maanta ku dagaallamay magaalada Gaza, iyadoo dadka rayidka ah ee Falastiiniyiinta ay ka qaxeen aaggaas oo diiradda lagu saaray hawlgallada milatari ee Israa’iil kadib markii ay Xamaas weerar ku qaadday bishii hore.

    Marka laga soo tago dagaalka dhulka ee ka socda magaalada ugu weyn ee Marinka Qaza, ciidamada Israel ayaa sidoo kale duqeymo cirka ah ku garaacay deegaankaasi.

    Dagaalka ayaa sababay barakaca dad aad u badan, iyadoo xafiiska Qaramada Midoobay u qaabilsan isku xirka arrimaha bini’aadantinimada uu sheegay in 50,000 oo qof ay Arbacadii u qaxeen dhanka koonfureed ee marinka Qaza.

    Tiradan ayaa ahayd tii ugu badnayd abid todobaadkan. Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in 72,000 oo qof ay ka tageen waqooyiga Gaza tan iyo Axaddii.

    Maalintii Axadda, Israa’iil ayaa billowday inay furto waddo dadka laga daadgureynayo oo ku taalla waddada weyn ee isku xirta waqooyiga iyo koonfurta Marinka Qaza.

    Waddadan ayaa furan afar saacadood maalintii, si dadka rayidka ah loogu oggolaado inay ka baxaan xarunta dagaalka. Ciidanka Israa’iil ayaa Arbacadii sheegay in ay saacad dheeraad ah ku kordhiyeen marinka, maadaama dad badan isticmaalayo.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Maxaa ka jira in Gudoomiyaha Baarlamaanka Fadaraalka laga mamnuucay Maraykanka?

    April 3, 2026

    Isbadalka lagu sameeyay Maamulka Bangiga Puntland oo la bogaadiyay

    April 3, 2026

    “Madaxweyne Garsoorka dul istaag”WQ.Jibril Qoobey.

    April 3, 2026
    Latest Posts

    Maxaa ka jira in Gudoomiyaha Baarlamaanka Fadaraalka laga mamnuucay Maraykanka?

    Isbadalka lagu sameeyay Maamulka Bangiga Puntland oo la bogaadiyay

    “Madaxweyne Garsoorka dul istaag”WQ.Jibril Qoobey.

    Wasiirada cusub Ee Dowladda Puntland Oo la dhaariyay

    MADAXWEYNAHA OO MAGACAABAY GUDDOOMIYAHA BANGIGA, AGAASIMAHA BANGIGA IYO AGAASIME KU-XIGEENKA BANGIGA.

    Xisaabiyaha Guud Ee Dowlada Puntland oo la magacaabay

    Faallo:-Maxay ka dhigan tahay isku shaandhaynta lagu sameeyay Golaha Wasiirada iyo Guddoomiyayaasha Gobollada?

    Madaxweyne Deni oo magacaabay Gudoomiyayaasha Gobollada PL qaarkood

    Golaha Wasiirada Puntland oo laysku shaandheeyay

    Beesha caalamka Oo si adag ugu digtay Xasan Shiikh

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.