Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Wararkii ugu danbeeyay Ee dagaalka Laascaanood
    Somalia

    Wararkii ugu danbeeyay Ee dagaalka Laascaanood

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.February 8, 2023No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Si buuxda Ciidamada halganku uma qabsan Taliska Maleeshiyada Muuse Biixi ee ubadan Beeshiisa iyo horgallo kasoo kala jeeda Beelaha Goday-biirsay,Habarjeclo iyo xoogaa Garxajis ah.

    Sadex Jiho ayay ka weerareen Ciidamada Halganku Taliska Gooja-cadde oo kala ah Bari,Galbeed iyo Waqooyi.

    Dagaalku ilaa iyo hada si xoog badan,ayuu usocdaa oo aan kala joogsi lahayn,waxaana lagu han weyn yahay in ugu danbayn Makhribkii laga faraxasho Gooja-cade.

    Magaalada,waxay kusoo rideen Hub waa weyn,taa badalkeedana,iyagana waa loogu jawaabay.

    Goobaha Korontada,Biyaha iyo Isgaarsiinta waxay ugu hanjabeen waa idin dukhaynaynaa,balse taasi wax weyn ma hakin.

    Waxaa Ciidamada halganku gooyeen Wadooyin muhiim ahaa oo uu gurmadku uga imaan lahaa Maleeshiyada Muuse Biixi.

    Taliska Gooja-cade,waxaa fadhiyay Maleeshiyo gaaraysa 3000 iyo Hubka culus ee Muuse Biixi.

    Balse 1500 oo ka mid ah Maleeshiyada Muuse Hubkii cuslaa ayay Shalay la baxeen oo waxay difaac ka xirteen Oog.

    Culaysyada soo food saaray Maleeshiyada Muuse,waxaa ugu weyn qaybaha Caafimaadka oo Magaalooyinka Oog iyo Caynabo,waxaa ka go’ay Dawadii,waxayna ku khasbanaadeen in ay Dhaawaca gaystaan Burco.

    Guud ahaan Puntland,waxaa ka socda gurmadka iskugu jira,Hubka,Rasaasta,Dawada iyo Raashinka ee Laascaanood.

    Ganacsatadii Hubka ee reer Bari waxay ku wareejiyeen gurmadka Hub door ah iyo Rasaas.

    Beesha Cali Saleebaan si gaar ah Lacag Cadaan ah iyo Gawaari Saad ah ayay dirtay.

    Isbitaalka Carmo ee Jajabka iyo Guryo Deegaamo ah,waxaa loo diyaariyay Dhaawaca.

    Garowe Qaybtii Sadexaad oo Dhaawac ah,ayaa soo gaaray,waxaana toos uga baxaya gurmad nooc walba leh.

    Mudug Gurmadkeedii iskugu jiray Ciidan,Rasaas,Hub,Dawo iyo Dhakhaatiir waa gaaray Laascaanood.

    Ciidan ku filan way joogaan Laascaanood ee baahidu waa Saadka ee yaysan ka kala go’in.

    Dagaalka Laascaanood waa Istiraatiiji ee doorkaaga qaado,waxa ugu yar ee laga dhaxlayo waa in uusan jirin Wiil Daarood ah oo Gunnimo ku jooga Geeska iyo midnimo Somaliyed.

    Jibril Qoobey.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Madaxweyne Axmed Madoobe oo lagu soo dhaweeyay Xamar

    February 10, 2026

    Madaxweyne Deni oo si weyn loogu soo dhaweeyay Muqdisho

    February 10, 2026

    Xildhibaanada mucaaradka oo samaystay Baarlamaanka xorta ah

    February 8, 2026
    Latest Posts

    Madaxweyne Axmed Madoobe oo lagu soo dhaweeyay Xamar

    Madaxweyne Deni oo si weyn loogu soo dhaweeyay Muqdisho

    Xildhibaanada mucaaradka oo samaystay Baarlamaanka xorta ah

    Halkee marayaa dhismaha Santuukha horumarinta Puntland ?

    Talyaaniga Oo PL ka fulinaya mashaariic muhiim ah

    Madaxweyne Deni Oo lagu amaanay maaraynta Caana shubka Ugaaska Tanade

    Hanbalyo Ugaas Cabdiraxmaan Ugaas Maxamed Ugaas Cali-geesood.

    Safiirka Talyaaniga Ee Somaliya oo soo gaaray Puntland

    Madaxweyne Deni oo ka qaybgalay Caano shubka Ugaaska Tanade

    Mw Deni oo dhagaxdhigay dhisme cusub oo uu yeelanayo Garsoorka G.Mudug

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.