Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Warbaahinta Itoobiya oo samaysay horumar baaxad leh
    Somalia

    Warbaahinta Itoobiya oo samaysay horumar baaxad leh

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.October 20, 2024No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    W/D:-Cabdirisaaq Jubba.

    Mudooyinkii ugu dambeeyey waxaan aad ula socdey warbaahinta Itoobiya ee ku baxda afafka Carabiga iyo English-ka.

    Itoobiyaanku waxay yeesheen warbaahin xooggan oo afka Carabiga iyo English-ka ah. Marka laga tago TV-yada iyo warbaahinta dawlada, waxaa jira tobanaan ama boqolaal xarumood oo ku hadla luuqado dibadda ah, gaar ahaan English iyo Carabi.

    Wasaaradaha iyo hay’adaha dawladeed ee muhiimka ah ee Itoobiya, waxaa loo sameeyey akoonno iyo baro internet oo ku hadla afka Carabiga. Xitaa waxaa jirtay mar uu Abiy Axmed ku boorriyey dadka waddankiisa in ay bartaan afka Carabiga.

    Sidoo kale, waxaa jirtay mar ay Itoobiya codsatay in ay ku biirto Ururka Jaamacadda Carabta, inkastoo la ga diiday dalabkaas, oo ahaa mid ay gadaal ka riixaysay dawladda Imaaraadka Carabta.

    Sababta ay Itoobiyaanku xoogga u saarayaan Carabiga, waxa ay ku salaysan tahay; cilaaqaadka Itoobiya iyo Khaliijka oo kordhay, caabbinta warbaahinta Masar, Itoobiya oo fahantay in danaheeda istaraatiijiyadeed ay ku xiran yihiin Badda Cas iyo dunida Carabta, iyo qawmiyadda Oromada oo leh saqaafo Carbeed oo ka dhalatay in dad badan oo iyaga ah ay wax ku soo barteen ama ku soo noolaadeen dalalka Carabta.

    Waxaa dheer in Oromadu ay u badan yihiin Muslimiin, oo ay muddo dheer xiriir la lahaayeen Carabta iyo dunida Islaamka.
    Ninkan aan tusaalaha u soo qaatay, waxaa la yiraahdaa Yaasiin Axmed, waxa uu madax ka yahay Machadka Itoobiya ee Diblamaasiyadda Dadweyne/Ethiopian Institute for Public Diplomacy .

    Waa nin Oromo ah oo deggan Sweden oo si weyn u gu ololeeya taliska Abiy Axmed iyo qorshayaasha gurracan ee Itoobiya. Waxaan dhegaystay waraysigiisan la ga qaaday, oo uu si xirfad leh oo hab-feker istaraatiiji ah ugu soo bandhigay danaha iyo damacyada Itoobiya. Hadalkiisu wuxuu u badan yahay been iyo marin habaabin iyo buunbuunin.

    Laakiin anigu ku ma ceebsanayo taas, oo waa sidii la rabay in uu u hadlo qof walba oo ka shaqaynaya danaha dalkiisa iyo dadkiisa.

     

    Faahfaahin Dheeri ah Link-gan Ka Daawo .

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Maxaa ka jira in Gudoomiyaha Baarlamaanka Fadaraalka laga mamnuucay Maraykanka?

    April 3, 2026

    Isbadalka lagu sameeyay Maamulka Bangiga Puntland oo la bogaadiyay

    April 3, 2026

    “Madaxweyne Garsoorka dul istaag”WQ.Jibril Qoobey.

    April 3, 2026
    Latest Posts

    Maxaa ka jira in Gudoomiyaha Baarlamaanka Fadaraalka laga mamnuucay Maraykanka?

    Isbadalka lagu sameeyay Maamulka Bangiga Puntland oo la bogaadiyay

    “Madaxweyne Garsoorka dul istaag”WQ.Jibril Qoobey.

    Wasiirada cusub Ee Dowladda Puntland Oo la dhaariyay

    MADAXWEYNAHA OO MAGACAABAY GUDDOOMIYAHA BANGIGA, AGAASIMAHA BANGIGA IYO AGAASIME KU-XIGEENKA BANGIGA.

    Xisaabiyaha Guud Ee Dowlada Puntland oo la magacaabay

    Faallo:-Maxay ka dhigan tahay isku shaandhaynta lagu sameeyay Golaha Wasiirada iyo Guddoomiyayaasha Gobollada?

    Madaxweyne Deni oo magacaabay Gudoomiyayaasha Gobollada PL qaarkood

    Golaha Wasiirada Puntland oo laysku shaandheeyay

    Beesha caalamka Oo si adag ugu digtay Xasan Shiikh

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.