Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Warbaahinta Itoobiya oo samaysay horumar baaxad leh
    Somalia

    Warbaahinta Itoobiya oo samaysay horumar baaxad leh

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.October 20, 2024No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    W/D:-Cabdirisaaq Jubba.

    Mudooyinkii ugu dambeeyey waxaan aad ula socdey warbaahinta Itoobiya ee ku baxda afafka Carabiga iyo English-ka.

    Itoobiyaanku waxay yeesheen warbaahin xooggan oo afka Carabiga iyo English-ka ah. Marka laga tago TV-yada iyo warbaahinta dawlada, waxaa jira tobanaan ama boqolaal xarumood oo ku hadla luuqado dibadda ah, gaar ahaan English iyo Carabi.

    Wasaaradaha iyo hay’adaha dawladeed ee muhiimka ah ee Itoobiya, waxaa loo sameeyey akoonno iyo baro internet oo ku hadla afka Carabiga. Xitaa waxaa jirtay mar uu Abiy Axmed ku boorriyey dadka waddankiisa in ay bartaan afka Carabiga.

    Sidoo kale, waxaa jirtay mar ay Itoobiya codsatay in ay ku biirto Ururka Jaamacadda Carabta, inkastoo la ga diiday dalabkaas, oo ahaa mid ay gadaal ka riixaysay dawladda Imaaraadka Carabta.

    Sababta ay Itoobiyaanku xoogga u saarayaan Carabiga, waxa ay ku salaysan tahay; cilaaqaadka Itoobiya iyo Khaliijka oo kordhay, caabbinta warbaahinta Masar, Itoobiya oo fahantay in danaheeda istaraatiijiyadeed ay ku xiran yihiin Badda Cas iyo dunida Carabta, iyo qawmiyadda Oromada oo leh saqaafo Carbeed oo ka dhalatay in dad badan oo iyaga ah ay wax ku soo barteen ama ku soo noolaadeen dalalka Carabta.

    Waxaa dheer in Oromadu ay u badan yihiin Muslimiin, oo ay muddo dheer xiriir la lahaayeen Carabta iyo dunida Islaamka.
    Ninkan aan tusaalaha u soo qaatay, waxaa la yiraahdaa Yaasiin Axmed, waxa uu madax ka yahay Machadka Itoobiya ee Diblamaasiyadda Dadweyne/Ethiopian Institute for Public Diplomacy .

    Waa nin Oromo ah oo deggan Sweden oo si weyn u gu ololeeya taliska Abiy Axmed iyo qorshayaasha gurracan ee Itoobiya. Waxaan dhegaystay waraysigiisan la ga qaaday, oo uu si xirfad leh oo hab-feker istaraatiiji ah ugu soo bandhigay danaha iyo damacyada Itoobiya. Hadalkiisu wuxuu u badan yahay been iyo marin habaabin iyo buunbuunin.

    Laakiin anigu ku ma ceebsanayo taas, oo waa sidii la rabay in uu u hadlo qof walba oo ka shaqaynaya danaha dalkiisa iyo dadkiisa.

     

    Faahfaahin Dheeri ah Link-gan Ka Daawo .

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Trump oo markale ilhaameeyay Xasan Shiikh

    September 26, 2025

    Faallo:-Dabka uga shidmay Xamar Xasan halkee la aadi doonaa?

    September 26, 2025

    Wax badan ka ogow tagida Xasan Shiikh Ee Kismaayo

    September 26, 2025
    Latest Posts

    Trump oo markale ilhaameeyay Xasan Shiikh

    Faallo:-Dabka uga shidmay Xamar Xasan halkee la aadi doonaa?

    Wax badan ka ogow tagida Xasan Shiikh Ee Kismaayo

    Jubaland oo garab istaagtay mucaaradka Muqdisho.

    Xasan Shiikh oo dabin siyaasadeed ugu dhacay Mucaaradka Xamar

    Jen.Qalyare oo Aas qaran loogu sameeyay Garowe

    Xog:-Maxaa kala socotaa mashruuca horumarinta Ee New Muqdisho?

    Xasan Shiikh oo baadigoob ugu jira isla sawirka Trump

    Markab sida 150-Kunteenar oo kusoo xirtay Bosaso

    Faallo:-Puntland oo Wayday Geesi Qaran

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.