1.Daacish,waa la burburiyey 98%,waxaana ka haray haraadi yar oo ku harsan Dhul gaaraya 5km^2,waa daba qabsi yar oo lagu hareeraysan yahay oo u badan ajaanib iyo Dumar iyo Caruur, baahi darteed,waxay cunaan Hilibka Dameeraha,waana cagacad yihiin mudo yar kadibna,waa soo afjarmayaan.
- AS,waxaa looga adkaaday gudaha magaalooyinka,waxaa la laayey kuwii magaalooyinka hawlgalada ka fulin jiray,waxaa kaloo lagu guulaystay in lan dhex galo oo tilaabo kasta oo ay qaadaan lala socdo,waxayna go’doon ku yihiin Buurta Calmadow,waxaana ka qorshaysan dhawaan hawlgal lagu soo afjarayo.
- Amniga Bosaso oo sanado ka hor ay ka dhici jireen falal amni argagixiso maanta waa magaalooyinka ugu amniga badan guud ahaan Somaliya.
- Amniga Galkacyo oo la mid ahaa kan Bosaso,waa lasoo ceshay,waxaana ka dhaca maanta danbiyada caadiga ahbee magaalooyinka.
- Waxaa la tayeeyey Ciidamada kala duwan ee Dowladda sida Booliska,Daraawiishta iyo Sirdoonka iyadoo loo sameeyay Kuliyado shaqo galay oo Ciidanka cusubna lagu tababaro kuwii horay ujirayna dhawrkii biloodba aqoon kororsi loogu celiyo.
- Waxaa kor loo qaaday kalsoonida shacabka ay ku qabaan hay,adaha amniga taasoo ku timid aqoonta hay’adaha amniga iyo wacyiga Ciidan oo kor loo qaaday,waxayna 5-tii Sano ee ugu danbaysay Dowladdu xil gaar ah iska saartay kordhinta adeegyadooda iyo mushaaradka oo loo joogteeyey.
- Waxaa la abuuray iskaashi caalami ab ( International Partners) toos ula falgala Ciidamada kala duwan,taasoo qayb ka qaadatay in Ciidanku aqoon ahaan iyo shaqo ahaanba kor u kacaan.
Hawlgalka Daacish bilowgiisii,gaar ahaan dagaaladii Haraaryo 1 iyo 2,waxay Saaxiibada caalamiga ah qireen in aysan wali Somaliya ku arag Ciidan sidaas u dagaalama,waana sababta keentay in wixii markaas ka danbeeyey ay dagaalka toos u soo galaan kana barbar dagaalamaan Ciidamada PL.
