Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Wariye sare oo BBC-da looga cayriyay hadal uu ka qoray Wiilka Reer Boqorka Uk u dhashay
    Somalia

    Wariye sare oo BBC-da looga cayriyay hadal uu ka qoray Wiilka Reer Boqorka Uk u dhashay

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyMay 9, 2019No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Madaxda BBC-da ayaa shaqada ka eryay mid ka mid ah wariyeyaasha ugu caansan shirkadda oo lagu magacaabo Danny Baker ka dib markii uu bartiisa Twitter-ka ku qoray wax loogu yeeray “hadal edeb darro ah” oo ku saabsan cunuga yar ee ay dhaleen Amiir Harry iyo Mehgan.

    Qoraalka, oo hadda laga tiray Twitter-ka, ayaa ku faafay baraha xiriirka bulshada waxaana uu muujinayay sawirka lamaane oo gacanta ka haya daanyeer loo labisay, waxaana uu raaciyay qoraal uu ku yidhi: “Cunuga boqortooyada wuxuu kasoo baxay isbitaalka”.

    Baker oo tabin jiray barnaamijyada 5Live ayaa lagu eedeeyay inuu hab cunsurinnimo ah u sheegayay asalka ay kasoo jeeddo amiiradda.

    Afhayeen u hadlay BBC-da ayaa yidhi: “Kani wuxuu ahaa khalad aad halis u ah”.

    Mas’uuliyiinta BBC-da ayaa intaas ku daray in qoraalka iyo sawirka uu Baker soo dhigay Twitter-ka uu kasoo hor jeedo shuruucda BBC-da.

    “Danny waa wariye cajiib ah, laakiin ma sii tabin doono barnaamijkeenna isbuuclaha ah”.

    Harry iyo Meghan, oo hooyadeed ay kasoo jeeddo Mareykanka madow, ayaa Arbacadii soo bandhigay wiilkooda cusub oo ay ku magacaabeen Archie Harrison Mountbatten-Windsor.

    Baker ayaa goor dambe raalli galin ka bixiyay ficilka uu sameeyay, wuxuuna sheegay in waxa dhacay uusan filaneynin.

    Wariyahan 61 sano jirka ah ayaa raadiyaha ka tabin jiray barnaamij baxa dabayaaqada isbuuca.

    Baker ayaa dadka ku taxan bartiisa Twitterka oo gaaraya nus malyan ruux waxa uu u sheegay inay suxufiyiin ugu imaadeen albaabka gurigiisa ay ku dhaheen: “Ma waxay kula tahay in dadka madowga ah ay u egyihiin Daanyeerro?”.

    Qoraal kale ayuu ku qeexay in ujeeddadiisu aysan ahayn sida loo fahmay, khaladkaasna uu raalli galin ka bixinayo.

    Xigasho:BBC

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Maalgelin $Trillion ah oo Sacuudigu ku maalgashanayaa Maraykanka.

    November 19, 2025

    Saxaafada caalamka oo isku soo subway Puntland

    November 19, 2025

    Warbixin ay soo saartay Jaamacadda AMERICAN UNIVERSITY oo looga hadlay guulaha Ciidamada PL

    November 19, 2025
    Latest Posts

    Maalgelin $Trillion ah oo Sacuudigu ku maalgashanayaa Maraykanka.

    Saxaafada caalamka oo isku soo subway Puntland

    Warbixin ay soo saartay Jaamacadda AMERICAN UNIVERSITY oo looga hadlay guulaha Ciidamada PL

    Faahfaahin duqaymo lala beegsaday firxadka argagixisada

    Faah-faahin dheeraad ah Miisaaniyadda sanadka 2026 Ee Puntland

    Somaliya oo codkeeda ku biirisay Qasa in la geeyo Ciidan shisheeye

    Palestinian Authority welcomes UN Security Council resolution on Gaza

    𝗪𝗮𝗳𝘁𝗶 𝘂𝘂 𝗵𝗼𝗴𝗴𝗮𝗮𝗺𝗶𝗻𝗮𝘆𝗼 𝗪𝗮𝘀𝗶𝗶𝗿 𝗝𝘂𝘅𝗮 𝗼𝗼 𝗴𝗮𝗮𝗿𝗮𝘆 𝗗𝗵𝗮a𝗱𝗮𝗮𝗿

    Wasaarada Arimaha gudaha oo go’aan ka gaartat khilaafka Golaha Deegaanka

    Ciidamada Puntland oo qaaday hawlgal culus

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.