Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Wasaarada Arimaha Gudaga DPL iyo Xisbiyada Siyaasada oo Go’aan midaysan ka gaaray Jadwalka fariisinta Golayaasha Deegaanka Ee la doortay.
    Somalia

    Wasaarada Arimaha Gudaga DPL iyo Xisbiyada Siyaasada oo Go’aan midaysan ka gaaray Jadwalka fariisinta Golayaasha Deegaanka Ee la doortay.

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.August 28, 2023No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Garowe, August 28, 2023: Wargalin shaacinta Jadwalka Fariisinta Goleyaasha Deegaanka Degmooyinka Puntland.

    Maanta oo taatiikhdu tahay 28/08/2023, waxaa shir wadatashi ah oo ku aadan Fariisinta Goleyaasha Degaanka ee la soo doortay isugu yimi Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dowladda Puntland iyo Xisbiyada Siyaasadda DPL.

    Wadatashi dheer kadib, Waxaa la isla qaatay in fariisinta Goleyaasha Deegaanka guud ahaan Gobolada oo dhan laga bilaabo 05/09/2023, markii laga reebo Degmada Baran oo ah Meesha laga daahfurayo fariisinta Goleyaasha Deegaanka ee la soo doortay.

    Sidaa darteed, Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dowladda Puntland, waxay idin ogaysiinaysaa in maalinta daahfurka Fariisinta Goleyaasha ay tahay 30/08/2023 lagana daahfurayo Degmada Baran ee Gobolka Sanaag.

    Haddaba, Wasaaraddu waxay markale ku wargelinaysaa dhammaan Guddoomiyaasha Gobolada, Degmooyinka, Xubnaha Goleesha Deegaanka ee la doortay iyo Xisbiyada siyaasada qodobadan soo socda oo ah qodobo asaas u ah fariisinta Goleyaasha Deegaanka:-

    1. Waa in dhammaan xubnaha goleyaasha deegaanka ee la soo doortay ay u diyaar garoobaan fariisiinta, dhaarinta iyo doorashada Guddoomiyaha iyo Guddoomiye kuxigeenka Goleyaash Deegaanka.

    2. Waxaa Guddoomiyaasha Gobolada lagu wargalinayaa in ay ka qeyb-qaataan Fudeynta iyo Fariisinta Goleeyasha Deegaanka.

    3. Waa in xisbiyada siyaasadu soo gudbiyaan liisaska kama danbeysta ah ee xubnaha ugu sharraxan Guddoomiyaha iyo Guddoomiye Kuxigeenka Goleyaasha Deegaanka, sida ugu dhakhsaha badan.

    4. Waa In Xisbiyada siyaasadu ku wargaliyaan xubnahooda Goleyaasha deegaanka in ay u diyaar garoobaan fariisiinta Goleyaasha Deegaanka.
    Ugu danbeyn, Waxaan rajaynayaa in aad si mug leh uga qeyb-qaadataan dhameystirka fariisinta Goleyaasha deegaanka si ay u gutaan waajibaadkii ay bulshadu u soo dooratay oo ah in ay si hufan ugu adeegaan.

    DHAMMAAD

    XAFIISKA WARFAAFINTA IYO XIRIIRKA DADWEYNAHA WASAARADDA ARRIMAHA GUDAHA DPL.

     

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Madaxweyne Axmed Madoobe oo lagu soo dhaweeyay Xamar

    February 10, 2026

    Madaxweyne Deni oo si weyn loogu soo dhaweeyay Muqdisho

    February 10, 2026

    Xildhibaanada mucaaradka oo samaystay Baarlamaanka xorta ah

    February 8, 2026
    Latest Posts

    Madaxweyne Axmed Madoobe oo lagu soo dhaweeyay Xamar

    Madaxweyne Deni oo si weyn loogu soo dhaweeyay Muqdisho

    Xildhibaanada mucaaradka oo samaystay Baarlamaanka xorta ah

    Halkee marayaa dhismaha Santuukha horumarinta Puntland ?

    Talyaaniga Oo PL ka fulinaya mashaariic muhiim ah

    Madaxweyne Deni Oo lagu amaanay maaraynta Caana shubka Ugaaska Tanade

    Hanbalyo Ugaas Cabdiraxmaan Ugaas Maxamed Ugaas Cali-geesood.

    Safiirka Talyaaniga Ee Somaliya oo soo gaaray Puntland

    Madaxweyne Deni oo ka qaybgalay Caano shubka Ugaaska Tanade

    Mw Deni oo dhagaxdhigay dhisme cusub oo uu yeelanayo Garsoorka G.Mudug

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.