Wasaaradda difaaca ee Uganda ayaa war qoraal ah oo ay soo saartay ku sheegtay in khasaare dhimasho leh uu ka dhashay ka dib markii dayaarad Helikobter ah oo ciidankooda qaybta ka ah hawlgalka midowga Afrika ee Soomaaliya leeyihiin ay ku dhacday meel u dhow garoonka dayaaradaha ee magaalada Muqdisho.
Qoraalka ayaa lagu sheegay in dayaaradaas oo nooceedu yahay Mi-24, kuna dhacday meel garoonka u jirta 200 mitir ay saarnaayeen 8 qof oo 6 ka mid ah ay ahaayeen shaqaalihii dayaaradaas.
“Jugtii ay dhulka ku dhacday ayaa dhaliyey in rasaas saarnayd ay qaraxdo , taasoo sababtay dhaawac soo gaaray dhismayaal u dhawaa, ayadoo ay sidoo kalena ku dhaawacmeen 3 qof oo rayid ah” ayaa lagu yiri qoraalka.
Qoraalka wasaaradda ayaa lagu sheegay in duuliyihii, kaaliyihiisii iyo injineerkii dayaaradda ay ka badbaadeen shilka, ayadoo uu soo gaaray dhaawac daran iyo gubasho xoog leh. “Waa la soo badbaadiyey ayaga iyo seddex qof oo rayid ah” ayaa lagu yiri qoraalka, ayadoo loo qaaday dadka dhaawacmay isbitaal uu leeyahay hawlgalka AUSSOM.
